Safaf dhaadheer oo la galay Xili saq dhexe ah, ka dib waxa gelinkii dambe ee isla-maalintaasi Bulshada reer Somaliland yiqiinsadeen inuu dhamaaday Tar-tankii Doorashadu, laguna soo gaba-gabeeyay Himiladii Daneeyayaasha Doorashada oo Guulaystay, taasoo ahayd Wajiga koowaad ee Natiijada Doorashada.
Wax dhibaato ahi may dhicin saacadihii Safafka lagu jiray, laakiinse aroornimadii hore ayaa waxoogaa qash-qashaada laga dareemayay Goobaha codbixinta iyo dhanka isu socodka Gaadiidka oo lagu murmay in la fasaxo Baabuurtii Calaamada dhaqdhaqaaqa Komishanku siiyay, ka dib markii Wasaaradda Daakhiliga iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranku ka shakiyeen in la foojariyeeyey Bileedhadii ay sameeyeen.
Arintaasi waxay hakad gelin gaadhay habsami –u socodka hawlaha Doorashada, waxaase lagaga gudbay amar dambe oo ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaasoo lagu Ogolaaday guud ahaanba inay socdaan gaadiidkii Bileedh lambarka Komishanka watay “Wasaaradda Arrimaha Gudaha horteeda waxa hal mar ka wada dhaqaaqay ku dhawaad Boqol Gaadhi oo halkaasi ku xayirnaa, waxaana mid mid u amray Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Cali Kumado oo mid mid ugu yidhi “Dhqaaq-dhaqaaq”.
Marka laga yimaado arintaasi, waxyaabaha kale ee dhacay intii lagu gudo jiray Doorashada waxa ka mid ahaa Goobaha Codbixinta oo qaarkood xili dambe la furay, Waraaqaha lagu codaynayay oo meelaha qaar goor hore ka go’ay, dadka oo si xad-dhaafa loogu daad-guraynayay deegaamada codbixintu ka socotay iyo ku cel-celin qayrul xisaab ah oo ay dadku sameyeen,laakiinse arimahaasi oo dhami waxba kamay bedelin geedi socodka nidaamka Doorashada ee Maalintaasi.
Marka dib loo eego Sooyaalkii loolanka Doorashada ee ilaa wakhtigii Ururadda la furay, bilowgii Ololaha iyo maalmihii ugu dambeeyay ee qabsoomida Doorashada saacado laga joogay, waxay ahaayeen dharaaro dhib iyo dheefba la kala macaashay oo aad u adkaa, waxaana dhacay Dhaqaale bur-bur Bulsho, dhawaac siyaasadeed oo dhinacyo badan saameeyay iyo dhirbaaxooyin aan Nabaro culus geysan, waxaasoo dhanse waxa lagaga soo gudbay dhabar adayg siyaasadeed oo ay sameeyeen dhinacyada ay arintani saamaysay.
Qabsoomidda Doorashada ka dib, dad badan ayaa filayay inay nasan doonaan hadii ay codka ku hubsadaan Sanaaduuqda oo ay doortaan qofka ay rabaan iyo Lambarka ay u balansanaayeen, hase ahaatee waxa Ololihii adkaa iyo is-uruursigii bedelay Xumad iyo Xamaasad hor leh oo aan malaha xisaabta lagu darsan, taasoo qof walba laabtiisa ku lingaxday rajo-dhawr aan Habeen seexad iyo dharaar joogsi lahayn oo shakhsi waliba Musharixii uu watay la doonayo guusha saraynta.
Xarumaha Asxaabta iyo Ururadda siyaasadda ee Caasimada Hargeysa, waxa labadii maalmood ee la soo dhaafay dul gaaf-wareeyay oo ay la ciir-ciirayeen dad iyo Gaadiid xad-dhaafa oo ku soo qul-qulayay tan iyo habeenkii Khamiista ee ka dmabeeyay maalintii Doorashadu dhacday.
Inta badan dadkaasi waa kuwo raacdaynaya xogo ku saabsan kaalinta uu Musharixii ay doorteen kaga jiro tirada kala saraynta musharixiinta Urur iyo Xisbi kasta, waxaana hadii aad albaabka ka gasho oo gacantaada lagu arko Waraaqo lagu waydiinayaa goobteed ka shaqaynaysay iyo Lambarkaa nooga eeg goobtii aad joogtay “Musharixiinta oo Baafinaya Codadkii ay Goobaha ka kala heleen”.
Waxa jira kala shaki Ururadda iyo Xisbiyada dhexdooda ah, kaasoo salka ku haya Xeerka nidaamka Ururadda iyo Asxaabta ee xeer lr 14-kii iyo Xeerka Nidaamka Doorashada ee xeer lr 20, kuwaasoo mugdi- geliyay Guusha shakhsiga ah ee musharixiintii tar-tamayay, isla markaana guushii ay u kala filan lahaayeen sida ay u kala codad badataan, u loogaya Ururadda iyo Xisbiyada ay ka tartamayeen.
Musharax waliba wuxuu Uruursanayaa Codadkii uu ka helay goobaha sanaaduuqda la geeyay ee Doorashdu ka dhacday si uu natiijada Komishanka horteed u sii helo inta cod ee uu haysto iyo inta musharax ee ka saraysa, taasoo marka aad u fiirsato ka hawl iyo Haraad badan Ololihii iyo ayaamihii aleenka laysu tumaayay doorasha ka horeeyay “Maalmihii adkaa ee la soo maray waxa ka sii adag kuwa hada la gudo galay ee Xog raadiska iyo xuuraanka badan”.
Qaar ka mid ah Musharixiinta iyo Taageerayaashooda ayaa aaminsan in Xisbiga ama Ururka ay la socdaan guusha iyo Guul-daradaba solansiin karo, taasoo mar kale Dagaal aan muuqan ka dhex dhalisay Xisbiyada iyo Ururadda gudahooda.
Sidoo kale, inkasta oo uu meesha ka baxayo Qiimihii Kursiga lagu qiimeeyay ee ahaa sideeda kun ee cod oo hada la rumaysanyahay in tirada cod-bixiyayaashu aad uga hooseeyso sidii la filayay, hadana meesha lagu hirmadayo ee Gudaha Ururaddu waa afarta tiro ee ugu sareeya dhinaca Musharixiinta , taasoo dibada u soo saaraysa in Musharixiinta Ururaddu hada uun ku baraarugeen inaanay waxba wada lahayn ee ay tartamayeen iyaga laftoodu, wallow rag badan oo ka mid ahi ay dhaadanaayeen arintaasi haatan ka hor.
Gor-gortan kastaaba haka dhexeeyo Ururadda iyo asxaabta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Garsoorka Doorashadan ay sanadkan ku wehelinayaan Guddida diwaan-gelinta Ururadda iyo qiimaynta asxaabtu ,ayaa laga sugayaa natiijo ku salaysan Xaqiiqada oo dhakhso ah, si looga nasto Hayaanka kale ee la galay Doorashadii ka dib.
Sidoo kale, Xisbiyada iyo Ururrada siyaasadda ayaa ay muhiim tahay inay xulashada Xildhibaanadooda Cadaalada ku dhisaan,taasoo iyaduna baajinaysa in lagu sii dheeraado dharaarahan ka culays iyo caqabado badan kuwii laga soo doogay ee Diifta iyo daalka badnaa.
Dhanka kale, Doorashada Golayaasha deegaanka Somaliland ee sidii aan hore u soo sheegay sanadood ka dib mar kale wadanka ka qabsoontay, ayaa laga filayaa in laga dhaxlo saddex arimood oo daruuri ah, kuwaasoo kala ah 1- inay ka soo baxaan Golayaal deegaan oo bedela Golayaashii hore ee mudada dheer shaqaynayay, 2-inay ka soo baxaan saddex Xisbi Qaran oo tobanka sanadood ee soo socda ku Hirdama Hogaaminta wadanka 3- iyo inay ka soo baxaan Xisbi ama laba Xisbi oo Mucaarid ah oo Xukuumadda talada haysa ku Ilaaliya hogaaminta toosan iyo hanaanka dalka u degsen ee Dimuquraadiga ah,inkasta oo taasi bar-bar socoto inay soo boodaan saddex Xisbi oo Mucaarid ah ama saddex dhinaca Xukuumadda u wada jan-jeedha, qunyar socodnimana ka muuqato.
Filshada saddexdan qodob oo mid ka mid ah ay hadal hayntiisu aad u yartahay, ayaa qayb ka ah jidka rajada ee filashada xiligan, maxaa yeelay labadii sanadood ee la dhaafay dalka wax Mucaarid ahi kamay jirin, taasaana muhiim ka dhigaysa in dhawrka sanadood ee xukuumadda talada haysa u hadhay loo baahanyahay Asxaab Mucaarid ah oo buuxiya Kaalinta isku dheeri-tirnaanta siyaasadda.
Way adagtahay in la fisho in Xisbiga Kulmiye ee talada hayaa ku hadho Doorashadan,soona baxaan saddex Xisbi oo kale oo Xukuumadda lid ku ah ama ka aragti duwani, hase ahaatee waxa xaqiiiqo ah in dad badani taasi lafteeda fili karaan “lixda Maalmood ee soo socda Warka soo Guuxaya Weel ha loo baneeyo ”.
Si kastaba ha ahaatee Guusha Doorashadni waxa ay midho dhal ku noqnaysaa marka ay UruradaSiyaasada iyo Asxabta ku tartamaysaa si niyad sami ku jirto ugu qancaan Natiijada ka soo baxda.