xoraynta dalka waxa uu ahaa mashiinkii istaadhay dabayshii isbedel doonka eek u qotontay furashada ururada siyaasadeed ee dalka ka bilaabantay sannadkii 2002, isaguna ku dhawaaqay April 2007 urur siyaasadeedkii qaran ee taageerada badan ka helay xisbiyada mucaaridka ah, gaar ahaan Kulmiye, kaas oo uu ku mutaystay xabsi. Kadib markii ay xukuumaddii hore ee madaxweynihii laga adkaaday doorashada sanadkii hore Rayaale ay xabsiga u taxaabatay Dr. Gaboose iyo Eng, Maxamed Xaashi Cilmi oo ah wasiirka maaliyadda iyo Jamaal Caydiid oo ah guddoomiyaha Hay’adda abaabul-ka-saarka qaranka oo ahaa hogaanka xubnihii kale ee Ururka aan la aqoonsan ee Qaran
Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Dr, Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa 18 August 2011 si rasmiya bedka u soo dhigay arrin mudadii sanadka ahayd ee uu xilka hayay lagu xaman jitay, islamarkaana maskaxdiisa ka dhex guuxaysay, taas oo ah hamigiisa siyaasadeed ee mustaqbalka uu hiigsanayo, waxaannu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu qaranka u hayay si uu ugu madax-bannaanaado ka midho dhalinta himiladiisii ahayd furashada urur-siyaasadeedkii uu mudada dheer halganka ugu soo jiray, ka dib markii labada gole ee baarlamaanka [guurtiga iyo wakiilladu] ay ansixiyeen furashada ururada siyaasada. Arrintaas oo qayb ka ahayd heshiis uu la galay Madaxweyne Silaanyo xiligii uu ahaa hoggaamiyaha mucaaridka, iyada oo labada masuul [Silaanyo iyo Gabboose] oo kala mab’da ah ay isku raaceen sidii Rayaale xilka looga qaadi lahaa, Silaanyona maadxweyne looga dhigi lahaa, ka dibna Gabboose loogu xalaalayn lahaa furashada urur-siyaasadeed ka qaybgala doorashooyin.
Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ah digtoor siyaasi ah, Illaahayna hibo u siiyey codkarnimo iyo afmiishaarnimo, waxa uu ka soo dhex mudhay halgan qadhaadh oo siyaasadeed oo qodxo iyo jalaafooyin badnaa, kaasi oo ahaa ololihii uu u galay sidii KULMIYE ugu guulaysan lahaa doorashadda madaxweynaha ee dalka ka dhacday 26 June 2010, arrintaasina way u meelmartay oo doorashadda codadkii ugu badnaa ayuu KULMIYE ka helay, balse waxa Dr. Goboose hadda u bilaabmay halgan ka qadhaadh ka uu KULMIYE u soo galay, halganka xilligan sugayana waa mid uu naftiisa ku dhisayo oo uu doonayo inuu kaga midho-dhaliyo hamigiisa ah inuu mar uun dalka madaxweyne noqdo.
Wasiirkii arrimaha gudaha ee maanta iscasilay Dr. Maxamed Cabdi Gabboose, waxa xilligan hortaagan dhibaatooyin ay adag tahay sida uu uga gudbo, maadaama mudadii uu wasiirka ahaa ay soo baxaeen dhalliilo iyo fadeexado la xidhiidha dhinaca ammaanka uu masuulka ka ahaa,kuwaasi oo ku noqday boogo sida uu u dhayo adagtay ama muddo dheer ku qaadan doonto, fadeexada dhinaca ammaanka ee sumcadii Dr. Gabboose hoosta u dhigtay waxa ugu weynaa ciidammadii ONLF ee gaadhay ilaa 200 ee nine e sida badheedhka ah uga soo degay xeebaha galbeedka Somaliland, taasi oo woxogaa xumaysay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Waxaanna la eegi doonaa qaababka Dr. Gabboose uga dabaalan doono boogaha ka raacay xilkii wasiirka daakhiliga ee uu dalka u hayey, inkasta oo geesinimada uu maanta ugu badheedhay iscasilaadiisa iyo ku dhawaaqida furashadda urur-siyaasadeedku tahay arrin lagu majeeran doono.
Si kastaba arrimuhu ha ahaadeene kol haddii Dr. Maxamed Cabdi Gabboose bedka isasa soo dhigay oo uu ka badheedhay hamigiisa siyaasadeed, waxa la isweydiinayaa cidda ku soo biiri doonta ee iska tirin doona xilalka ay qaranka u hayaan, kuna dhawaaqi doona urur-siyaasadeed cusub, maadaama ay dawladda ka mid yihiin xubno siyaasiyiin ah oo si weyn ugu ololayn jiray furashadda ururrada siyaasadda, raggaasna waxa ka mid ah wasiirka maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ay fikirka furashadda ururada ood-wadaagta ku ahaayeen Dr. Gabboose. Waxa kale oo raggii fikirkaasi saaxiibkood la qabay ka mid aha Mr. Jamaal Caydiid oo ah Guddoomiyaha hay’adda abaabul-ka-saarka qaranka. Waxa kale oo jira siyaasiyiin door ah oo aan ka mid ahayn raggii Ururkii Qaran bud-dhigga u ahaa, balse haatan la sheegayo inay leeyihiin hami siyaasadeed.
Waxaanna la isweydiinaya raga hanka siyaasadeed lihi sida Dr. Gabboose bannaanka ma isa soo dhigi doonaan, mise waxay sii macaansan doonaan xillalka ay hadda dawladda ka hayaan.? Arrimahaasina waxay soo mudh-bixi doonaan muddooyinka iyo bilaha soo socda iyo halka la isugu biyo shuban doono.
Faallo: Weriye Maxamed Xarrago