Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qaybgalay xaflad balaadhan oo loogu dabaal degayay
sanad guuradda 10-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV oo maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.
Madaxweynahe Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa ayaa sheegay in Horn Cable TV qadiyadda Somaliland caalamka u bandhigo, waxaanu xusay inay sharaf iyo magac u soo hooyeen Somaliland, isagoo ku hambalyeeyay munaasibadda sanad guuradooda 10-aad ee kasoo wareegtay markii uu Telefishankaa aas aasay Ganacsade Farxaan Xaaji Cali oo ah mulkiilaha iska leh Telefishankaa, wuxuuna Madaxweynuhu usoo jeediyay maamulka TV-ga inay sii kordhiyaan dedaalkooda, isla markaana ay ilaaliyaan dhexdhexaadnimada.
Munaasibadaa waxa kale ka qaybgalay shirgudoonka Goleyaasha Baarlamaanka Iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabta qaranka, masuuliyiinta Ururada saxaafadda Somaliland, madaxa Hay’addaha warbaahinta qaarkood, Ganacsato, madax-dhaqameed iyo Boqolaal qof oo marti sharaf ah.
Agaasimaha Guud ee Telefishanka HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo hadlay munaasibadaa ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Telefishankaasi, wuxuuna tilmaamay in Tv-ga HCTV yahay mid laga leeyahay Somaliland oo caalami ah oo dhamaan dhulka Soomaalida oo dhan u adeega, isagoo tilmaamay inay weriyeyaal rasmi ah ku leeyihiin daafaha caalamka oo dhan isla markaana ay u dhabar adaygeen duruufo badan oo xiligii la aasaasay TV-ga horyaalay.
Maxamed Cabdi Sheekh waxa uu xusay inay Tv-ga Horn Cable uu door weyn ka qaatay baahintii tooska ahayd doorashooyinkii Somaliland, Djibouti iyo doorashadii Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee lagu doortay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu bogaadinayo mulkiilaha iyo maamulka Tv-ga Horn Cable TV, waxaanu xusay inay dedaal u galeen sidii ay u aasaasi lahaayeen Telefishan weyn oo daboola baahiyaha wareed ee mandaqadda oo dhan.
Sidoo kale waxa xafladaa ka hadlay Wasiir Ku xigeenka warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Mulkiilaha TV-ga Horn Cable, Farxaan Xaaji Cali iyo Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf. Iyadoo mudadii ay socotay Xafladaasi si toos ah daafaha caalamka oo dhan looga daawanayay Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV.