Maqaalad ay cunwaan uga dhigtay “Ganacsi ka dhex socda dalal aan xaaladdooda guduhu wada sugnayn”, jariidadda The Economist waxay toddobaadkan xustay deganaansho la’aanta joogtada ah ee ragaadisey nidaamka qiimaha lacagaha Soomaalida. Waxase dhinaca kalena ay xustay dedaalka baannanka, gaar ahaan
Bangiga Dahabshiil ee ku aaddan maaraynta dhibaatadaasi qiime-dhaca is-daba-joogga ah ee lacagta Soomaalida.Wax-ka-qabashada dhibaatadaasi qiimadhaca, waxa gacan ka geysta adeegga shirkadda Dahabshiil oo lacago badan oo adag oo debadeeda soo xawisha, soona gelisa dalka.Dhaqaalaha Soomaalidu waxa uu noqday mid si weyn ugu tiirsan dollarka oo la isticmaalo. Laakiin lacagyowga guduhu waxay iyaguna noqdeen qaar si xad-dhaaf ah loo soo daabaco, taasi oo ku keentay lacagahaasi gudaha qiime-dhac badan oo joogto ah, gaar ahaanna wax-kala-iibsiga hoose ee danyarta.
Waxa haddaba suurtogalka ahi, waxa weeye, sida maqaaladdu ay tilmaantay, in xawaaladda lacagayowga adag ee sida joogtada ah uga imanaya debaddu, inay gacan ka geystaan ka hortagga dhibaatadani hoos u dhaca, korna u soo qaadaan qiimaha shilinka. Sharikadda ugu weyn shirkadaha xawila lacagayowga, waa Dahabshiil oo ah shirkad caalami ah oo fidisa adeegga ugu ballaadhan, lehna wakiillo iyo laamo si xawli leh u faafaya. Waxayna abuurantay shirkaddu 1970-aadkii, waxayna ku bilawday adeeg suurtogelinaya in qurbajoogto ay lacagowga u diri karaan qoysaskoodii iyo ehelkoodii ku sugnaa gudaha dalka, iyada oo shirkaddu marka hore soo gelinaysa lacagahaasi badeecado ay debadda ka soo waariddo.
Afartan sano ka bacdi, adeeggan xawaaladda lacaguhu wuxu noqday kan lafdhabarta u ah ganacsiga shirkadda Dahabshiil. Laakiin haddana, shirkaddu waxay ku dhaqaaqaday tallaabooyin kale oo ay ku baahinayso, kuna kala duwayso qaababkeeda baayacmushtari, adeegyo kala duwan oo ballaadhanna ugu fidinayso sharikadaha iyo heyadaha kale ee caalamiga ah, baayacmushtarka iyo ganacsatada gaarka ah; iyada oo isla markaana la jaan-qaadaysa, una dabaqaysa hawlaheeda si waafaqsan anshaxa iyo xeerarka caalamiga ah ee dejisan, oo ay ku jiraan kuwa ka yaalla rogrogga lacagaha sharci-darrada ah AML (Anti Money Laundering). Dahabshiil, haatan waa shirkadda ugu weyn ee fidisa ageegyada dhaqaale ee Geeska Afrika, waxayna u haystaa ruqsado buuxa oo sharci, sida in ay dhawaan furtay Bangiyo ay leedahay, kuwaasi oo ka shaqeeya Djibouti iyo dalalka Bariga Afrika.
Shirkaddu waxay leedahay xafiisyo baahsan oo gaadhsiisan ilaa degaannada ugu fogfog ee miyiga Soomaalida qaarkood, kuwaasi oo bixiya, lagana qaato lacagayowga la soo xawilo. Sidaa awgeed, dadweynaha degaannadaasi waxay u arkaan adeegyadan Shirkadda qaar noloshooda iyo jiritaankoodu ay si weyn ugu tiirsan yihiin adeegyadaas. Haddana waxtarka adeegyadani way ka sii badan yihiin intaasi oo qudha. Waxana dheer intaasi, maalgelinta ka imanaysa debadda oo kaabta qaybaha dhaqaale ee gaarka ah ee gudaha, siina xoojisa maalgelinta mashaariicda dhismaha, gaadiidka iyo isgaadhsiinta.Waxa kale oo gacan ka geysanaya qaabkani horumarka, tiknoolojiyada casriga ah ee shirkaddu adeegsato, ee salka u ah istaraatijiyada hawl-qabadkeeda, kuwaasi oo ka dhigayaa adeegga lacagta la dirayo ama la xawilayo in si sahal ah oo dhakhso ah loo fuliyo, loona gaadhsiiyo isla markaaba meelo shishe.
Adeegyada ay u fidiso shirkaddu maalgelinta gaarka ah ka sakow, waxa soo raacay in shirkadda Dahabshiil ay ugu deeqdo lacag gaadhaysaa ilaa hal milyan oo dollar ($1 million) oo la galiyo, mashaariicda dayeelka dadweynaha ee horumarinta dugsiyada, cusbitaallada, beeraha, iyo nadaafadda. Dalka Ingiriiska gudihiisa oo ayna ka mid yihiin Xuska Toddobaadka Soomaalida, iyo Ururka Ciyaaraha ee Dhalinyarada Soomaalida.
Shirkadda Dahabshiil waxa kale oo ay xafiisyo goboleed ku leedahay magaalooyinka ay ka mid yihiin London iyo Dubai, waxana u shaqeeya ilaa 2000 oo hawl-wadeen, kuwaasi oo ka kala hawlgalaa ilaa 144 dal oo shirkaddu iyo laamaheedu/wakiilladeedu ka furan yihiin.