hilib loo qaybiyay qoysas

Ceergaabo(Araweelo News Network)Hay’adda laga leeyahay dalka Imaraatka Carabta ee Hilal Axmar oo fadhigeedu yahay Dubia, ayaa deeq

Hilib ah soo gaadhsiisay inta badan qoyasaka danyarta ah eek u nool magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Guddoomiyaha Hay’adda Waddaniga ah ee Somtract Development Charity (SDC) Maxamed Jaamac Xasan ayaa subaxnimadii Ciida u qaybiyay deeqdaa 145 qoys oo ka mid ah masaakiinta ku dhaqan magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo qiyaastii celcelis ahaan halkii qoysba ka kooban yahay shan qof, waxaana dadkaa loo qaybiyay 10 Dibi oo Lo’o ah hiilibkooda munaasibada Ciidal Adxa.

Hay’adda Hilaal Axmar Emirati oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai, ayaa deeqdaa qaybinteeda usoo wakiilatay hay’addan Somtract Development Charity (SDC) ee uu guddoomiyaha u yahay Maxamed Jaamac Xasan (Daadey).

Tobankaa Dibi ayaa ka hor intii aan la gawricin, waxa la geeyay Sariibadda magaalada Ceergaabo ee Kawaanka xoolaha lagu gawraco, waxaana iyadoo nadaafadda goobtaas si wanaagsan loo diyaariyey loogu geeyay dadkaa danyarta ah guryohooda, iyadoo qoys walba qaybtiisii oo diyaar ah halkaas lagu guddoonsiiyey.
qoysaska hilibka loo qaybinayo
Qoysaska loo qaybiyay deeqdaa Hilibka ah ayaa ka mahad celiyay deeqda loogu geeyay guryohooda, waxayna u mahad celiyeen Hay’adda Hilal Axmar iyo Hay’adda wadaniga ah ee soo gaadhsiisay deeqdaa.

Maaha markii u horaysay ee Hay’addaha Hilaal Axmar Emirati iyo Somtract Development Charity sidan oo kale munaasibadaha Ciida u qaybiyaan qoysas danyar ah oo ku dhaqan Ceergaabo u qaybiyaan deeq, balse waxay sidan oo kale ugu qaybinayeen deeqo tan la mid ah, waxayna taasi ka dhigtay labada Hay’addadood in ay noqdaan kuwo si weyn indhaha ugu haya duruufaha nololeed ee ay qabaan qoysaskaa masaakiinta ah, kuwaas oo aanay jirin cid iska xil saarta baahiyaha iyo duruufaha ay qabaan dadka noocan oo kale ah oo u baahan taageero iyo waxtarba, kuwaas oo aan waxba ka helin caawimooyinka xukuumadda Somaliland maamusho ee Madaxtooyadda laga maamulo.

 

 

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
1
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *