Geesinimadii, Go´aan Qaadashadii, Aqoonyahanimadii iyo Caddaalad Jacaylkii Madaxweynaha  S/L, Mudane Ahmed Mohamed  Siilaanyo, Muxuu Noqon Doonaa Go’aanka uu Ka qaadan Doono Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee sida la sheegay Dulmiga ku dhammaatay?

 

 

Ninba waxbaa lagu xantaa e, Siilaanyo waxaa lagu xantaa nin geesi ah, Dadka ku xantaana waa dad xog ogaal u ahaa waqtigii uu maamulkii Xukuumaddii Somaaliya ka mid ahaa iyo waqtigii uu Halgankii dib u xoraynta S/L ku soo jirey, Hogaankana ka ahaa.

Geesinnimada lagu xanto waxaa ugu lammaan  Go’aan qaadashada uu  qaddiyad kasta oo miisaankeeda iyo culayskeeda leh kaga hawl galo, kagana go”aan qaato si cad oo badheedhe ah, haddii ay mur ka qadhaadhaanayso. Geesinimadaas iyo Go’aan qaadashadaasu waa tii uu dariiqa dheer u maray ee u suurta gelisey inuu maanta ku fadhiisto Mansabka ugu sareeya ee Dawladi yeelato oo ah Madaxweynanimada uu maanta ugu suntanyahay Dalka Somaliland.

Mudane Siilaanyo, Waxaa kaloo lagu xantaa Nin Caddaaladda Jecel, oo Qabyaaladda neceb oo aan dadka Reer-Reer ku soo kala dhoweysan, taas oo aan Marag iyo Markhaati toonna looga baahnayn, balse laga dheehan karo qaab dhismeedka shaqaale ee Xukuumadda iyo Maamulka uu Gadhwadeenka ka yahay. Xantiisa marka laga faalloonayo, waxaa la iftiiminayaa in uu yahay Nin ka gubta ama ka cadhooda marka uu dareemo caddaalad xumo iyo qab-yaalad  wax ku doonka ee loola yimaaddo ama talooyinka loola yimaaddo ee dhinacaysan, isla markaasna Abaal loo galay aan marnaba ku Abaal gudin caddaalad xumo, sed bursiinyo iyo wax is daba marin.

Waxaa hubaal ah, oo aanu shaki ku jirin in Halbeegyada  iyo Cabbiraadada Mudane Siilaanyo u cuskado

Geesinimadiisa, Go’aan qaadashadiisa iyo Caddaaladaba ay tahay Aqoonyahanimadiisa u kala qeexaysa Mugdiga iyo Iftiinka, si kalsooni dhab ahna had iyo jeer dhabbada cad u qaado ugana leexdo ta wax yeelada iyo wadeecooyinka loo maro.

Arrintu si kastaba ha iska ahaatee, Maanta dhibaato aan yarayn ayaa dalkii ka taagan. Dhibaatadaasi waa mid dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si weyn looga ogyahay, oo aan cidna ka dahsoonayn. Waa Musuq_Maasuq lagaga hawl galay Doorashadii Golayaasha Deegaanka Somaliland. Waa Musuq-Maasaq dhacdooyin iyo daliilba loo hayo, si kastoo la isugu dayo in la qariyona aan qarsoomayn, sida looga dheehanayo war-baahinta. 

Marka lagu soo dhowaado  arrinta , si caafimaad qabtana loo gorfeeyo, waxaan ogsoonnahay in Musuq-maasuqanu yahay mid madaxweynaha   iyo Dalkaba ku noqotay arrin UGUB ah, hase ahaatee, ay ka hawl galeen garabyo sumcad wanaagga iyo sharafta kala dagaallamayey Madaxeynaha, hadafkooduna ahaa inay ku  wiiqaan taariikhdiisa, ku soo jeedin Shicibkiisa iyo Dawladaha Ajnebiga ah.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, Su’aal iyo Doodna uga dhigayaa Qoraalkayga, Haddii sifaha wanaagsan ee aan kor ku soo xusay (Geesinnimo, Go’aan Qaadasho, Aqoon yahannimo iyo Caddaalad Jacayl), Doorashadiina Dulmi lagaga hawl galay, Maxay noqon doontaa Go’aanka uu Madaxweynuhu ka qaadan doono arrintan cakiran.

Ma Dulmiga ayuu u hiilin?

Mise Dulmiga ayuu ka  hiilin?

Kuna yar nasta Heestii MUSUQ-MAASAQA

Waa Billaahay Towfiiq

Ahmed Shire (Baandheeye)

yufle1@hotmail.com

HARGEISA, HOOYGII BARWAAQADA

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *