Aamina Maxamuud KhaliifoKu Xaragoodka Luqadaha shisheeye iyo Hal Adayga Murtida Hibada loo siiyay Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, Qiso dhexmartay Wiil Quraba-joog ah iyo Odayaal dhaqanka ah

Waxaa in badan hadhaayey  faham la,aanta dhextaal labadan qolo iyo waxa dawada noqonkara.

Waxaan rabaa in aan wax idhaahdo mawduucaan  in lays qanciyaa waa muhiim inta aanan dulucda sheeka ugudbin. Fahanka ama isqancinta bulshada dhexdeeda ah ayaa noqday shay,aad u cajiiba  ama xooga kaliya ee manta aduunka ka shaqeeya guulna lagu gaadhikaro guula horena soo hooyey waxa aan dhihi karnaa waa baahi uu qof kastaaba leeyahay una kala aabe yeelin dadka haday tahay da,da aqoonta maadiga jaahilnimada madaxnimada jinsiyad,  aaminsanaanta diimaha dhaqan kala duwanaanta iyo kuwa kaloo badan.

 

Qofkastaa waxa uu baahi u qabaa in laqanciyo isna uu wax qanciyo  maadaama aynu nahay dad islaama waxaynu wax ka baranaynaa sidii nebi maxamed csw uu u qancin jiray dadka iyo sidii anbiyadii hore ee Qur,aanku sheegay wax u qancinjireen waxaa muhiima qofka leh aqoonta diinta islaamka iyo tan maadiga ah in uu udhabagalo dhaqankiisa hooyo,  waayo cid walba waxay leedahay dhaqan saamayn kule bulshadiisa markaa si uu waxa xun uga saaro waxa fiicana u barto dadkana u fahmo isna loo fahmo waxa uu gudbinayo waa inuu si dhaw iyo si dheerba ugu ildheeraadaa raad raaca  dhaqankiisa waxaa xusid mudan hadayu nahay soomaali in dhaqankeenu inta badan ku salaysan yahay diinta islaamka maadaama awoowayaasheen ahaayee dad islaam ah.
Hadaba waxaa fiican in halka qofkastaa wax ka arkaayo wax laga tusaaleeyo kolay dadku way kala fahan badan yihiin kalana aragti dheer yihiin.  Waxaan soo qaadan doonaa dhawr xaadiis iyo qisooyin Qur,aanku inoo sheegay, balse waxaynu ku horaynaynaa qiso yar oo dhex martay wiil qurba jooga iyo Odayaashii beeshiisa oo fahan la,aan dhexgashay, taas oo aanay kadanbayn qancin. Isla markaana igu kaliftay in aan maqaalkan qoro.

Qisada Dhexmartay Wiilka Qurba-jooga Iyo Odayaasha

Wiil soomaaliyeed oo mudo ku noolaa dalka  Maraykanka ayaa doonaayey in uu siyaasada doorka ciyaaro sida caadadu tahay soomaaliya qofka siyaasiga noqonayaa waa inuu gacanta ku dhigaa Odayaasha beeshiisa, ama deegaanka uu kasoo jeedo oo uu taageero ka hellaa, taas oo uu kaga badbaadayo inay yidhaahdaan nama metelo.
Runtii Odayaasha ayaa door xoog leh ka ciyaara soo saarida siyaasiga beeshooda saaxadaa u matalaya waana suurta gal haddii aad  haysato kalsoonidooda waad soo bixi kartaa,  haddii kalena sheekadu waxay noqonaysaa adaa cirka roob ku og.

hadaba wiilkaan ayaa doonaayey inuu hantiyo kalsoonida odayaashiisa si ay uga saaraan jaran jarada dheer ee uu u fuulaayo saaxada siyaasada,  wuxuuna doonayay in uu usoo  bandhigo waxyaabaha uu doonayo in uu kaga qayb galo tartanka siyaasadeed ee uu ku taagan yahay loolanka aadka u daran oo u baahan garabka iyo gaashaanka waxa uu iclaamiyay shir uu kula kulmayo odayaashii beeshiisa,   waxaa si diiran u aqbalay shirkaa odayaashii,  waxayna uga soo qayb galeen si kal iyo laaba geesigii waxa uu qaatay khudbadiisii lama ilaawaanka ahayd ee uu doonaayey in naf iyo maalba loogu  huro laguna caanashubo in uu saaxada siyaasada  uu u gallo beesha.
Hase yeeshee Odayaashii waxay fahmiwaayeen waxa uu u goleeyahay iyo ujeedadiisa, bal  aan ku noqdo khudbadiisii qaybo ka mida wiilkaa yaa dulucda hadalka,  ama halka ay u dhimatay wuxuu  isticmaalayey eray ingiliish ah (English) sida la ogyahay Odayaasha soomaaliyeed ma akhriyaan,  ama ma qoraan luqada Ingiriisida ah 99%.

Qaar  ka mid ah ereyadii uu isticmaalay wuxuu yidhi,  Odayaal aad baad u mahadsantihiin maadaama aad soo ajiibteen shirkan aan iclaamiyey waxaase Meeting (Kulankan) ugu talla gallay isbarasho BUTWEEN ME AND YOU(ANIGA iyo IDINKA) sidaa darteed waa in aynu is xogwaraysanaa waana in aynu doorwayn ku yeelanaa Siyaasada (POLITICS ) ka jirta wadanka hadaynu nahay beesha reer hebel hadana food ayaa inagu soo fool leh waxayna qabsoomi doontaa doorashadu NEXT YEAR( SANADA SOO SOCOTA) ka inta aan la gaadhin wakhtigaa waa in ay samayso sadex shay xidhiidh adag (STRONG CONNECTION), kulamo badan iskaashi  iyo wada shaqayn (MORE MEETING and COOPERATION ),  sadexdaa hadaynu suurta gelino waxaynu ku guulaysanaynaa in aynu soo saarno (CREATIVE PERSON) qof karti uu wax ku abuuro leh.

intaa aan kaga bexee hadaladisii Odayashii warkaa uu sheegaayo ma ahayn mid u  bilaaban oo waaba yaabeen, markay dhamaatay khudbadiisii baa waxaa la yidhi halaysu soo shaaheeyo intii shaaha lagu maqnaa ayay Odayaashii Afka isa sareen oo yidhaahdeen war alla qaadkan inoo yeedhay muxuu lahaa Odayashii oo dhan baa yidhi anba maan fahmin mid ka mida baa yidhi,  “anigu halmid baan fahmay oo waxay ahayd mid uu lahaa BOOYAD hada waa POLITICS ayuu booyad mooday  malaha waa biya dhaamiskii dawladu samaysay waatan doorashadu dhacaysee malaha dawladaa soo dirtay oo lacagtaasuu reer ahaan inoo waydiinayaa” ayuu yidhi mid ka mid ah Odaayaashii.

Odayaashii warkii bay isgaadhiiyeen isla markiiba waxay gadheen go,aan ay kaga soo horjeesanaayaan arrintaa waxaase kaga daran waxaa laysu adeegsanayaa MAAHMAAHYO GABAYO IYO MURTI KALE, waxayna Odayaashii Wiilkaa u arkeen wiil lasoo diray oo reerka duulaan ku ah,  Oday baa hadalkii qaatay waxa uu ku billabay “Wiil yahow dhegayso Soomaalidu waxay tidhaahdaa  OODA DHACAMEED SIDA AY U KALA SAREEYAAN BAA LOO KALA GURAA, macnaa dawlada aad wax nooga doonayso miyaaad hore wax noogaga keentay wax siinta hore anagaa mudnayne” Odaygaasi wuxuu gabyoo geeraaraba wuxuu hadalkii kusoo gunaanaday soomaalidu waxay tidhaahdaa WADAANTII GEELEEDA KAAFIDA AYAA GEEL KALE KU CABAA. Macnaa markaad reerkaaga anfacdo ayaa dawlada wax tarin  markii uu kabaxay kaasi Oday kalaa qaatay hadalkii waxana uu ku bilaabay soomaalidu waxay tidhaahdaa “MEEL LEG LAGU CUNAY LAFO LAGUMA RUUGO.”  Macnaa hadalka nuxurkiisii waa iga horeeyey Hadalkiii waxaa dhameeyay Odaygii iga horeeyey  isna wuxuu canaan iyo liidnimo wiilkii ugu heeso tiriyaba waxa uu kusoo gabagebeeyey Soomaalidu waxay tidhaahdaa TIISABA DARYEELAA TUKALE KU DARA. Macnaa adigu garo xilkaaga  Hadana Oday dardartiisa qaba yaa qaatay hadalkii waxa uu yidhi wiil yahow soomaalidu waxay tidhaahdaa “NINA HADALKA WAA LOO SAAFAA NINA WAA LOO SARAA”.

Macnaa waxa uu ushegayaa in hadalka lagu hadlayaa yahay sarbeeb wuxuu higaadiyaba murti iyo maahmaahba wuxuu ugu danbaysiiyay soomaalidu waxa tidhaahdaa WAX LAYS FARAY FARIID LAGUMA NOQDO macnaa waxa laguu sheegayo hadaanad  garasha dheeraan  u dhalan waxba kuuma tarayaan oo garanmaysid waxa loo goleeyahay.

Sheekadii is faham la’aanta dhexmartay Wiilka doonayay inuu siyaasada kusoo biiiro ee qurba jooga ahaa iyo Odayaashii dhaqanka yaynaan ku daaline intaa aan ku dhaafno kama waxa ay Odayaashu ka hadlayaan iyo waxa ay saluugsan yihiinba  oo ay u sarbeebayaan  shirkii waxa uu ku dhamaaday willkii oo Odayashii waali qoray iyo Odayaashii oo wiilkii doqon aan diirnax lahayn qoray. Barnaamijkiina halkii buu ku burburay.  Laakiin  arrintu sidaaa way ka duwanayd wiilku waxa uu hadlayay English Odayaashu waxay kula hadleen afkii dhaqanka siiba kii reer miyiga inta badan qolo walba afkooda hooyo waxaa si saxa u yaqaana reer miyigooda  intaa aanku dhaafo qisadii wiilkaa iyo Odayaashii.

Is Qancinta waxaynu Tusaale Usoo qaadan Karaa Qiso Dhexmartay Nin Carab ah Oo Reer Miyi Ah Oo Wax Weydiiyay Nebi Maxamed CSW

Nebiga csw waxaa u yimi nin caraba oo reer miyi ah markaasuu ku yidhi nebi allow haweeneydaydii waxay dhashay wiil madow  macnaa wiilkan ayuu ka shakiyay dee nin caraba iyo gabadh caraba waxaa laga eegayaa in ay dhalaan wiil dhalasha carbeed wata markaasu yidhi nebigu csw war geel ma leedahay markaasuu yidhi haa markaasuu yidhi nebigu csw siday u egyihiin markaasuu yidhi waa casaan hadana nebigu csw wuxuu yidhi oo maku jiraan qaar leh midabka xamaanka oo kale waa midabka casaanka iyo madowga isku jira ah markaasuu yidhi haa waa ku jiraa ninkani geela waa u abtiriyaa oo waa yaqaan qaalin iyo qaalinkasta awr ka dhalay nebiga csw ayaa yidhi oo xagay ka yimaadeen markaasuu yidhi waxaan filayaa waxaa jiitay hida hore oo ah geelay kasoo jeeday  masuu yidhi nebigu csw hadaba wiil kaagana waxaa jiitay hida hore . macnaa ninkan ayaydiisii 10 ama awoowgeesii in ay madoobaayeen ma garanayo oo aanay caraba ahayn ileen dadku waligiisuu is dhalaayee. nebigu ninkaan waxa uu kula hadlay luuqad uu fahmikaro mana ku oran war ilmahaaga aad dhalaye qaado hadii kale caday in aadan dhalin lakin waa qanciyey waliba sidii uu ku fahmaayey.


Hadana Xadiis kale oo ka turjumaya Isqancinta ayaan raacidn doonaa

Nebiga oo meel jamaca  fadhiyaa waxaa u yimi nin dhali yara ah waxaana uu ku yidhi nebi allow waxan rabaa in sino lay fasaxo markaasay asxaabtii ku dheheen aamus wax kumaad hadline nebiga csw ayaa ku yidhi daaya waxana uu yidhi ninkii soo dhawow markaa wada hadal lagay oo yidhi nebigu csw mala jeceshahay hooyadaa markuu yidhi maya illahay baan ku dhaartee nebi allow markaasuu mala jeceshahay inantaada markaasuu yidhi maya hadna marsuu ku yidhi nebigu csw mala jeceshahay walaashaa  markaasuu yidhi maya markaasuu hada ku yidhi mala jeceshahay habaryartaadaa markaasuu yidhi maya markaasuu ku yidhi mala jeceshay eedada markaasuu yidhi maya nebigu wuxuu ku yidhi hadaba gabadh walbaa nin bay intaa u tahay ee ma jirto gabadh cidla joogta sidaa aadan u jeclayn ayaanay nimanka kalena u jeclayn sidaa ayuu ninkii ku qanciyey  markaasuu nebigu u duceeyey oo yidhi illow qalbigiisa u daahiryeel caradiisana u xifdi.

Bal aynu eegno Qiso aad u cajiib ah oo dhexmartay Nebi Ibraahim (Scw) iyo Wiilkiisii yaraa ee Nebi Ismaaciil (SCW)

Qisadaa oo qur,aanku inoo sheegay waxay dhexmartay anbiyadii Illaahay ee ibraahim iyo ismaaciil nebi ibraahim illaahay waxa uu faray in uu wiilkiisa ismaaciil gawraco ibraahimse waxa uu doonayaa in uu wiilkiisa ismaaciil ku qanciyo in uu gawraco oo wada hadal lago muu oron illahay  baasaa I faray waa in aan fuliyaa isaga oo aan waxba u sheegin birta saaro lakiin ibraahim waxa uu qabaa kasooni heer keeduyahay in uu ku qancin karo ismaaciil in uu gawraco waayo maaha ilme uu markii ugu horaysay ladalayo ee waa ilme uu caqiido iyo diin ka dhaadhiciyey oo ku barbaariyay  taasaa dhaxalsiinay kalsoonidaan bal hadii mid inaga mida la farilahaa malaha intuu meelaha isugu nabuu ilmihii yoo meel iska maryaa qudhadhaafinlahaa tanse hadanbaysee maku qancin karnaa TUKO hadaba nebi ibraahim intuu u yimi ismaaciil ayuu ku yidhi INANKAYGIYOOW illaahay waxa uu ii waxyooday in aan ku gawraco ee bal arintaa ka waran ismaaciilna waxa uu ugu jawaabay AABE same wixii alle ku faray .
nebi ibraahim waxa uu wiilkiisa yar u bandhigayaa inuu naftiisa dar alle uga raali noqdo inla gawraco xigamu waa ilmahaan hadaanu hore alle u barin ma ku qancin karilahaa? Mida kale anbiyada qur,aanku inoo sheegay oo la hadlayaa caruurtooda waxa ka muuqda naxariis jeclaan isu dhul dhig  mid kastaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabayaa INANKAYGIYOW  waxa kaloo  kuguda jirta sidoo kale INANTAYDIYEEY mise sida soomaalidu tiraahdo waxaynu dhahnaa kuwaasi waa nebiyo eel amid manihin ogow nebiga in loo soo diray in aad ku dayato wax kasta qur,aan ku in sheegana waa wax ku qaadasho iyo ku dayasho illahay waxa faa,iido inoo lahayn inooma sheegin   balse  inagu  caruurteena ayaynu dacaayadaynaa oo markaynu u yeedhayno waxay niraahnaa war kii madoobaa mee ama tii gaabnayd  markaa waxaa muhiima qofka wayne kan yar iyo bulshada dhamaan in la qanciyaa waa hab kamid hababka fidinta dacwada islaamka qisooyinka ama xaadiista nebigeen maxamed ka sugaan oo baabkan ka waramaysaa way fara badan yihiin intaa ayaan ku soo koobayaa Isfahan wanaagsan.
By Aamina Maxamuud Axmed (Khaliifo)

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *