salaada weysadaTilmaam 7: Haddii se u xasuusto isaga oo Salaadda ka baxay in dharkiisa amma meel jidhkiisa ka mid ahi nijaas lahayd Saalaadiisaasi waa u sax oo soo celin maayo sida

 

ay tilmaameen culimada Islaamku.
Kalkaaliyayaasha Nadaafada
In qofku is daahiriyo oo jidhkiisa iyo dharkiisu nadiif ahaadaan waxay ka mid tahay waxyaabihii wanagsanaa ee laga soo gaadhay Anbiyada CS, sidaas darteed waxay ka tegeen dardaarno cajiib ah oo an ugu magac daray kalkaaliyayaasha Nadaafada waxaana ka mid ah:
1.    Xalaalaynta Ubadka
2.    Timaha hoose oo la iska xiiro
3.    Timaha kilankilooyinka oo la guro
4.    Cidiyaha oo si joogo ah la iskaga jaro
5.    Shaarubyaha oo la iska yareeyo
6.    Jirida faraha amma faraha dhexdooda oo aad loo maydho
7.    Dhigeha dacaladooda dambe oo la nadiifiyo amma la maydho
8.    Saxarada iyo kaadida oo si wanaagsan la iskaga nadiifiyo iyadoo la adeegsanayo gacanta bidix.
9.    Biyaha oo sanka kor loo geliyo waqtiyada aanay Soonka ahayn oo meel fog la gaadhsiiyo.
Qaybahani waxay ka mid yihiin waxyaabo haddii aanu qofku samayn u dareemayo inaanu nadiif ahayn oo jidhka laftiisa ayaa noqonaya haddii loo nadiifin waayo si joogto ah mid aan raaxo ahayn oo diiqad badani ka muuqato, sidaas darteed ayaa islaamku ku dedaalay inuu qofku nadiif ahaado si uu u dhex joogi karo dadka uu la nool yahay cibaadadana si wanaagsan u guto.
Adeegsiga Xammaamka iyo Gudashada Xaajada
Ilaahay koreeye waxa uu qofka ku abuuray baahiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin in marka uu cunto cuno amma dareere cabo uu u baahdo qashin saar si habdhisyada jidhku si caadi ah shaqadooda u wataan.
Haddaba marka uu qofku u baahdo xammaam iyo meel u ku xaajo guto diinta islaamku waxay u sameysey edeb iyo hab haboon oo wanaajinaya caafimaadkiisa iyo xidhiidhka u la leeyahay Ilaahay, waxaana ka mid ah:
•    In aanu Xamaamka la gelin wax magac Ilaahay ku qoran yahay, Nebiguna NNKHA marka uu xammaamka gelayo wuxuu iska saari jiray fargal uu xidhnaan jiray oo ay ku qornayd; “Muxamadu Rasuulu Laah”.
•    Inuu qofku xaajadiisa ku guto meel dahsoon oo aan kashifnayn si aan loo arag cawradiisa amma aan dadka u dhawi ku dhibaatoon.
•    Inuu akhriyo ducada lagu galo iyo ta lagaga soo baxo xammaamka
•    Inuu lugta bidix ku galo ta midigna kaga soo baxo.
•     In aanu u jeedsan dhinaca Qibladu ka xigto amma aanu u jeedin dhabarkiisa
•    Haddii meeshu bannaan tahay  inuu kaadida iyo saxarada kala fogaado hadhka iyo wadooyinka la marayo
•    In aanu hadal markuu Xammaamka ku jiro amma aanu salaam celin haddii la salaamo waayo Nebigu NNKHA wuxuu yidhi; “Anigu waxaan nacaa in aan salaam celiyo aniga oo aan daahir ahayn”.
•    Inaanu qofku ku kaadjin Biyaha fadhiya
•    In aanu ku maydhan biyaha fadhiya isaga oo jinaabaysan
•    In aanu gacanta midig ku istijoon
•    In aanu kaadida iskaga bi’in Lafaha iyo Saalada xoolaha
•    Haddii uu biyo waayo oo uu isticmaalo dhagax waa in aanu tiradiisa ka yarayn saddex dhagax.
•    Waa in aanu qofku gelin gacantiisa biyaha uu adeegsanayo marka u soo tooso ilaa uu gacantiisa nadiifinayo waayo garan maayo meesha ay gacantiisaasi ku waabariisatay, sidaasna waxa inoo sheegay Nebiga NNKHA.
•    In aanu Suuliga iska dul fadhiyin isaga oo dhammaystay xaajadiisii, waayo waxa laga yaabaa in dadka qaar iskaga dul fikiraan oo ay iloobaan in goobtu tahay hoy Shaydaan.
•    Inuu iska hubiyo inuu si fiican iskaga nadiifiyayey nijaasta si aanu shaydaanku ugu ciyaarin markuu Salaadda galo oo aanu ka shakisniin.
•    Inuu gacantiisa dhulka ku xoqo ka dib markuu istijoodo amma saabuun uu adeegsado.
Weysada
Waysadu waxay ka mid tahay furayaasha Salaadda ee iyada la’aanteed aanay Salaadu suurto gaal noqonayn, waana meelaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay inay dadku aad u daraaseeyaan si aanay Salaaddaha ay tukanayan u noqon qaar wax ka si yihiin.
Haddaba marka Weysada loo baahdaa waxa culimadu ku soo uruiyeen inay tahay saddex meelood oo kala ah:
1.    In loo weyseysto Salaad oo dhan haday tahay mid Faral ah amma mid Sune ah, waayo Ilaahay ayaa inagu amray in marka aynu Salaadda u kacayno inaynu maydho wajiyadeena iyo gacmeheena oo ah weysada.
2.    Marka labaad ee weysada loo baahan yahay waxa weeye marka uu qofku dawaafayo Guriga Illaahay ( Kacbada).
3.    Meesha saddexaad ee weyso looga baahan yahay waxa weeyi  markuu doonayo inuu Kitaabka Qur’aanka ah taabto amma akhristo.
Dhamaad.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *