labaatankii sannadood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo khuseeya dhinacyo kala duwan oo nolosha bulshada ah, waana kuwan ee ka bogo:
1- Adeegga ZAAD ee telefoonnada lacagaha laysugu diro oo aad u afnacay shacabka reer Somaliland, miyi iyo magaalana wada gaadhay
2- Ciidammada qaranka oo loo qaybiyey daroojin soo saaray haybadda iyo quruxda ciidannimo.
3- Mishiinnada kelyaha u sifeeya dadka buka oo markii ugu horreysay dalka la keenay
4- Carruurta oo faraha waalidiinta ka baxday
5- Ardayda dugsiyada oo iyagu u taliya macallimiinta, isla markaana jaan-gooya saacadaha waxbarashada
6- Tagaasi yaryar baahi weyn loo qaybay oo dalka laga hirgeliyey, door weynna ka qaatay in dadweynuhu helaan gaadiid ay raacaan oo weliba qiimo jaban
7- Baabuurta gurmadka deg-degga ah ee caafimaadka oo dalka aad loogu caawiyey si degdegna looga helayo inta badan magaalooyinka dalka
8- Riyaha magaalooyinka oo lagu dulqaro lambarro telefoon, si haddii ay lumaan loola xidhiidho cidda leh
9- Ragga oo khaatiyaan ka taagan, aadna u karaahiyeystay gabdhaha dawooyinka midabka beddela jidhkooda is-mariya
10- In ay dalka yimaaddeen dad ajnebi ah oo isugu jira ganacsato, dhakhaatiir, samafalayaal, dalxiisayaal iyo kuwa kale
11- Raxmaadkii iyo roobabkii sannadlaha ahaa oo teel-teel noqday
12- Quruxdii iyo jamaalkii joogga dadka reer Somaliland caanka ku ahaayeen oo meesha ka baxay
13- Xannuunada oo aad iyo aad u badatay sida kansarka, macaanka, dhiig-karka iyo AIDS-ka
14- Mowtul-qaflaha oo batay iyo dadka oo shabaabnimo ku dhimanaya
15- Masaajidada oo tiro beelay, balse koox-koox amma firqooyin loogu tukado
16- Cillad joogto ah oo ku habsatay gaadiidka oo geerash walba buux-dhaafiyey
17- Reer-magaalka iyo reer-miyiga oo aan muuqooda la kala garanayn
18- Dhagaysigii heesaha oo aad u yaraaday iyo cajaladihii oo meesha ka baxay
19- Meelihii bannaanaa ee carruurta yaryar kubbadda ku ciyaari jireen oo la wada dhisay
20- Qiime-jab weyn oo ku dhacay lacagaha qalaad ee dalka laga isticmaalo
21- Lacago kala duwan oo si caadi ah wax loogu kala iibsado
22- Maceeshadda oo aad u adkaatay
23- Isticmaalka qaadka iyo cunistiisa oo xadhkaha goostay
24- Dhaqankii saddexda waqti wax la cuni jiray oo midkood meesha laga saaray sababo dhaqaale darteed
25- Shaqo-la’aan baahsan oo dalka ka taagan
26- Caano geel oo iibkooda safaf dhaadheer loogu jiro
27- Geedka Garan-waaga oo wax-ka-qabashadiisii quus ku dhammaatay
28- Dadka oo soo baranaya faa’iidada wax-wada-qabsigu leeyahay
29- Dhoolla-caddayntii iyo kaftankii lagu yaqaanay bulshada reer Somaliland oo shiiqaya
30- Baabuurta oo aad u tiro batay, dhibaatooyinkooduna sii kordheen
31- Dareenkii dadweynaha oo aan kala jeclayn dhacdooyinka dalka gudihiisa iyo kuwa dibadaha ka dhaca
32- Dadka da’doodu dhexdhexaadka tahay oo tiradoodu aad u korodhay
33- Isticmaalka kelmado cusub oo dalka ku sii baahaya sida xaalad-abuur, iwm
34- Dadka intooda ladan oo aad u isticmaala qalabka jimicsiga
35- Kirada guryaha oo cirka isku shareertay
36- Marfashyo casri ah oo nin iyo jaanni-gooni loo fadhiyo oo aan qofna qofka kale waxba weydiisanayn
37- Raashinta iyo sharaabka dalka la keeno oo aad u tiro batay, tayadoodana aan cid hubin
38- Dayn-raadis ka dhashay dhaqaalaha adkaaday dartii
39- Magacyada loo bixiyo carruurta dhasha oo noqday qaar aan hore loo maqlal
40- Dadkii aqoonta lahaa ee dibadaha wax ku soo bartay oo shaqo la’aan awgeed madluun ah
41- Dharkii laga tolan jiray dawaarlayaasha oo aad u yaraaday
42- Caanaha qaysacaydsan noocyadoodu badan yihiin oo dalka lagu soo fatahiyey
43- Digaagii iyo riyihii magaalooyinka lagu dhaqan jiray oo meesha ka sii baxaya
44- Maxkamadaha oo waxoogaa horumar ah ka sameeyey dhinacyada nabadgelyada iyo dacwad-qaadisaha
45- Saacadaha iyo kaalkulaytarrada [calculator] wax lagu xisaabiyo oo meesha ka baxay
46- Dadweynaha oo bartay inay dhistaan guryo qurux iyo bilic leh
47- Faras-magaalaha Hargeysa oo isu beddelayo dhismeyaal dabaqyo ah
48- Guurkii oo yaraaday arrimo dhaqaale awgeed
49- Mahad-celinta oo bulshada aad ugu sii yaraanaysa
50- Waddooyinka magaalooyinka iyo tuulooyinka oo askari-jiifa lagu taxay
51- Odayaashii laga faa’iidaysan jiray taariikhda iyo dhaqanka oo meesha ka sii baxaya
52- Jaamacadaha iyo dugsiyada hoose ee carruurta lagu ababiyo aad u tiro batay, qiimahoodana aanay danyartu awoodi Karin
53- Cabashada waqtiga yaraaday oo dadka wada gaadhay
54- Basaska dadweynuhu raacaan oo looga taag waayey inay raacaan nidaamka waddooyinka
55- Dhuxusha oo yaraatay, qiimaheeduna cirka gaadhay
56- Xaaluf iyo nabaad-guur baahsan oo dalka ku habsaday, xalna aan weli loo helin
57- Nidaamka dhigaalka dhaqaalaha ee hagbadda loo yaqaan oo dadku aad u galaan waqtigan
58- Dhakhaatiirta da’yarta ah ee jaamacadaha dalka ka baxay iyo kuwa dibadaha ka yimaad oo wax weyn ka taray baahidii caafimaadka ee dadweynaha
59- Farsamayaqaannadii hore ee caanka ahaa oo meesha ka baxay iyo duul aan aqoon lahayn oo kaalintoodii buux-dhaafiyey
60- Daawasha aflaamta musalsallada afka Soomaaliga ku tarjuman oo guri kasta aad loogu daawado, gaar ahaan dumarka iyo carruurta
61- Korontada oo meel walba gaadhay iyo magaalo iyo miyiba
62- Dumarka oo marka ay dibadda u baxayaan qaata dhar wada asturan
63- Dadka qurbaha ka yimaad oo lala sugo qorsheyaal guur iyo abuurista fursado ganacsi
64- Hadalkii asluubta iyo akhlaaqda wanaagsan ku dhisnaa oo dhallinyaradu tureen
65- Madax-dhaqameedyada sida salaadiinta iyo boqorrada oo biyo-yaa-shuban noqday
66- Buuggaagta afka Soomaaliga ku qoran oo batay
67- Riwaayadihii la daawan jiray oo gebi ahaanba meesha ka baxay
68- Ey tiro badan oo ku tarmay jidadka magaalooyinka dalka
69- Qashinka iyo kudaafadda oo wehel u noqday caasimadda Hargeysa, wax weynna u dhimay bilicdii magaalada
70- Xannuunnada isku-buuqa (stress) oo aad u kordhay
71- Cadaygii iyo dacaskii magaalada lala dhexmari jiray oo la waayey
72- Daawooyinka madax-xannuunka oo isticmaalkoodu aad u batay
73- Muhaajiriinta qoomiyadda Oromada Itoobiya oo saddex-jibbaarmay
74- Socdaalkii gelista Itoobiya oo la beddelay, laguna galo fiiso sharci ah
75- Gu’ii shaalka ahaa ee bulshada reer Somaliland dhaqanka u lahaayeen oo laga ilbaxay
76- Isticmaalka internetka oo aad iyo aad ugu faafay dalka
77- Murankii dhulka ee laysku dili jiray oo si weyn hoos ugu dhacay
78- Akhriska wargeysyada oo yaraaday iyo tiradooda oo aad u kordhay
79- Tanaasulka iyo isu-dulqaadashada oo la soo baranayo
80- Barashada diinta oo aad u xoogaysatay
81- Ganacsiga muuska Soomaaliya ka yimaad oo aad u batay
82- Siminnaarrada aan macnaha badan lahayn oo aad u kordhay
83- Maxaabiista xabsiyada ku jira oo 90% yihiin dhallinyaro
84- Miinooyinkii dhulka ku aasnaa oo dalka ka sii dhammaanaya
85- Dumarka qaadka iibiya oo xannuuno kala ku dhaceen, sababo la xidhiidha fadhiga fadhiga badan iyo siigada suuqyada
86- Dameerihii biyaha dhaamin jiray oo lagu beddelay baabuur yaryar
87- Baahida dhakhaatiirta cudurrada maskaxda oo dalka ka taagan
88- Cabashooyinka dadweynaha oo aad u batay, markastana ka hadlaya waxyaabaha ka maqan.
89- Baahida riigagga biyaha soo saara oo badatay, gaar ahaan dhinaca waraabka beeraha
90- Dalka oo dhan oo isu beddelaya beero, iyadoo meel walba dad iska ooteen oo xoolihii halis ku jiraan markii laga maanacay dhul-daaqsimeedkii
91- Soo saarista shidaalka iyo macdanta oo hadal-hayntoodu aad u badatay
92- Tirada dumarka xil-doonka ah oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya
93- Qabyaaladda oo aad u sii kordhaysa, dalkana ku wada baahday
94- Noocyada mukhaadaraadka oo dalka ku soo kordhaya
95- Raadinta caawimooyinka shisheeye iyo maalgashiga caalamiga ah oo ciidda ka batay
96- Tirada dumarka jilbuhu xannuunayaan oo aad u korodhay
97- Muranka arrimaha siyaasadda oo beelaysan oo sii xoogaystay
98- Madarasadaha xifdiga qur’aanka kariimka oo tiro beelay
99- Xikmaddii suugaanta, gaar ahaan curinta heesaha oo aad u daciiftay
100- Dawarsadayaasha magaalooyinka dalka oo halkii ugu sarraysay gaadhay.
Qaybta 2aad
1- Ganbadhkii lagu fadhiisan jiray oo laga tagay, laguna beddelay kuraas caag ah oo guri kasta iyo goob kasta yaal
2- Hadalkii lagu kala dambayn jiray oo meesha ka baxay
3- Dadka oo cudurka dhul-jacaylku aafeeyey
4- Shaaha oo daasado lagu kariyo, kildhigiina laga guuray
5- Indha-kuushii dumarku marsan jireen oo dabar go’day
6- Guryihii dhulka sibidhka laga dhigi jiray oo marmar loo beddelay
7- Tartannadii ciyaaraha oo aad u yaraaday
8- Ganacsigii laba qaybood oo keliya ku soo ururay
9- Munaasibadihii maamuuska hadalka lagu kala dambayn jiray oo sii gudhaya
10- Gabdhaha oo wiilasha ka batay
11- Dadka waqtigan nool oo nacay araarta dheer ee hadalka
12- Bulshada oo madax iyo minjo ka siman dhaliisha dawlad kastoo jirta, dalkana wax xun uun ka sheega markasta
13- Geela oo baabuur la saaro
14- Xayeysiisyada telefishannada dalku baahiyaan oo tiro beelay
15- Hooyo carruur agoon ah haysata oo ilaa saqda dhexe biilkooda suuqa u fadhida
16- Dumarka oo halgankii nolosha qoyska kaga wanaagsanaaday ragga
17- Xaasidka iyo xinka oo dalka ku sii batay
18- Guddiyada arrimaha gaarka ah loo xilsaaro oo marka hore warbixinahoodu bataan, balse aan wax natiijo ah soo saarin
19- Haamihii biyaha lagu shuban jiray ee tummaalladu samayn jireen oo lagu beddelay jirikaamo iyo foostooyin caag ah
20- Xidhiidhintii ehelka iyo qaraabada oo aad u daciiftay
21- Doodda iyo muranka arrimaha siyaasadda oo meel walba gaadhay miyi iyo magaalaba
22- Faynuuskii la shidan jiray oo gebi ahaanba meesha ka baxay
23- Waddooyin burbursan oo hareeraha marmar qurux badan laga dhigayo
24- Beenta, musuqa iyo khiyaamada oo xadhkaha goostay
25- Markhaati beenaalaha oo batay
26- Dhegaysigii idaacadaha reer galbeedka ee suuqyada oo aad u daciifay
27- Suqaarkii hudheellada ee cashayn jiray oo lagu qadeeyo
28- Haasaawaha telefoonka oo habeenkii la caadaystay
29- Isticmaalka mareegta FACEBOOK oo dhallinyaradu meherad ka dhigteen
30- Jaadkii miisaska lagu dul iibin jiray oo kolley loo rogay.
31- Saamalaylkii habeenkii oo laga badow baxay
32- Biyo la’aanta Hargeysa oo saamayn ku yeelatay Bulshada iyo qorshe la’aan weli jirta
33- Odayaasha gaboobay oo dantu ku kelliftay in magaalooyinka laga saaro oo miyi la geeyo si ay uga nastaan saxmadda badan iyo guuxa gaadiidka xad-dhaafka noqday
34- Inta badan guryaha magaalooyinka oo ay ka shaqeeyaan dad Itoobiyaan ah, kuwaas oo ka shaqeeya cunto-karinta ilaalinta aqallada laga maqan yahay
35- Shaqooyinka dawladda iyo kuwii dadweynaha oo inta badan layska dhaxlo
36- Dumarka oo ka ilbaxay shaqooyinka guriga saacado badan kaga lumaan, nolosha oo adkaatay darteed
37- Musqulaha la kireeyo ee suuqyada oo dad badan ku reeyeen, gaar ahaan ganacsatada
38- Dadweynaha oo iyagoo kaashanaya dawladda waddooyin badan oo laamiyo ah samaystay
39- Fannaaniintii hore iyo ehelkii suugaanta ee waayadii hore aadka loo jeclaa oo aan immika wax qiime ah bulshada ku dhex lahayn
40- Dadkii la odhan jiray Afmiishaarrada ee dadku dhegaysan jireen oo meesha ka baxay, kadib markii dadweynuhu kaalintaas wada buuxiyeen
41- Beeralayda oo bartay faa’iidada biyo-xidheennadu u leeyihiin wax-soo-saarka beeraha
42- Bulshada iyo dawladda oo marka dhibaato dhacdo xaaladda uun qaboojiya, laakiin aan xal rasmi ah oo dhammaystiran ka gaadhin arrinta dhacday
43- Madarasadihii waababka ahaa ee xaafadaha laga dhex samayn jiray oo isu beddelay dhismeyaal cusub iyo carruurta oo basas guryahooda lagaga qaado subaxda hore, duhurkana dib loogu soo celiyo
44- Madaxda dawladda oo ka shaqaysan kari la’ odayaal danahooda gaarka ah u socda oo xafiis walba taagan
45- Idaacadaha dibadda oo batay, tartan xoogganna ka dhexeeyo
46- Heesihii Kacaanka ee dawladdii Afweyne oo dad badan dhegaystaan, maqalkoodana dhagaha loo wada taago
47- Isticmaalka malabka oo aad dalka ugu soo kordhay.
By: Rashiid Sulub Caalin, Tel: 063 4426781, Hargeysa, Somaliland
.