Hargeysa(ANN)Mudanayaasha wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay yeesheen maanata ku ansixiyay masuuliyiin la horgeeyay oo isugu jira wasiiro, wasiir ku kuxigeeno,wasir dawlayaal. Gudoomiyaha golaha Cabdirahman Maxamed Cabdillaahi ( ciro) ayaa gudoominayay fadhigaa oo ay
kasoo xaadireen 48 mudane.
waxayna ansaxiyeen xubno iskugu jira
Mudanayaasha oo dhowaan fadhiyadoodu u baaqan jireen kooram la’aan, ayaa maanta kala badh iyo iyo dheeraad kusoo xaadiray, waxayna dhamaan masuuliyiinta loo gudbiyay ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, iyagoo mid mid u ansixiyay ku an saxiyen, taas oo ay ansixintoodu u dhacday sidan;-
Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed Axmad Bare, waxa u codeeyay shan iyo afartan mudane(45) mana jirin cid diiday, laba mudane(2) ayaa k aaamusay, godomiyuhuna macodayn.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinat jamuuriyada Somaliland Abiib Diiriye Nuur waxaa ucodeeya shan iyo afartan mudane(45) ciddiidayna majirin waxaana ka aamusay laba mudane (2) gudoomiyuhuna muu codaynin.
Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada somaliland Cali Siciid Raygal waxaa u codeeyay shan iyo afartan mudane (45) waxaana ka aamusay laba mudane(2) cid diidayna majirin gudoomiyuhuna mu codayn.
Wasiirru dawlaha wasaaradda maaliyada jamuuriyada Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid waxaa ucodeeyay shan iyo afartan mudane(45) cid diidayna majirin, waxaana ka aamusay laba mudane(2)gudoomiyuhuna ma codayn.
Wasiiru dawlaha nabadaynta arrimaha bariga Kayse Cabdi Yuusuf waxaa ucodeeyay laba iyo afartan mudane(42) cid diidayna majirin waxaana ka aamusay shan mudane(5) gudoomiyuhuna muu codayn.
Wasiirku xigeenka wasaaradda warfaafnta iyo wacyi galinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (cukuse) waxaa u codeeyay sedex iyo afartan mudane(43) ,waxaana ka aamusay afar mudane (4)cid diidayna majirin gudoomiyuhuna ma codayn.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com