Tan iyo intii uu talada dalka qabtay Madaxweynaha Somaaliland Axmed Mahamed Mahamuud (Siilaanyo) oo ah halgamaa ruug cadaa siyaasiya, wuxuu Madaxweynahu

xukuumada isugu keenay dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaaliland, hadey noqoto aqoonyahan, Beel daajiye, Af-miishaar iyo waliba day day.

 

Madxawene xukuumadaada waxaa ku jira siyaaasiyiin da’a yar oo aqoonyahano ah oo shaqeeya inka badan 18saac maalintii. Sidoo kale waxa ku jira day day Iin leh oo ku suntan dagaaladiii sokeeye oo ku calaamadsan. laakiin xukuumadaada kusoo galay afmiishaarnimo. Marka uu qasriga Madaxtooyada soo galo waxa kaliya oo uu ka sheekeeyaa miyaanan si qurux badan ugu jawaabin.

Mar walba wuxuu weeraraa dad guryahooda iska jooga oo aan waxba war u heyn, kuwaas oo aan kursina kugu haysanin.

Waa cilmiga iyo dhaqanka day dayga iyo caadadiiye dadkuna waxay moodaan inaad adigu soo dirtay adigoo aan warba u hayn, hadhow uun baad warbaahinta ka maqashaa weerar hebel oo ixtiraam idinka dhexeeyey,  laakiin ha yaabin day dayga aad diratay ayaa keenee.

Day daygani wuxuu u kala sheekeeyaa wasiirada cilmiga leh ee kuugu dhaw iyo qoyskaaga.

24-saacna wuxuu meelahaa kaga sheekeeyaa Madaxweynaha shaqo ayaan u hayaa aaney dadku uqaban, waxaanu hadalkaa yidhaahdaa isagoo Afku jajabanyahay,  indhuhuna waaweyn yihiin, waxayna arrintani I xusuusisay hadal laga hayey Madaxweynihii hore ee geeriyooday AHUN, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la weydiiyay hebel maxaad u eridey? wuxuu ku jawaabey ” waxaan ka baqay inuu col iila gallo”.

 

Hadaba Mudane Madaxweyne adigoo ah ruug caddaa, siyaasi halgamaa ah oo aanay jirin cid kale oo wadanka kuu dhaanta oo aanu ugu yeedhaa wadanka ka qabo ninkaas iinta leh ee magacaaga huwan.

By: Cabdifataax Dheeg Axmed Hargeysa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *