Xays Balaayo wuxuu ahaa roob sebenkii Daraawiishta Doollo ka da’ay.  Bisha Xayska ee cadar biyoolaha ah daruur fiririq galab tidhi ayaa Dannood oo aan waligiiba buuxsamin labada gacanba jabisay, meel bidhaanta biyaha laga arkana tiixu ma gaadhin.  Rag khibrad leh ayaa

tashaday, kuwona faal ayey dhigeen.  Qaarbaa yidhi wallaahay biyahaasi inay mucjiso yihiin ee yeynaan cabin xoolona ka waraabsanin.  Walwaal aynu u ceel degno.  Qaarna waxay yidhaahdeen war ma jiilaal-jabkan ayaanu xoolaha biyahan Alle na siiyey ka af-qabanaa. War orda sheeko xumada nagala taga. Waxaa xoog batay in biyaha la cabbo.  Dad badan ayaa biyihii ka noolaaday.  Nin Alla ninkii 10 jir gaadhay ama ka weynaa ee biyihii cabbay ama ku maydhay ayaa waxaa ku dhacay cudur la yidhaahdo ruqufeey, dadka qaarna u yaqaano jawi.  Dhaqaaq ma leh!  Daraawiish oo beesha Makaahiil meel ay usoo marto la’ayd ayaa ka warheshay in xooggii beeshaasi fadhfadhiyo, saa way gashay.  Gacantu markay daashay ayey isaga tagtay wax Alla wixii xoollo joogayna way taabtay.  Wax yar ka dibna Ingiriis iyo Rayadkii daba socday ayaa ku kaahintay oo aan wax caymo ah u galin.  Xayskaa mucjisada ah ee sanadkaa da’ay ayaa waxaa Doollo iyo nawaaxigiisa looga yaqaan Xays Balaayo.

 

Sheekada aan kuu sakaar-wadho.  Gabayga waxaa qiimayn kara oo kaliya labo qof.  Saddex ma aha, afar ma aha, oo shan ma aha.  U fiirso Soomaaliyey.  Waxaa gabayga qiimayn kara oo kaliya qofka tiriyey qof la yaqaana ama mid ka yaqaana.  Haddii aad labadaa qof midkood tahay qiimayntaadu waa ay nasoo jiidan ee liishaanka u ciiri, haddii gabayga hadhuubkiis buuxsamana aaska iyo baroordiiqa waa laguugu yeedhi.  Haddii aadan labadaa midna ahayn, gabaygii waa nool yahay ee adigu ha dilin, surma-seegtada, tiigsashada iyo iska rid billow aad la hesheedana ka daa.

 

(3) Xaali: magac dumareed.  Dumar oo dhan ayuu ujeedaa.

 

(4) Jawaanku intii aanu dibadda uga iman, reer guuraaga Soomaaliyeed weel xashin la yidhaahdo (wadartiisu waa xashimo) oo qadar jawaanka ka weyn oo harag ka samaysan iyo mid mandad la yidhaahdo oo maydhax ka samaysan ayaa jawaan u ahaa.  Sanduuq waxaa u ahaa abxad, boorsana waxaa u ahaa sisibad, mumbeer ama ohli maydhax ka samaysan.  Riti labo mandadood iyo kor-saar masago ah wada ayaa reer hebel loo keenay ayaa wax lagu tilmaamaa.  Mandaddu waxay qaaddaa jawaan iyo wax rubuc ka badan, badhna ka yar, kor-saartu waa jiraab, jiraabkuna waa loor.  Waxaa kale oo uu reer miyiga Soomaalidu lahaa weel ay caanaha ku qaataan oo sibraar la yidhaahdo.  Sibraarka haddii maqaar sagaaro laga sameeyey saytuux ayaa la yidhaa.

 

(5) Xabawar: waa marka roob yari meel aan saa u fogayn ka da’o dabeed xoolaha la sii daayo, ciddinu hadho.  Waa naq yar oo la soo boobayo oo laga soo caanoteesho oo aan mudnayn in cidda oo dhammi u guurto.  Macnuhu waa maxaad iskaga daalin haddii adduunkuba yahay biririf yar oo xaasid dhex yuurursaday.

 

(6) Xawari: awr gool ahaan jiray ayaa baruurta ama xaydhu ka idlaan kolkaa ayuu nuxuusayaa.  Kurus weyn ayuu lahaa saa hadda duud seef ah ayaa ka soo hadhay.  Wali geedaha ayuu feenfeenanayaa laakiin waxba lama noola. Sidaa markay dhacdo goolkii wuu xawariyoobay.  Dunida saddexaad xaalkeedu waa sidaa, waxba lama ay noola!

 

(7) Xadaafiir: dhibaato iyo haydaaro badan oo kala duduwan.

 

(8) Maakib: diyaar, qorshaysan, la rakibay.

 

(9) Xidhiidh ayeynu leenahay iyo saaxiibo ayeynu nahayda ha ku khaldamin.

 

(10) Badheedh iyo barqo weerar shafka la isu buuro waa laga tagay.  Xurmo gaadmo ah ayaa dunida saddexaad loo muujin iyada oo dululaati laga tuurayo.

 

(11) Xallaash: waran weyn oo gantaalka u eg.

 

(12) Hantaq ayaa dunida saddexaad loo saynsaabayaa.

 

(13) Ciidan diyaarsashada.

 

(14) Waa lays ishaacaynayaa ama lays barabagaamayaa.

 

(15) Xoon-beerashada: ciidamo badsiga.

 

(16) Si ciidan uruursiga loo ilowsiiyo ama aragooda looga qariyo ayaa waxaa lagu odhan: muxuu yahay ciidanka aad sheegayso, ma carruurta kubbadda loo tababarayo?! Waxyar ka dibna kumaandoos aan iyadoo kale la arag ayaa ku waabariisan.

 

(17) Xasiloonida iyo nabadda ha la dhawro ayaa lagu odhan si loo maahiyo, kolkaa ayey waxaa run u qaadan oo dug odhan.

 

(18) Waa la salaaxayaa oo la hugfinayaa si hurdada loogu sii macaaneeyo

 

(19) Dhufays weyn ayaa dunida saddexaad loogu jiraa iyada oo nabadgelyo iyo xasilooni lagu maaweelinayo, kolkaa ayuu kabaalkood jabi.

 

(20) Duur-xul: hadalka oo qofka loo yara dusiyo.

 

(21) Xawdheer: billaawe ama golxob weyn.

 

(22) Timaha ayaa dunida saddexaad loo feedhayaa isla markaa saanta ayaa laga bixinayaa ama araga ayaa laga tuurayaa.  Shanlada timaha loo marinayo iyo saliidda yar ee lagu jilcinayo ayey arkaan laakiin golxobka lagu kala goynayo ma arkaan.  Luqunta markii ay hoogaamiso ayaa magaceed ba’ayaa.

 

(23) Khayraad ayaanu kuu baadhi oo aan waxba ka jirin.

 

(24) Tuugo il adag.  Xataa inay buraashad kaliya dunida saddexaad ka biyeysteen ma qiranayaan.

 

(25) Geel ayuu gabayaagu wax inagu tusaalaynayaa.  Geela xaf iyo xigba waa laga maalaa.  Xaftu waa midda fiid horaadkii laga liso ee martida iyo carruurtu  inta aanay seexan la siiyo.  Kolkii uu dhawr saac oo kale joogo ayaa haddana loo soo godlaa oo xig laga maalaa.  Dad xigtii iyo xaftiiba laga madhiyey oo qabadin ama xunbo loo reebay ayaa waxaa loo soo lisi oo dhay looga dhigi xoday iyo xangeeyo (xodayga iyo xangeeyaduba caano sun ah ayey leeyihiin.) Xoortii yarayd ee caanihii geela ka hadhay ayaa dusha loo saari kolkaa ayaa lagu odhanayaa caanaha dhama oo duceeya.

 

(26) Dabayl yar oo neecow siisa ayaa lagu afuufi – kolkay yara laamadoodaan ayaa laga shaqaysan.

 

(27)Caawimaad ku sheeg qashin ah ayaa lagu soo waali si ay beerahooda uga tagaan.  Markay macaluulaan ayaa la wada dabi.

 

(28) Gabayaaga ayaa naftiisa ka hadlaya.  Isagii u hiilinayey ee tusaalaynayey ayey ka lalmadaan.

 

(29) Qarni hore, xiddigaha waxaa la odhan jiray xungaguro.  Waa tay carruurtu fiidkii markii ay xiddigaha tirinayaan odhan jireen: xungaguro kow, xungaguro labo.  Macnuhu waa wixii oo dhan isku duuduub, dhiig inay iska qubto ayaanay huraynin.

 

(30) Xidaar:  indheergarad wax hubsada, baadha oo sheega.

 

Mahad Gaara waxaan u Celinayaa Aqoonyahanka Murti dhaadhiga ah ee (Cawaale Xuseen), oo si aad ah iila lafa guray Gabaygan.

 

Suxufiga Ruug Cadaaga Ah

Xasan Maxamed Yuusuf.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *