Waxaan maqaalkaygii hore ee uu magaciisu ahaa HABAR DHAQAMEED MASE ODAY aan idiinku sheegay in aan ka hadli doono xilka haweenka ee dunidan. Gaalada oo doonaysa in ay dadka Islaamka dhaqankooda ka beddelaan ayaa waxay beryahan dambe nagala dhammaan

la’ yihiin, xornimada haweenka. Waxa ay xornimo tahay waxaan uga hadlay maqaal aan horay u qoray oo aan ugu magac bixiyey YAA XOR AAN LA ADDOONSAN AH. Waxaa xor ah ruuxii uu Alle xukumo kaas oo ah kan ku dhaqma shareecada Alle, laakiin ruux uu ruux kale oo aadami ahi ku xukumo sharci ama dastuur uu isagu dejistay ma aha xor ee waa qof addoon u ah qof kale. Qofkii ama ciddii shareecada ku dhaqantaa Alle ayay u yihiin addoon.
Ugu horrayn waxaa doonaya in aan walaalaha ku baraarujiyo in Allaha adduunkan abuuray uu dad iyo duunyaba wax waliba waxa ay ku habboon yihiin uu isagu jaangooyey, haddii la isku dayo in jaangooyadii Alle la beddelo dhibaato culus oo if iyo aakhiraba kugu yeelata saamayn ayaa ka dhalanaysa. Sidaas darteed mar kasta oo gaaladu fikir na soo dhex dhigto waa in aynu ula noqonno Quraanka iyo sunnadii rasuulka csw. Sida aan kor ku soo tilmaamay waxay gaaladu in muddo ahba ummadaha Islaamka kala dhammaan weydey in ay diinta Islaamku ay xaqirayso haweenka. Dadkii Soomaaliyeed ayaa la moodaa in ay fikirkii ku duxay waxaynuna maanta joognaa in labadii nin ee isugu yimaadda in ay urur siyaasadeed ama mid samafal ah ay samaysteen ay isku dhahaan waa in haween ka muuqdo haddii aynu rabno in caalamku na ogolaado. Markaas caalam kale ma aha ee waa gaalada. Haddaba waxaan doonayaa in aan rag iyo dumarba dadka Islaamka aan ku baraarujiyo muxuu Alle iyo rasuulku ka sheegeen haweenka iyo siyaasadda.
Waxaan isweydiinaynaa maxaa hallaabi kara ama hagaagi kara haddii haweenka xoriyad loo siiyo in ay siyaasadda dalka ka qayb qaataan iyo haddii aanay ka qayb qaadanba? Ugu horrayn wuxuu Alle dadka u kala qaybiyey saddex kooxood, koox uu ku sheegay mu’miniin koox uu ku sheegay gaalo xadhka goysa ah iyo koox uu ku sheegay munaafaqiin. Waxaadna aayadaha arrinkaas ka hadlaya aad ka heli kartaa bilawga suuradda Al-Baqarah. Marka waxaynu garan karnaa in ay saddexdaas kooxood aanay isku siyaaso iyo maamul noqon karin. Laga soo bilaabo Aadam iyo Xaawo maamul iyo siyaasaba waa jireen, sidaas darteed waa in aynu ka galno meesha aynu ku lee nahay. Ummadihii Islaamka ahaa weligeed haweenay si kasta oo ay tahay qof heer sare ah kama dhex muuqan siyaasadda Islaamka, marka ma dadka Islaamka ah ayaa xaqiray sida ay gaaladu sheegayaan mase waa arrin xaq ah oo xagga Alle ka sugnaatay? Haddii aynu ka eegno dhanka gaalada jiri jiray haweenku boqorro arxan laaweyaal ah oo siyaasadda ummaddooda hor boodi jiray.
Haddii aynu soo qaadanno haweenka khayrka badnaa ee uu Alle kitaabka noogu sheegay waxaa ka mid ah Maryam Binta Cimraan oo ahayd nebi Ciise hooyadiis. In kasta oo aanay ahayn rasuulad haddana rusuul kama dhicin waayo sida uu Alle u doortay rususha oo kale ayuu iyadana ugu doortay ugana doortay haweenka oo dhan. Wuxuuna Alle si cad aayadda hoos ku xusan noogu sheegayaa in uu haweenka adduunka oo dhan uu Maryama ka doortay, sidii uu rusushaba ugu doortay oo kale sida ku dhigan aayadda 33aad Aala       Cimraan  إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَى ءَادَمَ وَنُوحًا وَءَالَ إِبْرَاهِيمَ وَءَالَ عِمْرَانَ عَلَى الْعَالَمِينَ,ayna ku caddahay in uu Alle sida uu rusushaas oo dhan u doortay oo kale uu Maryamana u doortay sidaas darteedna aanay ka dhicin rasuul.  Waana tan hoos ku xusan aayadda uu noogu caddaynayo in uu haweenka adduunka oo dhan ka doortay Maryama.
وَإِذْ قَالَتِ الْمَلَائِكَةُ يَامَرْيَمُ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاكِ وَطَهَّرَكِ وَاصْطَفَاكِ عَلَى نِسَاءِ الْعَالَمِينَ(آل عمران 42).
Waa tii ay malaa’igtu ku dhaheen Maryamaay Alle ayaa ku doortay kuna daahiriyey ama ku nijaas tiray adiga ayuuna haweenka jira oo dhan kaa doortay.
Sidaas oo ay tahay iyada oo u dhuranaysa jaangooyadii Alle uu ragga iyo dumarka ugu kala talo galay ee hor martay kama dhigin Maryama iyo haween kale toona rasuul dadka u bishaareeya ama u diga.

Wuxuu kale oo Alle Maryama in ay ahayd hooyo khayr badan uu ku tilmaamay in ay ahayd run sheeg sida laga dheehan karo aayadan hoos ku xusan.
مَا الْمَسِيحُ ابْنُ مَرْيَمَ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِنْ قَبْلِهِ الرُّسُلُ وَأُمُّهُ صِدِّيقَةٌ كَانَا يَأْكُلَانِ الطَّعَامَ انْظُرْ كَيْفَ نُبَيِّنُ لَهُمُ الْآيَاتِ ثُمَّ انْظُرْ أَنَّى يُؤْفَكُونَ(75)
Macnaheeduna waa sidatan:
Masiixi Ina Maryama wax kale ma ahayn ee wuxuu ahaa rasuul, waxaana jiray oo ka horrayey rusul kale oo waqtigoodii dhammaaday hooyadiisna waxay ahayd run sheeg, labadoodubana cunto way cuni jireen, bal daya sida aannu aayadahayaga ugu kala qeexaynno haddana bal day sida ay u diiddan yihiin. 
Maryamana iyo rususha kale oo dhanba Alle ayaa doortay sidaas darteed ma kala dhacaan.

Haweenka Quraanka looga hadlay ee khayrka badnaa waxaa kale oo ka mid ahayd xaaskii gaalkii xumaanta iyo kibirka badnaa ee Fircoon oo magaciisa la odhan jiray Raamsiis II, waxayna dhahday sida ku cad aayaddan hoos ku dhigan Ilaahaw adigu guri jannada iiga dhis Fircoonna iyo xumaantiisana iga badbaadi.
وَضَرَبَ اللَّهُ مَثَلًا لِلَّذِينَ ءَامَنُوا اِمْرَأَةَ فِرْعَوْنَ إِذْ قَالَتْ رَبِّ ابْنِ لِي عِنْدَكَ بَيْتًا فِي الْجَنَّةِ وَنَجِّنِي مِنْ فِرْعَوْنَ وَعَمَلِهِ وَنَجِّنِي مِنَ الْقَوْمِ الظَّالِمِينَ(التحريم 11).
Halkaas waxaa ka muuqata in Maryama Binta Cimraan oo ahayd hooyo sharaf badan Allena haweenka oo dhan iyada ka doortay aanay weligeed isku diyin Allena u idman in ay siyaasaddii uu wiilkeedu hoggaanka ka ahaa ay ka qayb qaadato. Qofkuna asalkiisaba ma aha in uu sameeyo wax uusan Alle ruqsad cad uga haysan. Quraanka oo dhanna laguma hayo meel uu Alle noogu sheegayo in haweenku sida ragga adduunka uga shaqaystaan si ay u masruuftaan ubadkooda. Haddii dawlad Islaam ahi jiri lahayd qoyskii aan ninkii ka dhinto ama uu ka tago dawladda Islaamka ayaa kafaalo qaadaysa qoyskaas, ama xaaska iyo xaruurta nin u shaqeeya ayaa loo guurinayaa ama haddii uu ninkii nool yahay waa la soo qasbayaa si uu u daryeelo ubadkiisa, laakiin marna Islaamku ma ogola in ay si aan waafaqsanayn shareecada Islaamka ay naangtu u xanjeerato musruufka ubadka. 
Rasuulkana csw waxaa ka sugnaaday in uu yidhi cid haweeney madax ka dhigay ma liibaanto. Sidaas darteed marba haddii aan hoggaanka haweenka lagu liibaanayn oo if iyo aakhiraba lagu seegayo maxaa madax looga dhiganayaa. Taariikhda Islaamkana ma soo marin in ay naaga madax u noqoto ummad Islaam ah.
Cilladaha hor yaal in ay haweenku sida ragga oo kale siyaasadda galaan waxaa ka mid ah iyaga oo ay tahay in ay ragga ka xijaabtaan, markii ay socdaal aayadayaanna uu la socdo nin muxrim u ahi, rag geyaankeeda ah qol kuma keliyeysan karto, marar badan in codkeeda la maqlo ma aha. Siyaasadduna waxay u baahan tahay in rag lala shiro, in socdaallo dhaadheer la aado iyo in si gaar ah loola faqo rag, intaas oo dhan haddii haweeney loo idmado waxaa ka dhalanaysa dembi culus, sidaas darteed waxa laga cararyo wax ka daran ayaa imanaya.
Sidaas darteed xornimada haweenku waa sheekooyinka diinta iyo dhaqankeenna lagu burburinayo oo ay gaaladu marba meel naga soo gelayso. Waxaan arrinkaasna uga soo hadlay maqaalkaygii hore ee HABAR DHAQAMEED MASE ODAY.
Waxaa tusaale kale inoogu filan hooyooyinkii mu’miniinta weligood iskuma aanay deyin in ay sida haweenka ay madaxdu qabto oo kale ay isu qaad qaadaan xafiisyada iyo meelaha raggu joogana wareygeystaan, waxayna ahaayeen mu’minado Alle iyo rasuulkaba daacad u ah, waxaynuna maanta ku xasuusanaynaa axaadiistii faraha badan ee ay rasuulka scw ka soo weriyeen bacdamaa ay xaasaskiisii ahaayeen.
Weligeedna Caa’isha iyo hooyooyinkii mu’miniinta iyo gabdhihii mu’minadaha ahaa ee kale midkoodna wax uusan Alle iyo rasuulka raalli ka ahayn ma samayn jirin. Waxayna dhammaan sharaf ku lee yihiin in aanay xuduudda Alle u dhigay aanay weligood hawo ka gelin in ay jebiyaan.
Midda kale wuxuu Alle noo sheegay in ay haweenaydu ninkeeda adeecdo, sidaas darteed sidee ayay ninkeeda raalli la’aantiisa ay meel u aadi kartaa ama ay rag kale ula shiri kartaa. Marka way caddahay in aan dumarka loo ogolayn in ay sida ragga u dhaqmaan oo ay siyaaso galaan.
Waxaa mudan in aan aayaddan hoos ku dhigan wax yar macnaheeda caddeeyo, waayo waxaynu ka dheehan karnaa in uu Alle ragga iyo dumarka midba xil gaar ah u jaangooyey, sidaas darteedna uusan ragga ka soo bixi karin wixii Alle ugu xilka haweenka, sidoo kalena haweenku ka soo bixi karin xilka ragga.
الرِّجَالُ قَوَّامُونَ عَلَى النِّسَاءِ بِمَا فَضَّلَ اللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ وَبِمَا أَنْفَقُوا مِنْ أَمْوَالِهِمْ فَالصَّالِحَاتُ قَانِتَاتٌ حَافِظَاتٌ لِلْغَيْبِ بِمَا حَفِظَ اللَّهُ وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا(النساء 34).
Waxaan aayaddan uga dan lee yahay qaybta ugu horraysa oo Alle si cad noogu sheegayo odhaahdan بِمَا فَضَّلَ اللَّهُ بَعْضَهُمْ عَلَى بَعْضٍ  oo macnaheedu yahay wixii uu Alle midba midka kale dheeraysiiyey, taas oo ah wixii uu Alle midba ugu talada galay. Marka haddii ay haweenku doonaan in ay ku mashquulaan wax uusan Alle uguba talo gelin wax aan dhibaato iyo cadaab ahayn kama dhaxlaynno ee yaan lagu sirmin xornimo ku sheegga gaaladu nagu harawsanayso.
Haweeneyda Islaamka ah hawsha Alle u idmay waa dhalmada, korinta iyo waxbaridda ubadka, runtiina waa xil aad u muhim ah lagna dhihi karo waa la dhabarka bulshada Islaamka ah wax kasta oo kalena ka qiimo iyo qaaya weyn. Shaqadaas muhiimka ah ayuu Alle ugu talo galay mana aha shaqo uu raggu qaban karo Allena uguma talo gelin. Haddii haweenku uu hawlo kale isku fara gashado waa shaqo shaydaan aanay cadaab mooyee wax kale ka faa’iidayn.
Haddii aan dhan kale wax idinka tuso haweenku salaadda ay tukadaan waxaa ugu ajar badan sida ka sugnaatay rasuulka midda ay ku tukato sariirteed dhinaceeda raggana midda uu ku tukado masaajidka. Haweeneydii rasuulka uga dacwootay in raggu khayrka ka badsado haweenka oo ay raggu jahaadaan haweenkana loo ogolayn, wuxuu rasuulku ku dhahay raalli gelinta ninkaaga ayaa meeshii jahaadka kuugu jira, marka ma haweenka jahaadkii Alle loogu diiday waayo kama mid ah jaangooyada Alle in haweenka oo xilkaas weyn u haya bulshada loogu daro shaqo ka gudashada xilaas ka fogaysa. In ay haweenku ragga la tartamaan ma aha khayr ee waa dembi, marka gaaladu waxay nala doonayaan in aynu gaalawnno oo aynu ku dhaqmi weyno diintii ama shareecadii uu noo dejiyey. Haweenkana wax aan cadaab ahayn oo ay ka dheefayaan ma jirto in ay sida ragga suuqyada yaacaan, marka haweenka ma waxaa lagu qanciyey oo raalli ku noqdeen in ay cadaabtii galaan, mase adduunyada laga sii socdo ayaa kala weynaatay aakhirada lagu waarayo. Waar haweenaw ka daaya oo naftiina u meel daya hadalada lagu hodmayo ee beenta ahna ka feejignaada si aan idinka iyo Alle la idiin kala fogayn.
Midda kale xijaabka haweenku wuxuu u dhigmaa gurigeeda oo kale waayo sida uu gurigu uga qarinayo ragga hareera maraya ayaa xijaabkuna markii ay guri ka baxdo uga qarinayaa dadka kale. Marka ma haween Alle intaas oo dhan ku waajib yeelay loona diiday in ay muxrim la’aan socdaasho lana faray in ay xijaabato markii ay baxayso miyaa siyaaso in ay gasho u bareeri karta. Haddii uu Alle ugu talo geli lahaa abuur ahaan in ay haweenku hawlaha ragga qabtaan xilka ay bulshada u hayaan mid ka duwan ayuu u dhiibi lahaa. Haddase haweenay nin iyo caruur haysataa hawl kale ma geli karto siyaasana warkeedba dhaaf, wax walibana waxay ku socdaan jaangooyada Alle. Haddii ay isku daydo in ay amarka Alle jebiso oo ay fara gashato siyaasad waxaa marka ugu horraysa aanay gudan doonin xilkii waajibka ku ahaa ee ka saarnaa ninkeeda, ubadkeeda iyo labadeeda waalid. Waxayna Soomaalidu dhahdaa wax badso wax beel ayay leedahay.
Waxaan og nahay waddamada Yurub in markii ay haween shaqaale ahi ay uur yeelato ay siiyaan fasax laakiin ay siiyaan mushahar aad u yar matal haddii ay qaadan jirtay $1000 waxaa la siinayaa 6 bilood oo min $300 ah, hase yeeshee kambanigii oo isaga isu haysta in uu bixiyey lacag aadan shaqaysan ayuu kuugu yeelanayaa in aad sannad qasab ugu shaqayso oo aadan meel ka aadi karin. Taas waxaa laga fahmayaa in dhibaatada ka dhalatay haweenka la weydaariyey wixii Alle ugu talada galay ay doonayaan in ay daawo u helaan waadna u jeedi kartaan in aanay haboonayn in haween la dhaho shaqaysta dhibaatadaasina waa midda ugu yar ee ka dhalan karta. Markii ay dhashana ilmaha waxay ku tuurtaa meel dawladdu ugu talo gashay iyaduna waxay aaddaa shaqo. Naagaha qaarkood ayaa si ay shaqo u helaan kambaniyada ka ballan qaada in aanay dhalayn muddo ilaa ay gabadhnimo ka gaadho 50 jir, haddee naag 50 gaadhayna dhalmo kuma dambayso, waxyaabahaas dhibaatada ah iyo kuwo kale oo ka sii daran ayaa ka dhaca waddamada Yurub. Markaas ayaa la idiin sheegayaa in haweenku ku dulman yahay diinta Islaamka, hase yeeshee meesha ay ku dulman yihiin waa gaalada dhexdeeda. Laakiin horaa Alle noogu xog warramay in ay nala doonayaan in aynu sidooda oo kale u gaalawno oo aynu la mid noqonno arrinkaasna aayaddan ayaa ka hadlaysa.
وَدُّوا لَوْ تَكْفُرُونَ كَمَا كَفَرُوا فَتَكُونُونَ سَوَاءً فَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ أَوْلِيَاءَ حَتَّى يُهَاجِرُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَخُذُوهُمْ وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ وَجَدْتُمُوهُمْ وَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا(النساء 89).
Sidaas ayay dadaal ugu jiraan in ay na gaaleeyaan oo aynu ka tagno dhaqankii Islaamka Allena xadhigiisa u goynno si aynu ula mid noqonno, sidaas darteed haweenka ayay arrintu ka tolantaa ee yaan gaalnimo la idinku beer laxawsan. Xornimo ayay sheegaan waxaan ka qoray maqaal dheer oo la baxay HORTA YAA XOR AH OO AAN LA GUMAYSAN by G/le Sare Omer Suleiman Ali, haddii aad heli kartaan akhiriya.
WAXAAN JECLAAN LAHAA IN WIXII AAN GEFEY LA II SOO SHEEGO SI AAN UGA FAA’IIDAYSTO. E-malkaygu waa kan omer.shalaqo@gmail.com. Ciddii danaysa maqaaladayda ha ila soo xiriireen si aan ugu daro liiska aan u diro waad mahadsan tihiin.
By, ex-G/le Sare Omer Suleiman Ali                            9/01/12

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *