Hargeysa(ANN) Guddoomiyaha gobolka Oodweyne ee Somaliland Marxuum Eng Maxamed Gahayr Xirsi oo shalay ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa ayaa ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaaladda Hargeysa, iyadda oo aaska marxuumka ay ka qaybgaleen boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiin
ka tirsan Golayaasha qaranka iyo gudida doorashooyinka, kuwaas oo qaarkood ka sheekeeyeen marxuumka iyo kaalinta uu ku lahaa Somaliland.
Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka mid ahaa masuuliyiinta ka qaybgalay aaska ayaa si kooban uga hadlay taariikhdii marxuumka , wuxuuna ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timi.
Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa kale oo uu tilmaamay in marxuumku kaalin muhiim ah ku lahaa dedaalkii loo soo maray Somaliland nabadgalyadeeda, waxaanu ILAAHAY uga baryey inuu janadii Farduusa ka waraabiyo.
Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka sheekeeyay waxqabadkii marxuumka, waxaanu tilmaamay inuu ka mid ahaa shakhsiyaadka faro ku tiriska ah ee shaqadooda daacada u ah u guta. Wuxuuna ILAAHAY uga baryey Marxuumka inuu janadii farduusa ka waraabiyo, ehelka, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.
Sidoo kale Madaxweynaha JSL Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tacsi u diray Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan bulshada Gobolka Oodweyne, isagoo ka tacsiyeeyay Geerida ku timi Marxuumkaa oo ahaa Gudoomiyihii Gobolka Oodweyne MARXUUM MAXAMED GAHAYR XIRSI oo shalay gelinkii danbe 02.10.2011.ku geeriyooday magaalada Hargeisa.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland-na Samir iyo Imaan ka siiyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com