-
Published On: Thu, Nov 1st, 2012

Magacaabistaydii iyo maagistaydii: Laba Isku Lamaanaa Qormadii: 20aad, Boobe Yuusuf Ducaale

Smiley face
Share This
Tags

Malahayga waxay ila tahay in aynu ka yar dhaqaaqno halkan aynu joogno, si aanay inoo soo halabsanba inta garashadu halka ay taagan yihiin dhigtayba. Miyaanu hal-abuurkii waddaniga ahaa ee Cabdi Iidaan Faarax tixdiisii taariikhiga ahayd ee ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’ ku xardhin:

“Dabro-celinta leexada,

Kolka la isku deel-wadho,

Hubka culusi deeddamo,

Darandoorri loo rido,

Dul-ka-xaadsi laga tago,

Afarrey nin daaqsaday,

Lixley kuma dagaallamo,

Laga durug hoggiisii,

Wax la tegay Dagaarida

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) Maansadiisa qaaliga ah ee Gol-janno tuduc ku jira ayaa odhanaya:

“Haki Maxamed Geenyada,

Hasha Goray u yeedh-yeedh,

Godol oo u gaal-gaal,

Gabantana ka yara celi,”

Intiinna laga yaabo in Af-soomaaligu ku adag yahay, tuducan sare wax kale ma sheegayo oo aan ahayn: “Mowduuc kale ayaan gelayaaye, in yar ii dul qaata, meeshana kama madhna in la soo rogaal-celin doono, taas oo iyaduna .”

Inta aan xilka la iga qaadin, bal aan in yar dib idiin celiyo oo aynu ku noqonno SNM iyo xaaladihii ay ku sugnayd beryaha qaar. Waxaan doonayaa in aan laba arrimoodba idin dareensiiyo:

Ururkii SNM waayihii uu ku sugnaa iyo sidii ay u dhaqmi jireen hay’adaheedii hoggaamintu gaar ahaan Golihii Dhexe oo wax badan ka fog kana duwan ururrada iyo Xisbiyada maanta jira oo aynu wax yar ka maqallo Shirweyne, Gole Dhexe iyo Guddi-fulineed oo shir loo qabtay,
In aynu daalacanno qaabkii hoggaamineed ee Madaxweynaheenna maanta, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo muddo shan sannadood iyo badh ah soo hoggaaminayay SNM,

In Urur ama Xisbi la hoggaamiyaa, macno badan ma sheegayso, bal se waxa wax badan sheegaya qaabka wax loo hoggaamiyay: Ma mid taban ayuu ahaa mise mid togan. Waa halkan halka ay murtidu jiiftaa. Qormadaydan 20aad iyo Qormooyin door ah oo ku taxan oo xigaba, waxa raad-raac iyo xigashaba u ah Hadal-qorkii (Minutes) Kal-fadhigaa 1aad ee Caadiga ahaa ee Golihii Dhexe ee SNM oo bishii Maarj 1987kii ku qabsoomay Xaruntii SNM ee magaalada Diridhabe.

Bisinka iyo Yaasiinka qabsada haddaba, suumankana xidha oo ka durduurta waa tii aad wax badan u harradanaydeen e’. Abwaankeenna weyn ee Hadraawina waxaynu ka haynaa:

“Gurracnaanta qiil lagu saxoo, loo gudbaa jira,

Gudboonaantu way daalisaa, ruuxa meel gurane,”

Kalgacalka aan idiin hayo awgeed ayaan Geeddigan aan maanta idin raray uga soo min-guuriyay Xusuustayda Halgankii hubeysnaa ee shacbiga ahaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd oo la yidhaado: “Dharaaraa na soo maray.”

Ma malayn karaysaan inta ay igu qaadatay in aan ka tashado in aan Geeddigan idin raro oo aan idiin ka soo garooco Geeddiyaal weli dihin oo aan ifkaba arag, dhaayana cidiba saarin. Yaanan dhareerka idin ka dhammayn e’ xejista lambarka.

Kal-fadhigii 1aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM:

(Maarj, 1987kii, Diridhabe)

Sheekh Yuusuf Cali Sheekh Madar, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ oo ahaa Guddoomiyihii 2aad ee SNM ayaa marka uu maqlo Heesta Cabdi-qays ee ‘Hargeysaay ha dhicin, ha dhantaalmin weligaa’ odhan jiray: “Tan Hees iyo lama yidhaahdo e’, waa Munaaqibkii Hargeysa.”

Haddaba Qormooyinkan aan idiin galay immika, waxay leeyihiin astaantooda ee aan xuso Shahiid Axmed Maxamed Warsame (genius) oo tuduc ballaysin inoo noqda ka soo qaato maansadiidiisii dareenka mujaahidnimo ku dheehnaa ee Dhayalsi, oo idhaahdo:

“Waa Dharaaro yaabloon,

Ka dhammaan agtaydiyo,

Dhacdo waayaheedaba,

Nin kastoo dhegaystaa,

Dhabannada la haystee,

Dharaaraa na soo maray,’

Sida ku qeexnayd Dastuurka, dhaqanka ururkana ahayd, marka Shirweyne xidhmo dawgu wuxu ahaa in la isugu yimaaddo Kal-fadhiga 1aad ee Golaha Dhexe. Maa daama sidaa lagu dhaqmi jiray markii Shirweynihii 5aad hawlihiisii dhammaystayba intii aan Hararba laga soo bixin ayaa loo ballamay in Kal-fadhigii 1aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM la isugu yimaaddo magaalada Diridhabe oo ahayd xaruntii maamulka ee Ururka.

Inta badan Kal-fadhiyada Shirweynaha xigaa ma yeeshaan Ajende ballaadhan, maxaa yeelay arrimaha intooda badan waxa lagu gorfeeyaa, go’aammana lagaga gaadhaa Shirweynaha. Laba hawlood ayaa kal-fadhiyada caynkaas ah dhaqan u ahaan jiray in ay qabtaan:

Qabyo-tirka Habka Xeerka Dastuurka (Procedures/Regulations) oo Shirweynuhu u soo igmado si uu Kal-fadhigu Dastuurka u waafajiyo,
Dhismaha Guddiyada Fulinta iyo Joogtada, Taliska Guud iyo Hay’adaha madaxa bannaan ee ururka,
Iyo wixii Qodobbo kale ah ee markaa taagan ama ahaa xaal-xaal uu waqti u waayay Shirweynihii,

(La soco……………………………………..)

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>