http://www.somaliland.org/images/b/2014/01/Maayarka-Hargeysa1.jpgCeergaabo(Araweelo News Network)Maayarada Somaliland ayaa kulan maalmahan uga socday xarunta gobolka Sanaag ee Ceergaabo ku doortay gudoomiyaha Ururka Golayaasha deegaanka dalka oo

 

loo doortay Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Cabdiraxmaan (Soltelco).

Munaasabad taariikhi ah oo maanta ka dhacday xarunta dawladda hoose ee Degmada Ceerigaabo ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Md Axmed Xaaji Cali Cadami. Wasiiru-Dawlaha wasaaradda Maaliyadda Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Wasiiru-dawlaha wasaaradda Waxbarashada Md Axmed Faahiye Mire, Badhasaabka Gobolka Sanaag Md Axmed Muxumud Geelle (Dacar iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee Degmada Ceerigaabo.

Fadhiga ay maanta yeesheen ururka Mayor-ada Somaliland oo ay ka soo xaadireen kow iyo toban ka mid ah Maayarada magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa waxaa lagu doortay Gudoonkii ururka oo ka koobnaan doona Gudoomiye, G/xigeen iyo Xoghaye.

Xubnaha ururka ayaa cod aqlabiyad ah oo dhamaystiran waxay gudoomiyaha ururka mayor-ada Somaliland u doorteen Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo ah Maayar-ka caasimadda Somaliland, halka ku xigeenna loo doortay Md Saleebaan Xasan Xaddi oo ah Maayar-ka Magaalada Boorame, iyadoo Xoghayaha ururka-na loo doortay Maayar-ka magaalada laascaanood Md C/qaadir jaamac Saalax.

Badhasaabka gobolka sanaag Md Axmed Muxumud Geelle (Dacar) oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in arrintani noqon doonto mid taariikhda gasha, isla markaana muhiimad gaar ah u leh gobolka sanaag oo ay doorashadu ka qabsoontay.

Xubnaha golaha wasiirada ee kulankaa ku sugnaa ayaa dhamaantood uga mahadceliyey Mayor-ada Somaliland habka dimuqraadiga ah ee ay u doorteen Guddoonka ururkooda

Dhankiisana Mayorka caasimada Somaliland oo doorashada ka bacdi kulanka ka hadlay ayaa ballanqaaday inuu awoodda saari doono taageerada looga baahan yahay hirgelinta mashruuca wadada Ceerigaabo iyo sidii hay’adaha samafalku uga hawlgeli lahaayeen Gobolada Bari ee Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *