Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  ayaa maanta Qalinka ku duugay Dhaqan gelinta Miisaaniyad sanadeedka qaranka ee 2013-ka, taas oo shalay Golaha Wakiiladda Somaliland duuduub ku  Ansixityeen.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan  (Dhuxul). qoraalkaa ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1492/122012 ku dhaqan-geliyey miisaaniyad qaranka ee sannadeedka 2013-ka.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada, Go’aan Lr. GW/G/KF-20/584/2012 ee ku taariikhaysan 31/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2013-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Shidaalka Berbera, Warshadda Laydhka Hargeysa, Warshadda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Deeqda Sanduuqa Trust Fund iyo Lifaaqyada ku lamaan.

Wuxuu Soo Saaray

Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2013-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Haamaha Shidaalka Berbera, Warshadda Laydhka Hargeysa, Warshadda Laydhka Berbera, Mad-bacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Deeqda Sanduuqa Trust Fund iyo Lifaaqyada ku lamaan, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 31-12-2012 ay dhaqal tahay miisaaniyada qaranka ee 2013-ka.” ayaa lagu yidhi qoraalka Madaxtooyada Somaliland.

Dhinaca kale golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay duuduub ku ansixiyay Miisaaniyada. kadib markii wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale horgeeyay golaha.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *