Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku  xigeenkiisa C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay aas qaran oo loo sameeyay Xoghayihii guud ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Marxuum  Keyse Xasan Cigge,oo lagu  aasay xabaalaha

 

 

Naaso-hablood ee Bariga magaalada Hargeysa. ka dib markii uu Axaddii todobaadkan ku geeriyooday dalka Djibouti oo xaalad caafimaad loogu qaaday ka dib markii uu wadnaha xanuun kaga soo booday.


Meydka Marxuumka oo laga soo duuliyay maanta dalka Djibouti iyadoo  la huwiyay calanka jamhuuriyada Somaliland waxaa  madaarka Hargeysa ku qaabishay Guddidii qaranka ee Madaxweyne Siilaanyo u saaray qaban qaabada aaska Marxuumka iyo boqolaal qof , waxaana  ka dibna  waxaa iyadoo  waxa Boqolaal baabuur ay kasoo galbiyeen madaarka,  waxaanay geeyeen xabaalaha Naaso-hablood ee Bariga magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay aaskaasi ayaa sheegay inuu ka naxay geerida Xoghayihii xisbiga KULMIYE Marxuum- Keyse Xasan Cigge, wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa nin weyn oo dalkiisa u soo shaqaynayay.
“Alle ha u naxariistee Marxuum Keyse Xasan Cige waxa uu ahaa nin aad u wanaagsan oo qarankan ka dhintay.waxaanu ahaa Nin ku fiican cibaadada oo af-gaaba n,”ayuu yidhi Madaxweynuhu

.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu mar kale dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeday geerida marxuumka waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxa kale oo ka hadlay Aaskaasi Wasiiro, Xildhibaano iyo Hoggaanka xisbiga KULMIYE waxaanay dhammaantood ka warameen kaalintii uu Marxuumku kaga jiray siyaasada, waxaanay dhamaantood ku sifeeyeen inuu ahaa nin dhawrsoon oo daacad ah.
Marxuum Keyse Xasan Cigge waxa Xoghayaha guud ee KULMIYE loo magacaabay shirweynihii labaad ee xisbigaasi ku yeeshay Hargeysa bishii March ee sanadkii 2008-kii, isagoo marxuumku waqtiigaa kasoo laabtay dhinaca qurbaha oo mudo dheer uu ku noolaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *