Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska ee magaalada Hargeysa ayaa maanta xidhay Gudoomiyihii Wargeyska madaxa banaan ee WAAHEEN oo kasoo baxa Hargeysa, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ka dib markii Maxkamadda degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran maxkamadeed
oo lagu xidhayo suxufigaa.
Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen waxa sida la sheegay soo dacweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Korontada Somaliland oo ku eedaynaya in joornaalku wax ka qoray maalmihii lasoo dhaafay. Waxaana Ciidanka Boolisku maanta horgeeyeen Maxkamadda Degmada, iyadoo garsoorihii la horgeeyay suxufigaa amar ku bixiyay inuu saacadaa laga bilaabo xidhanyahay, sidaana loogu kexeeyay xarunta CID.
Qaabka loo xidhay suxufigaa ayaa u muuqda mid aan waafaqasanayn Xeerka Anshaxa saxaafada ee tilmaamaya qaabka loo marayo xadhiga suxufiga iyo habka dacwad ka dhanka ah Suxufiga, ama Ha’yadaha warbaahinta loo raacayo ee xeerku jideeyay, isla markaana Ha’yadaha garsoorka ayaa u shaqaynaya qaabkii Nidaamkii hore ee awood sheegashada sharciga iyo cabudhinta xoriyada saxaafada ee distoorku reebay, iydaoo Ha’yada baadhista denbiyada ee CID oo loosoo gaabiyo (Criminal Investigation Department Police), aanay meela ka soo gelin qoraalada iyo wararka saxaafada. Laakiin ay weli maray wadadii nidaamyadii foosha xumanaa ee laga dhaxalay talisyadii shuuciyada.
Dhinaca kale waxa dhawaan Ciidanka Bilaysku isku dayeen inay xidhaan. Kadib markii ay hujuumeen Tafaftiraha Wargeyska YOOL Maxamed Cabdi Curad, kaas oo aan loo gudbin qoraal Maxkamadeed oo sheegaya in loo haysto dacwad.
Si kastaba ha haatee talaabooyinka iyo isku dayada noocan ah ayaa u muuqda kuwo aan ka turjumayn shuruucda iyo xeerarka dalka, isla markaana ka hor imanaya nidaamka Xeerka Anshaxa saxaafada.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380