Tixdan Gabayga ah waxa la yidhaahdaa Duco waxaanay soo baxday 1 Bishii 01/12/2012, waxaanay ka hadlaysaa wacyi-ga siyaasadeed ee Somaliland maanta ka jira iyo dareenada kala gedisan ee ka soo bu’aya aragtida Bulshada.

Tixdani waxay u digaysaa dulmi wade, diraysaa fariin dedan iyo dul wax ugu sheeg huwan oo ku socota inta damaca siyaasada ku legdamaya wali ee aan kala bixin iyo kuwa lagu dul loolamayo.

Hadaba waxay Tixda Duco ku Bilaabantay sidan soo socotee  akhris wacan iyo wax ku qaadasho ayaa idinku waajiba walaalayaal.

Allahayoow adaa deeqsiyoo Duunka Maamule

Adigaa Diraacdiyo Gugiyo Dayrta Roob shuaba e

Adigaa Dabaylaha dhiciyo Duusha Noolaha e

Ducadayda ii Yeel rabow Daayin baad tahay.

Nabad Durugsan Deel qaaf la’aan Daacadnimo Waarta

Dadkoo wada jiroo Daalin neceb Diiday yidhi kii Xun

Dakhar li’ , dareen wada jiriyo Duul is-jecel Maanta

Daruur curatay oo lagu degsado Doogna laga dheefo

Allahayoow dalkaygiyo ka yeel Dunida Guudkeeda.

Dugsi nabada Deegaan Nimco leh Dirir la’aan Waarta

Derejiyo Hufnaan iyo daryeel dad isu quudhaaya

Oo aan isdiidayn hadii xaajo yara duugto

Allahayoow dalkaygiyo ka yeel Dunida Guudkeeda.

Dibin-daabyo eeboow ka dhawr daahirbaa tahay

Dumarkiyo Caruurtii Doraad Dibada meeraayay

Iyo Doorkan kuwa soo kacee Daaha rogay waaga

Na difaac Raxmaanoow hadii nalugu soo duulo

Na dawee allohayoow hadii Dakhar na soo gaadho.

Dibnahayga waxa furay Dareen Doorka ii yimiye.

Dabaylaha dhacaayiyo danbaa daartay Feedhaha’e

Dadweynaha kashkoodaa hadeer duubka ii xidhay

Anigoon daraasayn ayaan deel la soo kacaye

Raga damacu daadihinayoow dib jaleec Heelka

Dabkaa shidan Danlaydiyo dalkuba adiga Doorkaaye

Dil-dilaaca hoosiyo ka  dhawr Daalinkiyo weerka.

Afartaa dareenkaan qabiyo Duco iyo Duugaal dheh

talo dedan halkay daarantahay Dul wax ugu sheegeed dheh

afar kalena doocaan qabo aan ka rogo diirka

hadii Derejo lagu loolamoo Libintu Duul raacdo

ama duul midkii talin lahaa Daahir lagu doorto

dad tartamay Dareenbaa ku ladhan diida Xaajada

raga doorkan loolamay ayaan deexda leeyahay

daraasiin badhkiina dushiyo Guusha Daabacane

inta kalena Doorbay u hadhi Calafku Dooraaye

Dul u yeesha waxa soo baxoo yaan la dacaroonin.

Isma dooranoo waad ogtiin  waase Ducanaaye

Diilimaha Cadaan iyo Madoow dulucdu weeyaane

Dacwad kii qabow Golaha gee Dooda la arkaaye

Ha yeeshee dalkaagiyo dadkaba Dirir gaadhsiinin

Sed Dur-duura ha u dilin xalaal duhur la quutaaye

Doc kastaba ka dhawraay dadyahow Qaranku waa Duuge

Duufaan Ninkii hurinayiyo kii wax kale dooni

Labada dadweynoow dagaal diidnay dheha Maanta.

Fiiro gaara:

Fadlan igamay ahayn inaan Gabyo ee waxa Laabta Kiciyay dheg ka maqalka wixii igu soo gaadhayay,

What’s your Reaction?
+1
0
+1
4
+1
1
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *