Dayrka hore ee wasaaradaha in la qurxiyaa ma xuma, laakiin dayrka sii jeedkiisa maxaa ka socda?
Ka hor intii aanu ka dhalan kacaankii Hantiwadagu oo aanay ka mid noqon jamhuuriyadihii midowga soofiyeti (USSR),  dalka Ruushka waxa xukumi jiray Boqoro (Tsars) awood badan. Waxay sanadkii,  ama labadii

 

sanadoodba mar kormeer ku gaala bixin jireen gobolada dalka si ay wax uga soo ogaadan xaaladaha iyo nolasha dadku ku sugan yahay iyo sida ay masuuliyiinta boqortooyadu wax u maamulaan. Dhulka Ruushka oo balaadhan awgeed boqorku wakhti badan uma helo inuu si fiican ugu kuur galo xaqiiqada dhabta ah iyo sida ay wax u jiraan.
Madaxda gobolada & degmooyinku iyaga oo arintan ka faa’iidaysanaya waxay rinji iyo istambar qurux badan ama dhalalaya marinjireen qaybta hore ama wajahada guryaha ku jeeda wadada boqorku soo marayo, qaybta dambe ee dhismaha looma baahna in la qurxiyo waayo boqorku ma arkaayo.
Hadaba sidi Ruushka oo kale Soomaaliland malmahan waxa “fashion” noqday iyo wax layskaga daydo in xarumaha wasaradaha iyo hay’adaha dowlada lagu werijiyo dayr ka dheer kii hore oo lagu qurxiyey dhagax cas iyo midabo kale, dhamantoodna xaga u sareeysa lagu xardhey calan u eeg calanka Soomaaliland ama laga beedalay qaybtii caasanka ahayd marka laga reebo dayrka ciidanka asluubta oo iyagu ku duugay astaanta u gaarka ah.
Md. Madaxwayne, in wajahadaha hore ee wasaradaha la qurxiyo ma xuma laakiin dayrka sii jeedkiisa ama gudaha iyo xafiisyada maxaa ka socda?
Maxaad ka ogtahay sida ay u socdaan adeegyada bulshada iyo hawlihii kale ee loo igmaday?
Sidee ayey wax uga jiraan musuqmaasuqan iyo eedaymahan kale ee dami waayey ?
Inkasta oo madaxwaynuhu xushay dhamaan masuuliyiinta qaranka hadana madaxweyne kasta dalalka dunida oo dhan wuxu leeyahay dad kaga dhowdhow masuuliyiinta kale (inner-circle) waxayna inta badan ka kooban yihin saaxiibo hore, rag uu ku kalsoon yahay ama isku hubo daacadnimadooda iyo kuwo ka mid ah qaraabadiisa iyo qoyskiisa.
Haddii kooxdani ay sii xun u isticmalaan awoodaha madaxweynaha ama ay iyagu si gaar ah uga faa’iidaystaan galaangalka ay u leeyihiin madaxweynaha sida imikaba lala xidhiidhinayo qaar ka mid ah waxay khal khal ku abuuri karaan maamulka dawliga ah iyo xasiloonida dalka guud ahaan, waxayna wax wayn u dhimi karaan karamada iyo sumcada madaxweynaha, waayo madaama uu aaminsan yahay iskama eegaayo mana filayo in ay xagooda waxyeelo kaga timado.
Boqor ka mid ah boqoradii hore wuxu ku ducaysan jiray “Lord, protect me from my friends; I can take care of my enemies”. Macnuhu wuxu yahay Ilaahayoow iga ilaali sharka saaxiibaday iyo eheladayda dhow, anigaa iska ilaalin doona cadowgayga.
Madaxweynihi 43aad ee Maraykanka George W. Bush isaga oo cabanaya wuxu yidhi: “I have more trouble with my friends than with my opponents “ oo la micna ah saaxiibaday ayaa igaga dhibaato badan kuwa iga soo horjeeda ama igu mucaaridka ah.
Runtii madaxweynaha Md. Axmed Maxamed Maxamuud laguma xanto in uu yahay nin lacag jecel ama urursanaya, lagumana xanto in uu yahay nin qabyaaladu diin u tahay oo ku dhaqma, hadana labaduba waxay si weyn uga jiran xukuumada uu madaxweynaha ka yahay sidaa daraadeed miyaan la odhan karin madaxweyne Siilanyo ma ragii uu cugtay ayaa caameeyey ama khiyaameynaya.
Si kastaba ha ahaate waxaan xasuustay qaar ka mid ah taageerayaashii Maxamed Siyaad Barre ee ku doodi jiray: Madaxweynuhu ma xuma ee madaxda ka hoosaysaa xun. Ama Siyaad Barre ha ahaado, ama madaxweyne Siilaanyo ha noqdo madaxda xun ee ka hoosaysa isaga doortay, wixii ay xumeeyaana isagaa ka masuul ah, isagaana umadu kala xisaabtami doonta berito ka maalin.
Cabdiraxman Cadami
Abdirahmanadami@yahoo.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *