hubaal

Tan iyo intii xilka Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland loo magacaabay mas’uuliyiinta cusub oo haatan xilka hayey muddo saddex sanno ah, ayaa waxa qiimo dhac xad dhaaf ahi ku yimid qiimaha shillinka Somaliland oo uu waajib ka saarnaa mas’uuliyiintaasi inay ilaaliyaan sidii ay u ilaalin jireen

kuwii  ka horreeyeyba. Hoos u dhacaasi, waxaa uu sababay  in qiimaha badeecadaha daruuriga ahi ay cirka isku shareeraan oo ay goyn kari waayaan dadka dan yarta ahi. Asbaabaha keenay hoos u dhaca qiimaha lacagtana  waxa ugu weyn sida muuqata in aanay mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee Baanka Dhexe lahayn khibraddii iyo aqoontii ay ku xakameyn lahaayeen baaxaadega, kuna ilaalin lahaayeen qiimaha shillinka Somaliland. Haddaan tusaale yar soo qaadano, markii Lacagta noodhka ah ee 1000 SL/Sh [Kunka Shillin] iyo 5000 SL/Sh [Shanta kun  ee Shillin] oo ah markii uu qiimaha sarrifka lacagaha qalaad kor aad ugu kaceen, isla markaana hoos u dhaca weyni ku yimid qiimha lacagta Somaliland, ayaa waxa aanay Mas’uuliyiinta Sare ee Baanku sameyn qaabkii ay uga hor tegi lahaayeen oo ahayd, inay si degdeg ah lacag adag oo badan suuqa geliyaan. si aanay kor ugu kicin qiimaha sarrifka ee lacagaha qalaad. Tallaabadaa ay mas’uuliyiinta

Baanka Dhexe ee xilligani awoodi kari waayeen inay kaga hor tagaan kor u kaca qiimaha sarrifka ee lacagaha qalaad, ayaa ka mid ahayd tallaabooyinka Madaxdii ka horreysay kula dagaallami jireen, isla markaana ku difaaci jireen qiimaha lacagteena.

Haddaba maxaa dhacay ee isbeddelay?

Xogo qarsoodi ah oo kasoo baxaya Baanka Dhexe, ayaa tibaaxaya, in habka haatan lacagta adag ee soo xerootaa   aan loo isticmaalin qaabkii loogu talo galay, taasina ay sababtay inay aad u yaraato lacagtii adkeyd ee suuqa la gelin lahaa, si loogu kantaroolo seyladaha sarrifka ee lacagaha qalaad, sidoo kalena loogu ilaaliyo inaan hoos u dhac ku Iman qiimaha lacagta Qaranka ee Somaliland. Lacagaha adag ee dawladda ee lagu soo xereeyo Baanka Dhexe, ayaa sida ay xogahaasi tibaaxayaan loogu beddelaa qiimaha Baanka ee sarrifka lacagaha qalaad oo ah mid aad uga hooseeya qiimaha uu Dollar-ku ka joogo suuqa, dad gacan saar la leh Xukuumadda oo ganacsato, siyaasiyiin iyo dar kaleba leh iyo Mas’uuliyiinta Sare ee Baanka oo iyana la sheegay in aanay ka gacan madhneyn hawshan suuqa madaw ee lagu beddesho lacagta adag ee Qaranka.  Arrimahan iyo kuwa kale oo maamul oo isbiirsaday, ayaa waxa ay si aad ah u wiiqeen heerkii qiimaha ee lacagta Somaliland, iyadoo uu sarrifka halka Doollar ahaa illaa 5,600 Shs.Sl, ka hor intii aanay xilka la wareegin mas’uuliyadda Baanka Dhexe ee haatan oo uu gaadhay qiimaha halka Doollar illaa 7000 Shs.Sl, taasoo dhalisay sicir-barar saameeyey bulshada oo dhan.

Waxyaabaha kale ee la daadegay nidaamkii maamul ee Baanka, ayaa iyana waxa ay tahay iyadoo aan loo ilaalin shuruucdii Baanka ee lacag bixinta Hay’adaha Dawladda sidii laga rabay, iyadoo ay mas’uuliyiinta Baanku ka dhigeen la jiifiyaana bannaan. Sidaa awgeed waxa muuqata in Madaxda Sare ee Baanka oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ay ka gaabiyeen hawshii loo igmaday, kadib markay awoodi waayeen inay la tacaalaan wax ka qabashada hoos u dhaca qiimaha lacagta Somaliland oo sababay sicir barar kor u sii socda tan iyo intii ay xilka Baanka hayeen mas’uuliyiintan aan soo xusnay, iyadoo aanay waxba ka qaban dhawaan Guddigii Dhaqaalaha ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda ee arrimahan kala hadlay sidii wax looga qaban lahaa.

Waxa lagama maarmaan ah, in Guddiga Dhaqaalaha ee Baarlamanku mar kale dib ugu soo laabtaan, si fiican oo aan mad-madaw ku jirina u eegaan sida wax u jiraan iyo halka ay sartu ka qudhuntay inay tahay Madaxda iyo inay yihiin arrimo kale oo laga yaabo, in mas’uuliyiinta laftooda awood lagu marsiiyo, iyana aanay horjoogsan awoodaha ka sarreeya, sababtuna tahay iyagoo kaliya ilaashanaya kursigooda sidii ay ugu sii fadhi lahaayeen, sidaa awgeed waxa  guddiga Dhaqaalaha looga baahan yahay inay tallaabo ka qaadaan arrintan, si wax loo saxo.

Source: Wargeyska Hubaal, Cadadkiisii Soo Baxay Khamiis 23/05/2013

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *