Waxaa maalmahan warbaahinta S/land aad loogaga hadlayey amaba ay soo
daabacayeen aragtiyooyin loogu magac daray ” Guushii ugu weyneyd ee u
Guushaas oo lagu macneeyey martiqaadkii wadanka cusub ee Koonfurta
Sudan u fidiyey S/land taasoo uu ka qayb galay Madaxweynaha
Soomaaliland Ahmed Mohamed (Siilaanyo).
Martiqaadkan ay S/land kaga qayb gashay calansaarkii wadankan cusub ee
Koonfurta Sudan kana dhacay magaalo madaxda wadankaas ee Juba 9/7/11,
waxaa xaqiiqo ah in
ay S/land u ahayd fursad qaali ah, maadaama wadankani in mudo ah u
ololaynayey sidii uu uga madax banaanaan lahaa wadankii uu ka tirsanaa
mudada dheer ee la oran jiray Sudan, waxayna arintani daahfur u
noqonaysaa sidii fiiro gaara loogu
yeelan lahaa gobolo badan oo halgan ugu jira siday uga madax banaanaan
lahaayeen wadamadii ay hore uga tirsanaayeen kuwaas oo ay S/land ka mid
tahay.
Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Siilaanyo, masrax la koray
madaxweynayaal iyo xubno sare oo meteleyey wadamadooda , kuwaas oo uu
xataa ka mid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed,
kaasoo shirarka caalamiga
ah oo dhan ku metela ama ku hadla magaca Madaxweynaha Ummada
Soomaaliyeed haday noqon lahayd Gobolada koonfureed, gobolada Dhexe iyo
Gobolada Waqooyiba kuwaas
oo ay S/land ka mid tahay, balse xafladan waxaa wada fadhiyey laba
Madaxweyne oo xili ka mida xiliyada wada lahaa hal madaxweyne, hal
dalna isku ahaa.
Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo, waxuu xaflada ka hor iyo ka diba
kulamo gooni-gooni ah la qaatay madax badan oo xaflada ka soo qayb
galay isagoo mid walba kala hadlayey qadiyada S/land ee xaga Aqoonsiga
iyo gooni-isutaaga. Taasaa
keentay in Madaxweyne Siilaanyo laf-ahaantiisa iyo masuuliyiin badan oo
bulshadu aad ugu hanweynaydba ay ku qiimeeyaan martiqaadkan waxqabadkii
ugu muhiimsanaa ee soo mara somaliland.
Aniga waxay iila muuqataa in Madaxweyne Siilaanyo khasaariyey fursad
aad iyo aad muhiim u ahayd, taasoo daahfur weyn u noqon lahayd
aqoonsiga gooni isu taaga Soomaaliland. Madaxweynuhu waxuu garan waayey
inuu kulan la qaato ergayga ugu muhiimsan ee furaha u ah gooni-isutaaga
soomaalilad, kaasoo uga muhiimsanaa, ugana sokeeyey
madaxdii badnayd ee uu la kulmay.
Waxaan qabaa in loo baahnaa in Siilaanyo garto inuu kulan la yeesho
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed, Kalana hadlo sidii
xukuumada Soomaaliya ugala shaqayn lahayd in Somaliland aayaheeda u
madaxbanaanaato, noqotana markii ugu horaysay ee labada wadan ka wada
hadlaan mustaqbalka aayahooda, iyadoo aan lagu dhex jirin, ama aysan
jirin cid isu keentay oo siyaasad ama dano ka leh, balse ay labadoodu
sigooni ah arimahan isula lafo guraan, maadaama Soomaaliya tahay
wadanka ugudanbeeya ee ay ka go’do madaxbanaanida iyo gooni-isutaaga
S/land. isfaham waa wuu iman karaa, wax la isla gartana way dhici
karaan, balse
kulankaas iyo wadahadalkaasi waxuu saldhig u noqon lahaa kulamo kale
iyo wadahadalo kale oo la is dhaafsado ha noqoto xukuumada Sheekh
Shariif amaba kuwa ka danbeeyaba, kuwaas oo xal loogu heli lahaa hadba
waxii khilaafaad ama ismari waa jira; maadaama aynu ognahay inaanan
marna la hurayn wada hadal.
Xaqiiqadu waxay tahay Madaxweyne Siilaanyo waxuu meelmaray waxqabadkii
ugu muhiimsanaa ee S/land u baahnayd, isagoo kuwo aysan arinta
soomaalilad qusayn
amaba aan doonayn ama daacadba ka ahayn qadiyada S/landku lumiyey
wakhtigiisii qaaliga ahaa, ninkii dantu kala dhaxaysayna u arkay bahal
khatar ah oo cunaya kaasoo uu wakhti badan ku bixiyey siduu isaga
ilaalin lahaa inuu la kulmo amaba indhaha la isa saaro.
Dr Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com
London