Magaca maqaalka waxaan ka soo qaatay An-Nisaa 39 oo ka hadlaysa in ay gaaladu geed sare iyo geed hooseba u fuuleen in aad sidooda oo kale u gaalawdaan oo iyaga la mid noqotaan in ay marka Alle dartiis u qaxaan mooyee weligiin ha soo dhoweysanina, marka haddii ay soo qixi waayaan

meel alla meeshii aad ku aragtaan ku laaya hana ka rabina gacalnimo iyo hiilo toona.
Maamulka Puntland waxaa ka soo yeedhay in ay samaysteen diin cusub iyaga oo 41 qodobna ka qaatay shareecada Islaamka inta kalena ka qaatay Dimoqaraadiyada Islaamka. Kollay anigu sunnada Alle iyo sunnada rasuulka midna kuma hayo wax la dhaho Dimoqaadiyada Islaamka. Maamulkaasi waxaa muuqata in uu maangaabnimadooda ay hal mar wada raalli geliyaan Alle iyo gaalada oo sidii ay ahayd in Alle oo keliya uga cabsadaan awoodda gaalada uga cabsanaya. Waxaan sugayaa in arrinkaas ay culumada reer Puntland ka jawaabaan qaladkana la dhaafin sidii loogu dhaafay Moxamad Siyaad Barre oo aan koleyba anigu cadaabka ummadda haysta maanta ay u saarayo.
Maamulka ashaahaado la dirirka ee uu hogaaminayo Shariif Sh. Ahmed iyo Cabdiweli Gaas iyaguna waxay dadka ku sandulaynayaan diinta cusub ee ay gaaladu u keentay si dadka muslimiinta ah looga sii jeediyo diintooda muqadaska ah loo gaaleeyo. Waana og nahay in ay gaaladu toos u xukumaan wixii ka dambeeyey shirkii Kambaala oo baarlamaankii xilka looga xayuubiyey laguna gorgoriyey in aan mushaharka laga joojinayn waxse ha qabanina hana ka hadlin ayaa lagu amray wayna yeeleen. Waxayna weliba ku dheheen xukumadda Cabdiweli ha fara gelinina annaga ayaa wixii uu sameeyo kula xisaabtamayna eh. Dhaamista diinta ee ka socota Muqdisho waxaa ka mus’uul ah culumada koonfurta Somaliya.
Somaliland maba qarsato oo waxaa u jooga kuwo bara sida dimoqraadiyada loo meel mariyo ama loo sugo. Dimoqaraadiyaduna waa diinta gaalada waayo waxay dadka ayaa xukunka iska leh, Allena wuxuu na dhahay aniga ayaa xukun oo dhan iska leh dadkuna waxba kuma laha. Marka maamulka Somaliland weli ma u fiirsadeen in ay ku socdaan tubta diin la’aanta iyo gaalnimo. Anigu waxaan lee yahay waxaa arrinkaas aan ku eedaynayaa culumadooda dhex joogto.  
Diinta Islaamka waa sharciga Alle ugu talada galay in ay dadku ku dhaqmo. Sida uusan qof wax mug iyo miisaan leh u abuuri karin ayuusan sharcina u dejin karin. Sidaas darteed wax wixii ay abuuraan ayuu sharci u dejin karaa ee wax uusan abuurin isagu wax aqoon ahna u lahayn sharci in uu u dejisto waa ma dhacdo. Halkaas ayaa laga garan karaa in ummadaha ku dhaqma dastuurku ay la mid yihiin dad Ilaahnimo sheegtay oo iska dhigaya in ay iyagu dadkaas ay dastuurka u dejinayaan ay abuureen iskana lee yihiin in kasta oo aanay sidaa isu haysan. Wuxuuna Alle Aala Cimraa 19 noo sheegay in diinta keliya ee aqbalka ahi tahay midda Islaamka; Yuusufna 76 wuxuu Alle noogu sheegayaa in diintu tahay sharciga ay ummadi ku dhaqanto, sidaas darteed kooxda argagixiso la dagaalanka ay hor boodayaan Shariif Sh. Ahmed iyo Abdiweli Gaas ha gartaan in ay ummadda Soomaaliyeed u dejinayaan diin una sharciyeynayaan diin aan tii Alle ahayn, sidaasna ay ku Ilaahnimo sheeganayaan. Waxaana hubaa in aanay doonayn in ay addoomada Alle ku dhahaan Alle ka sokow annaga addoomo noo noqda, laakiin waxaa jirta aqoon darro weyn oo ka haysata xagga diinta Islaamka iyo gaalada ku daaban.
Haddaba shacabka Islaamka ah ee Soomaaliyeed waxaan uga digayaa in aanay sinnaba uga qaadan kuwo dawlad iyo madaxnimada been ah u sheeganayaa diin cusub oo aan tii Alle ahayn. Waxaanna shacabka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay gartaan in dastuur dejintu tahay diin dejin. Marka idinka oo sheeganaya muslimiin haddii ogolaataan kuna dhaqantaan dastuur waxaad noqonaysaan mushrikiin waxaadna Alle ku sidkaysaan kooxdaas dastuurka idiin dejisatay si ay iyagu idiin xukumaan xaqn uma alaha ee waxaa xaq u leh in uu idin xukumo Alle keliya. Ummadda ku dhaqanta shareecada Islaamkuna waa ummad uu madaxweyne u yahay Alle, amiirul Mu’miniinkuna u tahay fuliye aan isagu xukunka Alle wax ka beddeli karin ee ku sandulaysan. In Alle mooyee cid kale sharci dejin iyo xukun midna shaqo ku lahayn wuxuu Alle noogu sheegayaa aayadaha Aala Cimraan 154, Al-Ancaam 57,  Anfaal 59, Yuusuf 40 iyo 76 waxaan idinka codsanayaa in aad aayadahaas akhridaan. Ummad waxaa xukuma una ah Ilaah oo ay caabudaan cidda sharciga ay ku dhaqmayaan dejisay.
Walaalayaal u fiirsada adduunka oo dhan oo ah abuurkii Alle nidaamka iyo xeerarka kala duwan ee ay ku kala socdaan waxaa ku abuuray oo u dijiyey Alle. Haddii aad heshaan wax dad dejiyey ama uu ku samayn karo isbeddel markaas dastuur waa idiin dejin karaa qof ama kooxi laakiin waad u jeedaan in cid abuurka Alle ama sunnada Alle wax ka beddeli kartaa jirin.
Dastuurka hadda la ololaynayo waxaan ka ogahay in Norway ka dambayso una xilsaartay UNDP oo UN-ta u xilsaartay gaalaynta umamddaha Islaamka ah. Waxaan sidaas u lee yahay waxaa ka qayb galay shir mucaaradka Soomaalida lagula tashanayey oo ka dhacay Jaamacadda Marks Plank ee ku taal dalka Jarmalka dugsigeeda shariicadda waxaana nala weydiiyey in aan ogol nahay dastuurkaas oo Norway u xilsaartay UNDP-da iyaduna ay jaamacaddan oo midda xagga dastuur dejinta u haysata ay ku dheheen naga caawiya. Jaamacadda waxaanu ku dhahnay annagu dastuurka Alle ayaanu haysannaa doonaynaana in aan ku dhaqanno waxa aad idinku waddaanna ma aha xaq. Norway waa dawladda bixisa qarashka UN-ta ee ku baxaya Soomaaliya burburinteeda ama gaalaynteeda.
Waxaa arrinkaas hoos socda in afkaar ka soo fulaysa dad gaalo ah una soo dhiibaysa dad adduunyo doon ah oo lagula dagaalamayo diinta ama shareecada Islaamka.
Waxaa wax laga yaq-yaqsooda ah in gabadha yar oo sheeganaysa UN-ta in ay u qaabilsan tahay dhawrista caruurta in ay kala hadashay Abdiweli Gaas uguna caga juglaysay in ay tahay ku xad gudub xuquuqda caruurta in la askariyeeyo caruur. Waxaynu nahay dad Islaam ah waxaana diinteennu ogo shahay in qofk haddii uu baaluqo rag iyo dumarba uu yahay qaan gaadh gaaladuna waxay ku qaan gaadhaan 18 jir wixii ka weyn. Marka sow ma cadda in ay gabadhaasi iyo UN-tuba fara gelin ku hayaan abuurka iyo ku talo galka Alle. Waxaan aad uga xumahay in Abdiweli Gaas iyo kaba qaadyadiisuba arrinkaas iyaga oo ku raalli gelinaya gabadhaas yar Allena aan ku raalli gelinayn ay si bogaadin leh uga qaateen sidaasna u yihiin kuwo kitaabkii Alle wax ka beddelay oo kale.
Walaalayaal ka fiirsada afkaarta ay gaaladu idinkula dhexmeeraysanayaan.

Ex- G/le Sare Omer Suleiman Ali                     29/11/11

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *