Hargeysa(ANN)Gudoomiyihii hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland Marxuum C/raxmaan Ducaale Maxamuud, ayaa saaka lagu aasay xabaalaha Naasa Hablood oo ku yaal dacalka Bari ee magaalada Hargeysa. kadib marii uu shalay Marxuumku ku geeriyooday cusbitaalka gaarka loo leeyahay

 

ee Shifo oo ku yaal Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Shirgudoonka labada gole  iyo Hoggaamiyeyaasha axsaabta siyaasada iyo boqolaal dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa maanta ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay Allah ha u naxariiistee Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale

https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13bb8f4c561f85c9&attid=0.3&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1356036196832&sads=rNzXLtMjAXb69jsGdGyGQ0ysJnE

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa  sheegay in marxuumku ahaa aqoonyahan kaalin mugle ka soo qaatay hanaankii dib u dhiska dalka dawladda Somaliland, wuxuuna illaahay uga baryay marxuumka in uu naxariistii Janno ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay siyaasiyiin, aqoonyahan iyo shirgudoonka labada gole oo dhamaantood ka waramy shaqsiyadii marxuumka iyo doorkii uu kasoo qaatay dib u dhiska Somaliland, waxayna ku tilmaameen inuu ahaa marxuumku adoon wanaagsan oo akhlaaq iyo dabeecad wanaagsan, iyagoo tacsi  diray qoyskiisii,qaraabadii, ehelkii iyo ummada Somaliland.
https://mail-attachment.googleusercontent.com/attachment/u/0/?ui=2&ik=b5a3133d3f&view=att&th=13bb8f4c561f85c9&attid=0.2&disp=inline&safe=1&zw&saduie=AG9B_P-gFL7Z89OuvP9PKOmox24P&sadet=1356036992151&sads=Z6fRK9H-_6Csd4zRlBwhkwQOAaE
Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Maxamuud waxa uu ahaa aqoonyahan si weyn looga yaqaanay Somaliland iyo Somalia, wuxuuna 1997 ilaa 2010 ahaa gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, wuxuuna ahaa shaqsi sumacad ku lahaa shaqadiisa, isagoo ahaa rukumadii seeska u ahaa baanka Somaliland iyo qorshihii lagu fadhiisiyay lacagta Somaliland.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *