1.Rumaynta Eebbe murugada ayey qaaddaa, qofkana waxey ka fogaysaa hammiga.

2. Ogow in digriga Alle qalbigu ku xasilo, denbigana lagu dhaafo, ilaahayna raali ku noqdo, dhibaatada ku qaado.
3.Qofna mahadsanid ha ka sugin, Ilaahay abaal marintiisaa kaaga filan, masuulna kama tihid qofka madaxa adag, ka xaasidka iyo xiqdiga badan.
4.Haddaad waabariisato galab ha sugin, ee waqtigaad joogto ku ekow, awoodaadda oo dhanna isugu gee sidii aad maalintaada uga guul gaadhi lahayd.
5.Wixii tegey way ku dhaafeen, wixii socdayna way dhinteen ee ha ka fekerin, waayo wuu tegey, waana dhammaaday.
6.Ka fogow dadka kuwooda aan wanaagsanayn, gurigaaga ku ekow, danahaaga ka raaco, dhex-galkana ka dheerow.
7. Adduunku wuxuu ku dhisan yahay nidaam ee habee dharkaaga, gurigaaga, xafiiskaaga iyo wixii muhiim kuu ah oo dhan.
8.Ku dadaal socodka iyo jidh-dhiska, kana fogow fadhiga iyo caajiska, kana dheerow camal la`aanta.

9. Daryeel nadaafadda dharkaaga, urta jidhkaaga, habee muuqaalkaaga, kuna dadaal cadayga iyo cadarka.
10. Ilaahay uga mahadnaq nimcada diinta, caqliga, caafimaadka, asturidda, aragga iyo maqalka, ubadka iyo hantidaba.
11.Ma ogtahay dadka waxaa ku jira qof waayey caqli amma caafimaadka amma xidhan amma xubna go`an amma imtixaaman.
12. La noolow qur’aan-akhris, xifdi iyo dhegaysiba waa daawada murugada.
13.Cafi kan ku dulmiya,xidhiidhi kan ku jara, sii kan kuu diida, u dulqaado kan ku xumeeya, waxaad helaysaa farxad kuu gaara.
14.Dadka u samafal, wanaagna deeqsii, si aad farxad u u hesho adigoo mid xannuunsanaya booqanaya, miskiin caawinaya, agoon u naxariisanaya.
15.Ogow in adduunku yahay goob mixnadeed, gole imtixaan, sidaad ku qaabili lahayd ku dadaal.
16. Ha filin dhacdooyin xunxun, dhibna ha sugin sheeko-baralayna ha aaminin, hana isu dhiibin wax aan jirin.
17.Ha la fadhiisan afku xoog leh, doqon xaasid ahna kana dheerow dhibta iyo murugo-sidayaasha.
18. Iska jir dembiga waa isha murugada iyo albaabka dhibaatooyinka.
19.Yey ku saamayn aflagaadada iyo hadalka xun ee lagugu yidhaahdo, ogowna inuu qofka yidhi dhibayo, laakiin maya adiga.
20.Cayda cadowga iyo aflagaadada xaasidku waa qiimahaaga, waayo waxaad noqotay mid xus iyo muhiimad leh.
21. Ogow kan ku xantay wanaaggiisa ayuu ku siiyey, xumaanna wuu kaa tiray, wuxuuna kaa dhigay caan, intaasina waa nimco.
22. Dadka u weji furnow wey ku jeclaane, hadalka u jilci wey kaa heliye, una debecsanow way ku weyneyne.
23.Ku nolow nolol fudud, kana fogow tagrifalka iyo xadgudubka raaxada, badina nolosha way xumaysaa.
24.Hawlaha qaybi, hana ku ururin hal waqti ee nasiin u dhexaysii si aad uga guul gaadho.
25. Eeg qofka kaa hooseeya jidhka, muuqa, hantida, guriga ,shaqada iyo dhashaba si aad u ogaato kumanaan dad ah oo kaa hooseeya.
26.Ogow in qof walba ee aad la dhaqmayso, walaal, wiil, xaas, ehel, saxiib ceeb kama madhna ee u dulqaado.
27.Iska jir dhaawicidda dadka, ururrada iyo hay`adaha, carabkaagana nadiifi, hadalkaaganawanaaji, dheh ereyo macaan, lagana nabadgalo.
28. Naftaada saacad la keli noqo oo danahaaga ka fiirso, noloshaada eeg, aakhirada ka feker, adduunkaagana ku hagaajiso.
29. Dhar dhexdhexaad ah xidho. Maya dharka hanti gubaha iyo kuwa quustay midna, dharna caan ha iskaga dhigin ee bulsho-weynta ka mid noqo.
30.Ha cadhoon. Cadhadu farxadda ayey burisaa, dabeecaday beddeshaa, noloshay xumaysaa, jacaylkana way jartaa.
31.Iska jir ereyga (hadhow) iyo dib-u-dhigidda hawlaha. Tani wa bilowga guuldarrada.
32.Tusaale ka dhigo Nebigeenna Muxamed (scw) waa hoggaanka farxadda, tusaha guusha iyo hanuuniyaha nafta.
33.Booqo cusbitaalka si aad u ogaato nimcada caafimaadka. Xabsiga tag si aad u dareento nimcada xorriyadda. Xarunta dadka waalan tag si aad u ogaato nimcada caqliga, maxaa yeelay waxaad ku jirtaa nimco aadan dareensanayn.
34.Edeb ku fadhiiso goobaha, ka aamus wanaag maahee, weji furnow, ixtiraam wehelkaaga, dhegtana udhig, hana ku jarin hadalka.
35.Eegidda xaaraanta ah waxa ka dhasha murugo, mugdi iyo dhaawac qalbiga gaadha, guulaystuhuna waa qofka isha laabta, Ilaahayna ka baqa.
36.Ku dadaal habaynta xilliyada cuntada, wixii faa’iida lehna ka cun, daaca-qudhunkana iska ilaali, hana seexan adigoo dheregsan.
37. Haddaad cadhooto aamus, sheydaankana ka cuudi billayso, booskana beddelo, haddaad taagan tahayna fadhiiso, waysayso, xuska Allena badi.
38.Ka dheerow sawaxanka iyo buuqa gurigaaga, xafiiskaagam calaamadaha farxaddana waxa ka mid ah xilkasnimada, degenaansha iyo nidaamka.
39. Farxaddu waa geed biyaheedu, cuntadeedu, hawadeedu, ifkeedu waa rumaynta Alle iyo hoy`ga danbe.
40.Qofkii hela xaas wanaagsan, guri, caafimaad iyo biil ku filan, nolosha wanaaggeeda wuu helay, wixii intaa ka dambeeyaana waa murugo.
41.Cuntadu waa farxad-maalmeed, safarku waa farxad-toddobaad, guurkuna waa farxad-bileed, hantiduna waa farxad-sannadeed, iimaankuna waa farxadda nolosha oo dhan.
42. Ku farxad gelin mayso hurdo, cunto, cabbitaan, guur,  laakiin waxa keliya ee ku farxad gelinayaa waa hawl-karnimo, iyada ayaana dadka magac u yeesha.
43.Adiga ayaa noloshaada middabayn kara, noloshaaduna waxey ku hagaageysaa aragtidaada ee muraayad madow ha xidhan.
44.Farxada noloshu maaha qabiil iyo reer hanti iyo dahab ee waa diin, aqoon iyo edeb.
45.Ka feker guushaada, midhaha camalkaaga, kuna farax wanaagga aad samaysay, Ilaahayna ku mahadi laabta ayaa kuu degiye.
46.Go`aan ha qaadan ilaa aad dhinac walba ka eegto, kadibna kala tasho cidda aad ku kalsoon tahay. Haddaad ku guulaysato waa sidii la rabay, haddii kalena ha murugoon.
47. Haddii haweenka adduunk aoo dhan la siiyo, shahaadooyinna la guddoonsiiyo, maamuusna hesho, ninse (say) aanay haysan waa miskiin.
48.Calaamadaha doqonku waa: waqti la lumiyo, cadow la samaysto, Alle ka cabsi dib loo dhigo, waalid la caasiyo iyo sir la fidiyo.
49. Afar baa farxad laga helaa; kitaab la akhriyo, wiil baarri ah, xaas ku jecel iyo wehel fiican, intaasna Ilaahay ayaa kaaga filan.
50.Xabbad roodhi, 7 xabbo oo timira, koob biyo ah, qol iyo kitaab qur’aan ah adduun waad kaga maarantaa.
MM. Kastan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *