Nairobi(ANN) Maxkamadda dalka kenya ayaa ku wargelisay qoraal ka kooban 59 bog oo la xidhiidha rafcaan uu ka qaatay ganacsadaha Hindiga ahi go,aankii hore ee dhismasha safaaradii somalia ee halkaa wakiilka dawladda ku meel gaadhka ah ee Somalia u jooga Kenya ayaa
lagu war geliyay xukunka rafcaanka.
Iyadoo Maxkamaddu ku sheegtay qoraalkaa in ninkii hindiyaanka ah inuu ka qaadan karo racfaan go,aankii hore uga soo baxay maxkamadda Kenya.
safaradii somalia ay hore ugu laheyd wadanka kenya barihoraadkii xiliga ay dowlada dalka somlia ka jirtay ayaa markii dowlada bur burtay laga iibiyay nin u dhashay dalka hindia. Laakiin muwadiniin soomaaliyeed oo iskugu jira siyasiin iyo Ganacsato ayaa mudda badan ku mashquulsanaa sida ninka hindiga ah ay safaarada ummada somaliyeed leeyahiin dib ugu soo laaban laheyd, taas oo ugu danbayntii sababtay inay maxkamad ku taala dalkaasi ay dib ugu soocelisay shacabka somaliyeed dhismihii safaaradaa. Kadib markii ay mudo dheer socotay dacwad iyo isjiid jiid ka dhexeeyay dadkii soomaaliyeed iyo ninkii hindiga ahaa
dowlada kenya ayaa maxkamadeedda sare qodoba racfaan kaga qaadan karo u sheektay ninkii hindiyaanka ahaa iibsaday safaraddii somaliya ee kenya ku taalay beri horaadkii
maxkamadda sare ee dalka kenya ayaa maanta soo gaadhsiisay quusulka dawladda taagta daran ee Somalia u fadhiya dalka kenya Maxamed Cusmaan Edson qoraal ka kooban 59 bog oo lagu caddeeynayo waxyaabaha ay Maxkamaddu u cuskatay ogolaanshaha racfaanka laga qaatay go,aankii hore ee xukunka dhulka iyo dhismaha safaaradii dalkii laysku odhan jiray jamhuuriyaddii Somalia.
Dhismaha Safaradii somalia gacantoodi soo gashay dhowaan. kadib markii ay Maxkamaddi u xukuntay, taas oo damaashaad weyn ay u sameeyeen bulshada sooomaalida eek u dhaqan Kenya ayaa hadana laga cabsi qabaa inay mar kale ka baxdo gacanta soomaalida sida muuqata, iyadoo aan hada ku heleyno wararka Safaaradu sida ku meel gaadh ah hada ugu shaqeyso wadanka kenya
Ma jirto ilaa iyo hada cid arintaa ka hadashay laakiin waxaa biyo kama dhibcaana inay u baahan tahay dhaqaalle iyo dad markale u istaaga sidii ay gacanta Soomaaliyeed ugu soo noqon laheyd dhismaha safaaradii weynayd ee ay Somalia ku lahayd Nairobi, taas oo ahayd mid aad u qurux baddan.
xasan wadani
xafiiska wararka qaahira ee dalka masar
www.araweelonews.com
info@araweelonews.com
E-mail info@araweelonews.com