Kooxo Maafiya ah oo afka qalaad loo yaqaan Ecomafia, ayaa lacag badan ku qaata Qashinka iyo sunta halista ah ee wasakhda warshadaha kiimikada, iyagoo shaqadoodu tahay iney burburiyaan ama aasaan, balse kooxahan ayaa la sheegay in aanay dhaqaale badani kaga bixin inay

si taxadarleh oo qawaaniinta caalamka qaabilsan suntaa u aasaan, waxana ay badi inta badan isticmaalaan Maraakiib, kadibna ku tuuraan badaha ama berigaba.
Soomaaliland, waxa beryahan danbe ku soo batay Shirkado isku magacaaba Sahaminta batroolka iyo macdanta oo heshiisyo qarsoodi ah wada galeen Xukuumada, lagana warqabin shaqadooda, shacabka Somaliland waa inuu ilaashadaa deegaankiisa, la iskana ilaaliyaa khataraha kaga iman kara Shirkadahaa gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale waxa hore loo cadeeyey in goobo ku yaala Geeska Afrika lagu shubay, Suntaa kana danbeeyeen kooxo Talyaani ah oo xidhiidh wanaagsan laleh Maafiyada, ayagoo xiligaasi heshiisyo hoose la saxiixdey hogaamiyayaasha dalalkaa, Suntan oo wax yeelaysa dad, duunyo iyo deegaanba, noocyadeedu waa hadhaaga qashinka nukliyeerka, warshadaha sameeya kiimikada (acids) aad sun u ah, rinjiyo dhacay, daawooyinka dadka iyo xoolaha, kuwa loo adeegsado bacriminta ciidda iyo dhirta (chemical fertilizers) iyo sunta lagula dagaallamo cayayaaanka iyo xasharaadka ee dhirta ku dhaca, iwm. Waxaa kale oo wasakhdaas halisteedu noqonkartaa dambaska ama boodhka ka soo hadha, marka la gubo qashinkaas halista ah. Qashimmo kale ayaa ay tahay in si gaar ah gacanta loogu dhigo loona dhawro (special hazardous waste materials) ayaa iyana kamida sida hadhaaga qashimmada Cusbitaallada, Shaybaadhada chemicals-ka, Warshadaha caagga, iwm.

Ecomafia, waxay sanadkii 1988-kii u soo heleen dal ay Dawladda Faransiisku ku shubto ama ku aasto Qashinka halista, dalkaasina waxa uu noqday dalka Benin ee Afrikada Galbeed taasoo wada-xaajood dheer kaddib heshiis kula gashay dalka Faransiiska inay ka qaadato Qashin aad u farabadan oo u badan nooca hadhaaga nukliyeerka ee radioactive-ka ah Dowladda Faransiiskuna u hormariso lacag dhan US$ 1.6 milio.

Sida la wada ogyahay waddamada dunida sadexaad ayaa intooda badani yihiin kuwo aad sabool u ah una baahan lacagaha adag ee suuqyada caalamigaa, baahidaasi waxay mararka qaarkood keentay in xubno Dawladaha waddamadaas ka mid ahi Xidhiidh la sameeyaan Ecomafiya, iyaguna u ballanqaaddaan inay haddii waddamadooda qashinkaas aqbalaan ay dabadeed bedel u helayaan lacag adag oo mararka qaarkood kaba badan GDP-ga ama dakhliga guud ee waddankaas.

Prof. Mohamed Ahmed Farah Mattaan (Jaafaa)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *