Cod-bixintii ayaa loo qaaday Guddidii Fulinta, waaxaanay ku dhammaatay:

Oggol: 34 cod,

Diiddan: 1 cod,

Aammus: 0

Isugeyn codadka kal-fadhigu marka ka Guddoomiyaha Kal-fadhiga lagu daro waa 36 cod. Dad baa u macnaystay in aanu Golaha Dhexe waxba ahayn oo Guddidii Fulinta ee ay shalay diideen maanta yeeleen oo Guddoomiyuhu libaax yahay oo uu wax alle yaale wixii uu doono ee uu ku adkaysto marsan karo. Qiimaynta iyo go’aanka kama-danbaysta ah se dadkaa leh.

Halkan waxa ka bilaabantay dhacdo la magac-baxday “Dhagax-tuurkii yaraa”, hadda kii weynaa wuu danbeeyaa. Ninka doonaya in uu fahmo qaybsanaanta riiq-dheeraatay ee SNM halka ay ka timid halkan ayuu ka bilaabayaa. Dhacdadaasi ilaa maantadaa aynu joogno xanafteedii iyo xadaafiirteedii way ku leedahay dadkii ururka ka tirsanaa.

Intaasi markii ay dhacday ayaa la bilaabay doorashadii Guddida Joogtada ee Golaha Dhexe. Markiiba waxa la isiku raacay in ay Guddida Joogtadu ka koobnaato 15 xubnood, ka dibna waxa la saaray Guddi soo xusha xubnaha loo soo sharraxayo Guddida Joogtada. Guddidaa xulku waxay soo saartay 14 xubnood, waayo xubinta 15aad waxa noqonayay Xoghayaha Golaha Dhexe oo isla markaana ahaa Xoghayaha Guddida Joogtada ah. Guddidii waxay soo xushay:

Cabdi Yuusf Ducaale – Xoghayaha Golaha Dhexe iyo Guddida Joogtada,
Jaamac saalax Axmed,
Cumar Maxamed warsame (Xiinwaal),
Carab Nuur Xandulle,
Ismaaciil Xaaji Cabdi,
Maxamed Cumar Duqow,
Axmed Xasan Aadan (Weyso-cadde),
Axmed jaamac Seed (Jibiiqe),
Muuse Giirre,
Cabdi Xasan Liibaan (Nah-nahle),
Cismaan Aadan Dool (Quulle),
Yaasiin Axmed Xaaji Nuur,
Cabdi Cali Mahdi,
Yuusuf  Sheekh Ibraahin (Quraab),
Xasan Guure Jaamac,

Kal-fadhigu wuxu isku raacay in ay Guddida Joogtadu intaa noqoto. Waxa hadhay Guddoomiyihii Guddida. Codku wuxu u dhacay:

Oggol: 32 cod,

Diiddan: 0,

Aammus: 1 cod,

Guddoomiye Siilaanyo markii Guddidii Fulinta loo ansixiyay hadalladii uu madasha ka jeediyay waxa ka mid ahaa weedhan hoos ku qoran:
“…Waana malaynayaa in cidi diidmo ka qabi karto, laakiin waxaan codsanayaa in aanay inagu reebin uur-xumo.”
Intaa ka dib Guddoomiyihii Guddida Joogtada ayaa cod loo qaaday. Waxa sharraxnaa: Yuusuf Sheekh Ibraahin (Quraab), Cismaan Aadan Dool (Quulle) iyo Xasan Guure Jaamac oo kala helay: 14 cod, 15 cod, 2 cod, 1 cod oo aammusay iyo mid dibadda u baxay oo maqnaa markii codka la qaadayay. Waxa xusuus gaar ah lahayd in aanu Quulle isu codayn galabtaas, halka uu Quraab gacanta isu taagay.
Hadraawi markii uu majarihiisii hore ku soo noqonayay ee uu inoo marinayay maansadiisii caan-baxday ee Gol-janno, wuxu ku soo galay:

‘”Gol-jannaan ka shaxayee,

Goormaan dawaafkii,

Tegay Webi Ganaaniyo,

Gabbalaha dusheenna ah,”

Aniguna aan idiin jilciyo e’, goorma ayaan ka dhaqaaqay taxanaheennii xidhiidhsanaa ee aan xaafadihii Diri-dhabe ee “Gende Dibboo” iyo “Gende Qora” idiin la ambo-baxay!

Sheekadii ku soo noqo iyo qaybtii labaad ee Maagistaydii.

29/8/2012ka:

Si caadiya ayaan u toosay. Nabaddii iyo deggenaanshihii aan ku seexday ayaan ku waa-bariistay. Culays badan oo I saarnaa ayaan arkayay in uu iga degayo. Qalalaase aan muddo ku soo dhex noolaa ayaan arkayay in uu iga soo dhammaanayo. Hawl qaran oo la ii igmaday oo aan la iigu xil-qabin ayaan haynteedii iyo gudashadeedii iga soo dhammaanaysay.

Gelinkii hore waxaan ku hawlanaa oo aan ka fekerayay sidii loo hanan lahaa ammaanka Idaacadda cusub oo aan ka shakisanaa intii aan u qayshan lahaa in ay ila badbaadin doonto iyo in kale. Barqadii ayaan tegay Hudheelka Maansoor oo lagu qabanayay Shir ballaadhan oo ay NGO-yadu qabteen. Ma aan fuulin halkan sare ee ay inta badan madaxdu isku taxdo, bal se waxaan iska fadhiistay dadweynihii martida ahaa maa daama aan iyaga ka tirsanaa, ka imid isla markaana ku noqonayay. Dhowr Wasiir ayaa iga codsaday in dusha u baxo, bal se waxaan arkayay in aanay iyagaba qadayn aniguna dhqankaa is-tusnimada iskuma tiryo in aan leeyahay.

Cabbaar ayaa la sugayay Madaxweyne-ku-xigeenkii oo madasha furayay. Waa dhaqan ay madaxdu iska leedahay in aanay waqtiga qiimihiisa dhaadin. Ceebtood ma aha ee waa caadadood in ay dadka waqtiga ka lumiyaan oo saacado badan loo dabranaado. Markii aan cabbar fadhiyay ayaan Wasaaraddii iskaga noqday. Waqti saacaddu ku beegnayd 1dii duhurnimo ayaan xaggii xaafadda ama guriga u ambo-baxay. Haddii aan marayo batroollaha Total ee Maansoor u dhow waxa igu soo dhacay tilifoon igaga yimid Madaxtooyada. Ninkii ila soo hadlayay wuxu ii sheegay in uu warqad ii sido waxaanu I weydiiyay halka aan joogo. Waxaan kula ballamay Huteel Guuleed hortiisa.

Huteel Guuleed hortiisa ayaa waqti ku beegnaa ilaa 1.20 gelinkii danbe ah warqaddii xil-ka-qaadista la iigu dhiibay. War la qabaa xiiso ma lahayn e’ ninkii siday inta aan u mahad-celiyay ayaan hoyday.

Markii aan hoyday ayaan Madaxweynaha tilifoonkaygii ugu danbeeyay u diray. Farriintaan maalintaa u diray maxay ahayd? Maxaa se warqadda  iigu qornaa?

Ka warrama hadii aynu intaana burrito ku quraacanno? Ilaahay ha inagu simo. Kol haddii aan Diri-dhabe ka soo noqday oo aynu soo wada dawaafnay diyaar ayaan u ahay in xilka la iga qaado.

Subax wanaagsan. Waa mar kale iyo taxanaheennii. Waa tii aynu ballanta lahayn saaka in aynu ku wada quraacanno Qormadan 25aad. Aniga waa igu Qormada, dalabkiinna kalena idinka ayuu idiin yaalla, ninba waxa uu ku liqi karayo.

Warqaddii la ii dhiib. Aniguna xishmayn iyo qadderin awgeed gurigii ayaan la tegay oo xataa waxan ka xishooday in aan warqad Madaxweyne ka timid suuqa iyo baabuurka ku dhex furto.

Hadda waxaan joogaa gurigaygii, weliba qolkii hurdada oo cid la’ ah. Warqaddii ayaan furay. Waa kuwii caadiga ahaa ee buluugga khafiifka ah ahaa. Summaddeedu waxay ahayd: JSL/M/XIL Q/249/1-1280/082012, kuna taariikhaysnayd: 29/08/12, kuna suntanayd Xil-ka-qaadis. Warqaddani waxay ku jihaysnayd Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta. Bal hadda u fiirsada, waxa la igala hadhay oo la ii quudhi waayay Wacyi-gelintii. Sheekadu waa bun-tirsi oo wax la isu dhaafayaa ma jirto. Waa Madaxtooyadeennii oo qaldaysa magacyadii Wasaaradaha. Fiirsasho-la’aanta jirtaa ilaa xadkaas ayay soconaysaa. Belo waa danbeysaa ee ii yar kaadiya.

Warqaddani waxay ogeysiin ugu socotay xil keliya oo ah Wasiirkeenna amran ee Gaashaandhigga, saaxiibkay Axmed Xaaji Cali Cadami. Haddaba warqadda maxaa ku qornaa?

Warqadda oo ku bilaabmaysay: Mudane, waxay ka koobnayd ilaa lix sadar ama laynba. Madaxweynuhuu, wuxu ku bilaabayaa:

“Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynay. Xilalka Qaranka ayay dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.”

Wuxu intaa ku kabayaa:

“Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda warfaafinta ee JSL.”

Bal hadda u fiirsada in aan weli qayb Wasaaraddii ka mid ah oo Wacyi-gelinta ah aanu Madaxweynahan xilka iga qaadayaa xusin soona hadal-qaadin. Waxay ka mid tahay gefafka maamul ee madax ilaa minjo ku taxan maamulkan uu Siilaanyo madaxda ka yahay.

Odhan maayo anigu Xisbiga talada haya ee Kulmiye, maxaa yeelay haddii uu talada dalka hayn lahaa 25kaa Qormo ee aan idiin soo bandhigay iyo kuwa soo socda meel ayuu ka soo geli lahaa. Waa xisbi iyo xukuumad run ahaantii aan wada joogin ee kala maqan oo aan waxba wadaagin.

Qalinkaa hadba ila taraaraya oo inta nabar guudkeenna ku taal ayaa hadba mid I damqanayaa, markaasaan kii hore illoobayaa. Sheekadeennii ku soo noqo.

Warqadda Madaxweynuhu xilkii Wasaaradda Warfaafinta igaga qaaday ee aanu ku asdayn halka uu geeyay xilkii kale ee aan hayay ee Wacyi-gelinta, wuxu ku soo gunaanadayaa:

“Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Xaaji Cadami, inta aan cid u soo magacaabayo.”

Bal qoraalka ereyadan u fiirsada. Laba sadar iyo badh ayay ku jiraan labada erey ee aan madoobeeyay oo si qaldan loo qoray. Waa ayaan-darrada Af-soomaaligii haysata oo xataa Madaxweynihii aanu dan iyo muraad ka lahayn in si qalad ah loo qoray iyo in kale. Ma laga yaabaa in aanu Mdaxweynuhuba aamminasanayn in qoraalka iyo higgaadda Af-soomaaliga xil ka saran yahay.

Waxaan isu diyaariyay in aan xilkii wareejiyo sidaa Madaxweynuhu codsaday aniga oo mar kasta u arkayay in ay qalad ahayd sababta uu xilka iiga wareejinayay. Awooddeeda iyo sharciyaddeeda waa uu leeyahay oo isaga ayaa marka horeba I magacaabay. Gefka iyo gabbood-falku wuxu ku jiraa in uu iska kay hor taago oo weliba xilka igaga qaado awood aan sharci ahaan u lahaa oo aan adeegsaday oo aan laba Agaasime-waaxeed ku beddelay oo uu isku deyay in uu igu khasbo in aan soo celiyo oo go’aankaygii wasiirnimo ka noqdo. Markii aan ka diidayna aniga ayuu xilkii iga qaaday, waxaanan aamminsanahay in aanu awood iyo xaq midnaba u lahayn in uu iga hor joogsado in aan aniguna xilalkayga iyo awoodahayga adeegsado. Waa gef aan qiil loo hayn oo meel-ka-dhac ku ah habsami-u-socodka hawlaha Qaranka. Madaxweyne kastaa wax kasta oo madaxiisa ku soo dhaca ma samayn karo. Wuxu samayn karaa oo keliya wixii uu xeer iyo xaagaan ahaan xaq u leeyahay ee Dastuurka Qaranka ugu cad.

Malahayga, Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi maansadiisii Gudgude, ma aydaan dhuuxin gefba ha igu ahaato e’. Sow kii ina lahaa:

“gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane,”

Cabbaar markii aan guriga joogay ayaan garaacay lambarkii aan Madaxweynaha kala hadli jiray. Saacaddu waxay ku beegnayd ilaa 1.30kii duhurnimo. Dareenkayga markii tilifoonka la iigu dhiibay waxaan is-idhi waa uu qedaynayaa. Hadda waa malaawaalkayga.

Aniga ayaa hadalka ku horreeyay. Bariido ka dib, waxaan u sheegay Madaxweynaha oo aan ku idhi:

Mudane madaxweyne, waan helay oo waa ay I soo gaadhay warqaddii xil-ka-qaadista ee aad ii soo qortay,
Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahad-celinayaa xil-ka-qaadista,
Mahad-naqayga aan arrintan kaaga mahad-celinayo qoraal ayaan kuugu soo gudbin doonaa,
Mudane Madaxweyne waxa kale oo aan kuu soo qori doonaa maqaallo kale oo taxane joogto ah noqon doona,
Mudane Madaxweyne, waxa kale oo aan kuu sheegayaa in aanan dib ugu noqon doonin bulshadii rayidka ahayd,
Sidaad iiga soo kaxaysay ayaan uga maqnaan doonaa bulshadii rayidka ahayd oo aan is-lahaa noloshaada ku dhammayso,
Waxaan kaa ballan-qaadayaa inta nolosha iiga hadhay in aanan saaxadda siyaasadda ka maqnaan doonin,

Ka dibna waxaan soo saaray War-saxaafadeedkan oo aan ku baahiyay qalabka war-baahinta intooda badan.

Sida ay u socdaan Qormooyinkanina waxay I noo noqon karaanba Buug-yare aynu jaxaasanno oo laabta ku haysanno. Hadda waxa aan idiin ka warramayaa waa wixii iga qabsaday afar bilood oo aan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta joogay. La-ye: “Meel kastana in gubtaa waa ay hoos taallaa.” Odhaahda guunka ah ee Soomaaliyeed ayaa sidaa ahayd.

(La osco……………………………………)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *