Hargeysa(ANN)Guddoomiyihii Wargeyska Madaxa-banaan ee SAXAFI oo kasoo baxa Hargeysa Cabdifataax Maxamuud Caydiid, ayaa  xalay saqdii dhexe ee ay ciidamada amaanku ka soo xidheen xarunta Wargeyskaasi ee Magaaladda Hargeysa, iyadoo la geeyay

xarunta Baadhista denbiyada ee CID.
Guddoomiyaha Wargeyska Saxafi ayaa  sida ay wararku sheegayaan  lagu xidhay amar ka soo baxay Taliyaha ciidamada sirdoonka Qaranka oo dalka debeda kaga maqan, kaas oo amray in la xidho  Wariye Cabdifataax Caydiid.

Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xadhiga Wariyaha, balse waxa jira warar sheegaya in xadhigiisu la xidhiidho iyadoo wargeyska Saxafi baaiyay warar ku saabsan dad ajaanib ah oo kusoo jeeday Somaliland, kuwaas oo u socday hawlo dhinaca amaanka ah, isla markaana wada shaqayn la leh sirdoonka qaranka.

Xadhiga wariyahan ayaa waxa cambaareeyay ururada saxaafada Somaliland, waxayna ku tilmaameen in xadhiga Wariyahani muujinayo sida xukuumaddu u cabudhinayso xoriyatul qowlka isla-markaana aanay raalida uga ahayn in xaqiiqda laga waramo.

Ciidamada amaanka ee Wariyaha xidhay ayaa xoog ku galay xarunta Wargeyska, iyagga oo si khasab ah xarunta ugala baxay weriyaha oo ah gudoomiyaha wargeyska.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *