Burco(ANN)Maayarka cusub ee degmadda Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Maxamed-muraad) iyo ku xigeenkiisa Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) ayaa maanta si toos ah xilka ugala wareegay Maayirkii hore ee Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhaggolaab) iyo ku xigeenkiisii Axmed Cabdi-falay.

Munaasibada si weyn loo agaasimay oo loo sameeyay xil wareejintaa, waxa ka qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo ,saraakiil ka socotay Hay’addaha Dawladda ee gobolka Togdheer iyo dadweyne kale oo ka socday qaybaha bulshadda ee magaalada Burco.

“ Anigu xilka Dawladda Hoose waxaan la wareegay 2005-tii iyadoo oo ay shaqaaluhu leeyihiin 18-bilood mushaharkood iyo waliba daymo kale ,dhamaantoodna waanu bixinay ,shaqaaluhuna maanta bishaa imika soconaysa mooyaane mushahar kale ma laha ,taasi marka aan soo dhaafo hore daymo ayaa laysku wareejin jiray maanta se wax dayn ah oo aan wareejinayaa ma jirto lacag kaash ah mooyee “ Sidaa waxa yidhi Maayarkii hore ee degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhaggolaab) oo ka hadlaayay xafladii uu xilka ku wareejinaayay waxaanu intaasi ku daray.

“ Lacagta kaashka ah ee aan wareejinayaa waa lacag ka badan 707-milyan oo kaash ah oo Somaliland shilin ah oo kala taala baanka Hargeysa iyo ka Burco iyo $ 2840 doolar oo kaash ah ,waxaanu kale oo aan wareejinayaa wadooyin laamiyo ah oo Sideed ah waddo ah, kuwaas oo Afar ka mid ahi dhamaadeen ,halka Afar kale-na hadda gacanta lagu hayo  iyo  gaadiid tiro badan ayaan wareejinayaa. “.ayuu yidhi Maayarkii hore ee Burco Maxamuud Dheggolaab.

Dhinaca kale Maayirka cusub ee golaha deegaanka Burco Maxamed Yuusuf Cabdi (Maxamed-muraad) oo ka hadlay munaasibadaa ayaa balan qaaday inay ka nabad-geli-doonto hantida ummadu,  isla markaana addeegyadda bulshada Burco iyo hawsha socota ee lagu wareejiyay halkaa kasii wadayaan, wuxuuna isagoo ka hadlaya arrimahaa yidhi, “ Maamulku waa qori isu dhiib ,annagguna halkaa ay maanta taagantahay ayaanu kasii wadaynaa haddii alle yidhaahdo, waxaanuna idiin balan qaadaynaa in hantida qaranka ee Illaahay gacanta noo galiyay ay nagga nabad-gasho.

Munaasibada xilka loogu kala wareejiyay Maayarkii hore ee  Burco iyo Maayarka Cusub iyo ku xigeenadooda  oo ka dhacday xarunta Dawladda Hoose ee Burco, waxa kale oo ka qaybgalay Wasiir dawlaha maaliyadda Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayar, waxayna ka jeediyeen halkaa hadalo dardaaran ah oo ay u jeediyeen masuuliyiinta xilka la wareegay.

Geba-gebadii munaasibadaa waxa lagu soo bandhigay barnaamijyo Maqal iyo Muuqaal ah  oo ka turjumayay mashaariic  iyo waxqabadkii ay Dawladda Hoose ku talaabsatay mudadii uu Maayarka ka ahaa Maxamuud Dhaggalaab oo waxqabad ka sameeyay adeegyada bulshada ee magaalada Burco, isla markaana ka tegey lacag malaayiin shilin somaliland ah oo uu munaasibadaa ku wareejiyay. maayarka iyo ku xigeenka cusub.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *