Horta culumadu ma noo sheegtay in haddii qof mu’min ahi xaq darro ku dilo qof mu’min ah ay tahay shirki uusanna qofkaasi lahayn toobad. Weligeedba markii aan keeno aragti diimeedyo

xaqa ku salaysan oo cusub ayaa dadka oo aan horay u maqal waxaas oo kale ka didi jireen.

Waxay dhahaan diintu caqli haddii ay tahay kabaha korka lagama tirtireen ee hoosta ayaa laga tirtiri lahaa, waxayna dhahaan waxaa sidaas sheegay Ali Bin Abii Dtaalib. Waxaan lee yahay hadalkaas Ali Bin Abii Dtaalib ma odhan ee waa been laga sheegay oo aan raad lahayn. Waxaana sax ah oo xaq ah in kabaha korka laga tirtiro. Markii ugu horraysay ee aan arrinkan qoray dad fara badan ayaa igu soo aflagaadeeyey hase yeeshee culumo ayaa Alle ii bixiyey oo xaq iigu hiilisay.

Wuxuu rasuulku sheegay in haddii aad doonaysaan in aad ku tukataan kabaha cagta hoosteeda eega haddii ay wasakhi ku dheggan tahay ciidda ku rug ilaa ay ka suusho wasaqdii markaasna ku tukada. Taas ayaa ku tusaysa in ay carradu kabaha xaggooda hoose ay iyadu daahirinayso. Sidoo kale markii uu rasuulku ka hadlayey qarinta carada wuxuu sheegay in haweenku shullaha marada gaadhsiiyaan canqawga hoostiisa. Markaas ayaa gabar mu’minad ahi weydiisay sida laga yeelayo haddii ay maradu soo qaadato wasakh wuxuu markaas rasuulku ku jawaabay carrada ka dib lala dul maro ayaa daahirinaysa. Marka aniga oo soo qaadnaya labadaas xadiis ee la isku waafaqsan yahay ayaan ka gartay in aan ay sax tahay in kabaha korka laga tirtiro ee aanay hoostoodu u baahnayn in la tirtiro.

Asalkaba markii la sheego aayadda macnaheeda waxaa culumadu raacisaa aragtidooda gaarka ah, sidaas darteed in aan sheego garashadayda ma aha dembi.

 

Marka markii aan arkay aayaddan oo macnaheedu yahay

 

وَمَا كَانَ لِمُؤْمِنٍ أَن يَقْتُلَ مُؤْمِناً إِلاَّ خَطَئاً وَمَن قَتَلَ مُؤْمِناً خَطَئاً فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ وَدِيَةٌ مُّسَلَّمَةٌ إِلَى أَهْلِهِ إِلاَّ أَن يَصَّدَّقُواْ فَإِن كَانَ مِن قَوْمٍ عَدُوٍّ لَّكُمْ وَهُوَ مْؤْمِنٌ فَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةٍ وَإِن كَانَ مِن قَوْمٍ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَهُمْ مِّيثَاقٌ فَدِيَةٌ مُّسَلَّمَةٌ إِلَى أَهْلِهِ وَتَحْرِيرُ رَقَبَةٍ مُّؤْمِنَةً فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ تَوْبَةً مِّنَ اللَّهِ وَكَانَ اللَّهُ عَلِيماً حَكِيماً(النساء 92).

 

Ma bannaan in uu ruux mu’min ahi si kamma ah mooyee si kale ku dilo ruux mu’min ah, haddaba ruux mu’min ah ruuxii kamma ku dilaa waa in uu xoreeyo addoon mu’min ah waana in uu marxuunka qoyskiisa siiyo mag haddii aanay u dhaafin oo sadaqadasan, marka haddii uu marxuunku ka tirsan yahay qolo ay colaadi idinka dhexayso uuna ahaa mu’min waa in uu xoreeyo addoon mu’min ah, haddiise uu ka mid ahaa qolo ay idinka dhexaysay heshiis waxaa la bixinayaa mag addoon mu’min ahna waa la xoraynayaa, haddaba ruuxii aan heli karin wuxuu soomayaa laba bilood oo isku xiga ama xiriir ah, taasi waa toobad weydiisasho Alle, Allena lagama xog ogaalsana jaan gooyadiisa ayaana loo wada xakamaysan yahay oo cid diidi kartaa ma jirto.

 

Iyo aayaddan ku xigta oo iyana ka hadlaysa xukunka mu’minka xaq darrada ku dila mu’min kale.

 

وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِناً مُّتَعَمِّداً فَجَزَآؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِداً فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَاباً عَظِيماً(النساء 93).

 

macnaheeduna yahay sidatan:

 

Ruuxii qof mu’min ah si bareer ah oo xaq darro ah u dila abaalkiisu waa Jahannama oo uu ku waarayo, cadho Alle oo ku dhacda, Alle oo naxariistiisa ama jannadiisa ka dayriya ama ka xarrima iyo isaga oo uu cadaab daran oo keliya ugu talo kalay.

 

Sidaas darteed waxaan gartay in ruuxii mu’min ku dila kamma uu toobad lee yahay ayna ka hadashay aayadda hore, laakiin ruuxii mu’min ku dila xaq darro bareer ah uusan toobad laahyn waayo aayadda dambe oo arrinkaas ka hadlaysaa sida midda ka horraysa ma cadayn in uu toobad lee yahay.

 

 

 

Midda kale ereyada aayaddu wax rajo ahi kama muuqdaan haba yaraatee, sidaas darteed in kasta oo ay culumadu ereyada siyaabo kala duwan u kala sarrifeen iskuna khilaafeen in uu toobad lee yahay iyo in kale, haddana anigu waxaan ku adkaysanayaa in uusan toobad lahayn, sidaas darteedna uu ka mid yahay shirkiga.

 

 

Dad ayaa markii ay arkeen aayaddan oo macnaheedu yahay

 

إِنَّ اللَّهَ لاَ يَغْفِرُ أَن يُشْرَكَ بِهِ وَيَغْفِرُ مَا دُونَ ذَلِكَ لِمَن يَشَآءُ وَمَن يُشْرِكْ بِاللَّهِ فَقَدِ افْتَرَى إِثْماً عَظِيماً(النساء 48).

 

Sida runta ah Alle in loo shirki yeelo ma cafiyo hase yeeshee wixii ka soo hadho oo dhan intii uu doono ayuu cafiyaa, ruuxii Alle u shirki yeelaana wuxuu ku kacay been abuur daran.

 

 

 

Sida aayadda ka muuqata toobad ma laha shirkigu hase yeeshee dembiyada kale oo dhan ayaa Alle qofkii uu doono uu ka dhaafaa. Sidaas darteed shirkigu kuma jiro dembiyada toobadda leh.

 

Haddaba sidee lagu garanayaa dembiga toobadda leh iyo midka aan toobaddalahayn? Dembiga toobadda lihi waa midka xadka leh, laakiin haddii uusan dembigu xad lahayn toobadna ma leh, waayo toobadda qofka mu’minka ahi waa in xadkii laga gooyo oo keliya, si kale toobad uma laha.

 

Ka dib markii ay dadku arkeen aayadda 53 Az-Zumar oo ah middan hoos ku xusan ayay dheheen dilka ula kaca ah ee xaq darrada ahi toobad ayuu lee yahay.

 

قُلْ يعِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُواْ عَلَى أَنفُسِهِمْ لاَ تَقْنَطُواْ مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعاً إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ(الزمر 53).

 

Waxaad addoomadayda kuwa naftooda ku xadgudbay ku dhahdaa ha ka quusanina naxariista Alle, waayo Alle dembiyada oo dhan waa uu cafiyaa, maxaa yeelay isaga mooyee cid kale oo dembi cafidaa ma jirto lagamana naxariis badna.

 

 

Hase yeeshee wuxuu Ibna Cabbaas sheegay in aan aayaddan la nasakhin ayna ka mid ahayd aayadihii ugu dambeeyey ee Quraanka soo degey.

Wuxuu dadku isku qalday nin gaal ah oo ka dib markii uu 100 dilay toobad keenay lagana aqbalay toobadiisii iyo nin mu’min ah oo si xaq darro ula kac ah u dilay ruux mu’min ah. Gaalku dembi kasta oo uu ku soo galay gaalnimadii markii uu soo islaamo ayuu ka dhacayaa, laakiin ruuxa mu’minka ah xad oo keliya ayaa looga cafinayaa dembiyada.

 

Waxaan dareensn nahay in maqaalkani keeni karo muran haddaba culumada markii ay Quraanka fasirayaan rasuulka mooyee dhaha hebel sidaas ayuu dhahay, hebelna sidaas ayuu dhahay ee aan iyagu fikir ahaan gaadhsiisnayn in ay garashadooda sida kuwa ay ku hal qabsanayaan oo kale Quraanka u macneeyaan sida ay ula muuqato ee cilmi ahaan mandiqa ah yaanay arrinkan igala soo hadlin, laakiin culumada iyagu aragtidooda oo cilmiyeysan ku macneeya Quraanka waan ogolahay in ay igala soo xiriiraan.

OMER SULEIMAN ALI     14/12/13

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *