Waa Maanso Qiimo Badan Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlaysa Dhibaatadda Qurba-Joogta Iyo Dulmiga Qol-Qol Joogta waxana Curiyay Abwaanka

Da’da Yar Ee Suxfiga Ah. Calimahdi Jibriil Xasan

Waxanay Odhanaysaa

Qaran baan ahaa dhisan
umad qiima badanoo
Isku qowl ah baan rabay.
********************
Maalintay qadhaadhayd
ayaantii qiyaamaha
qaxarkiyo colaadii
wadankeenan qanigaa
wixii dhiigag loo qubay
qudha geesi loo jaray
barbaar qaaran loo dilay
qax wixii la soo maray
ninkii kaa qudhqudhiyee
wadanyohow qurbaha baas
u ba’qoolayee tegey
iyo kii qisaastiyo
qaaxa kuugu negeyee
kuu mutay qoorgooyada
maxaa meel ku wada qoray
*********************
qurba joogii kaa tegey
maxaa qiima sariyo
qaaya weyn u hagoogay
*****************
qolqol joogii kuu go’ay
maxaa qaarar jiifiyo
loogu qubay gidaarada
*****************
ma adaa qalaafiyo
abaalaawe qaranoo
dadka kii wax qabadiyo
kugu sooray qaayaha
aan qiima gelin karin
**************
mise madaxda qarankaa
quudka jecel dalkaygoow
oo qarash daraadii
u gumeeyay qol qol joog
*****************
qashin gurihii yurub jiray
ninkii qarafka guran jiray
gaaladaw qubayn jiray
maalintii u soo qoxo
degelkaaga quruxdaleh
maxaa loogu qooqaa
qaran loogu sheegaa
loo daba qaxleeyaa
danta loogu qaybshaa
oo qarashkii maatada
iyo dhalinta loo qoray
dhaqan celis u qaata.

Waxa Curiyay Abwaanka Da’da Yar Ee Suxfiga Ah. Calimahdi Jibriil Xasan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *