Dukaamada ugu waawey Scotland ee cuntada iibiya, ayaa ku dhawaaqay in ay cuntada qiimaheeda kor u qaadi doonaan haddii dalkoodu madaxbannaanida ka qaato boqortooyada Ingiriiska.

Dukaamadan oo ay ka mid yihiin qaar magac ku leh adduunka sida Asda, Morrisons iyo Sainbury ayaa xusay in qiimaha cuntada ay ku iibin doonaan uu la mid noqon doono ka dalka Ingiriiska lagaga iibiyo, halka waqtigan cuntada Scotland ay aad uga jaban tahay Ingiriiska.

Sidoo kale, shirkadaha iibiya sigaarka iyo khamriga ayaa laf ahaantoodu xusay in ay lacag badan kuu iibin doonaan alaabtooda, waxa kale oo jira in qiimaha tamarta, rahanka iyo cashuurtuba uu kor u kici doono haddii Scotland madaxbannaani hesho.

“Waxaannu arrintan ula dhaqmi doona sida dukaamada caalamiga ah wax u iibiyaan, qiimuha aanu wax ku iibinaana kor buu u kici doona, waa haddii arrinta madaxbannaanida Scotland hirgasho,” ayey yidhaahdeen saraakiisha ugu sarreeya amma guddida dukaamadani ku midoobeen.
Dalka Scotland waxa ka jirta siyaasad midaysa qiimaha cuntada ay ku iibiyaan dukaamadan, balse siyaasaddani waxay soo afjarmaysaa haddii Scotland noqdo waddan ka madaxbannaan Ingiriiska.
Xukuumadda Scotland waxay sheegtay in aanay jirin sabab kor loogu qaado qiimaha cuntada, sida ay tahayna ku wanaagsan tahay, haddii arrintaasi timaaddana dukaamadu aanay macaamiil helayn.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *