Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Haweenayda ugu magcaaban Somalia Wasiirka Arrimaha Debeda, waxaan leeyahay waxaad ku jirtaa is qancin diciif ah, hana u qaadan hadalada kaasoo baxaya ee meel ka dhaca iyo gefka ah in aan lagugu garanayn, way ogyihiin shacbiga British Somaliland Protectorote in aad tahay

cadawgooda.

Waxaan kuu sheegayaa Soomaalida aad sheegayso ma nihin anagu oo waa nala yaqaan, waxaanu nahay shacbi dunidu maanta ogtahay wuxuu yahay iyo ahmiyada uu mujtamaca dunida u leeyahay dal ahaan iyo dad ahaan, kamana wakiil nihin shanta Soomaaliyeed oo waxa nala yidhaahdaa Barrako Land ee adigu qaado waxaad sheegayso.

Haweenayda Foosiya waxaan leeyahay waad xusuusantahay wixii aad Jaamacadda Hargeysa  ka samaysay mudadii aad joogtay, hana u qaadan in aanu citiraaf cidna uga baahannahay  oo Illaahay ayaa na citiraafay ee maaha citirafku mid aanu ka sugayno adiga iyo kuwa aad dabadhilifka u tahay, waxaadse ogataa in aad taariikhda bulshadan meel madaw kaga jirto Aakhirana Allaah og waxaad la kulmi doonto.

By, Eng. Jama Warsame Seed.

Hargeysa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *