Hargeysa(ANN)Tababar ku saabsan sidii dhaqaalle abuur loogu samayn lahaa dadka naafadda ah oo uu soo qabanqaabiyay urur magaciisa loo soo gaabiyo  DIWO oo ka shaqeeya taageerada naafadda, ayaa maanta lagu qabtay

hudheelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha waaxda waxbarashada dadban ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Ibraahin Daarood oo tobabarka furay, ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu ku dartay siyaasaddeeda waxbarashada iyo taageerada dadka naafadda ah iyo kuwa bulshada ka takoorayn  sidii ay fursad waxbarasho u heli lahaayeen.

Tobabarkan oo ay ka soo qaybgaleen 30 xubnood oo ka socda ururada bulshada waxaa furitaankiisa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka DIWO Dr. Xamse Ismaaciil Cabdillaahi oo ka hadlay waxyaabaha uu ka shaqeeyo ururku, waxaannu yidhi, “Ururka DIWO waa urur ka shaqeeya waxbarashada oo ah qaybaha ugu muhiimsan ee uu xoogga saaro, gaar ahaan dadka tagta daran ee naafada amma danyarta, caafimaadka iyo xuquuqda qaybaha kala duwan ee bulshada.”

Guddoomiyaha uruka DIWO waxa uu sheegay inuu tobabarku la xidhiidho xirfad abuur loo sammeeo naafadda, isagoo intaa ku daray inay mashruucani salka ku hayo tobabar waxbarasho oo lix bilooda, “Mashruucani waa mid xirfad abuura oio lagu train garaynayo dad handicap ah, oo ah dadka wax baran kara, waana kooras socon dona lix bilood, waa waxbarasho dadban oo dadka aan markii ay yaraayeen haleelin fursad u helayaan Inay boosaskoodii bulshada door muhiima ka ciyaaraan. Insha allaah waxaan ku rajoweynaha inay dadka naafadda iyo qoysaskoodu ka faa’iidaysan doonaan mashruucan”ayuu yidhi Dr. Xamse

Guddoomiyaha DIWO waxa uu u mahadnaqay Hay’adda ABILIS oo ka caawisay hirgelinta mashruuca tobabarka waxbarashada xirfadeed ee dadka naafadda ah.

Agaasimaha Dalladda ay ku bahoobeen ururadda Naafada Somaliland ee SNDF Mr. Xasan Ismaaciil, ayaa farriin u diray dadka naafadda ah, uguna baaqay inay awoodooda aqoonsadaan, isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Naafaddu inay niyadooda dhisaan oo aqoonsadaan inay wax qabsan karaan, waana ilaahay mahaddii  in dad badan waxbarasho amma shaqo galeen, laakiin waxaynu u baahanahay in lagu wacyigeliyo inay wax qabtaan, wax kastana fadhigay ku qaban karaan, tusaale ahaan Dr. Xamse waad aragtaan isagoo kursigaa ku fadhiyo inuu ururka Guddoomiye ka yahay oo wax badan taray naafadda oo debedda ka keenay qalab.” ayuu yidhi. Mr. Xasan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *