Golaha Guurtida Somaliland waxa ay badbaadiyeen muran xoog badan oo ka dhashay sharciyadda lagu maamulo Golaha Wakiillada oo uu si cad oo muuqata u burburiyey Guddoomiyaha haatan

ka arrimiya ee Cabdiraxmaan Cirro. Waxa uu Guddoomiyahaasi si indo la’aan ah uga tallaabsaday, hoosna ugu dhigay qodobka 44aad, faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeer-hoosaadkii Golaha Wakiillada Qodobkiisa 18aad, faqraddiisa 5aad.

Wax-ka-bedelka Xeer hoosaadka uu ku dhiirraday Guddoomiye Cirro burburintiisa, waxa uu ahaa shaadh isaga uun la jin ah oo uu is le’ekaysiinayo. Qodobbada aan soo shaac bixin ee ku jirey waxa ka mid ahaa: (a) in loo sare istaago oo loo sacbiyo marka uu soo gelayo; (b) In uu cidda ay la noqoto dibedda uga saari karo Golaha; (c) In uu Wasiir la ansixiyey ansixinta kala noqon karo, iyo qaar kaloo badan.

Waxa kale oo ayaan darro ahayd weedh uu ka daba tuuray labada Guddoomiye-ku-xigeen, mudane Baashe iyo Mudane Dr. Cali Yuusuf,  maalintii uu inqilaabay, oo uu isaga oo ku jeesjeesaya ka sii daba yidhi “NIN Shira ka Duday SIIGO YARAA!”.

Haddaba, iyada oo intaas oo dhami dhacday oo u horreysey, ayaa Guddoomiye Cirro kelyo ku filan u waayey inuu geeddiga uu lalabay halkuu lahaa ku furo. Waxa uu awooddii uu ku faanayey waayey markii ay isaga ku soo naqotay hadimadii uu dhigay oo Golihii shalay taageray ka hor yimi.

Waxa uu guddoomiye Cirro miciinsaday inuu xajiimeeyo oo aflagaadeeyo dhawr iyo kontob Xildhibaan oo isaga si walba ugaga lexojeclo badan dalkan iyo dadkan, xidhiidhna aan marnaba la lahayn cadowgiisa, mid dhow iyo mid dheer toonna.

Soo-dhexgeliddii iyo dhexdhexaadintii Golaha Guurtida oo isaga loogu soo gurmaday – xaq iyo xaqdarro kii ay doontoba ha noqotee – ma ay ahayn guul iosaga u soo hoyatey, ee waxa ay ahayd guuldarro uu maalin cad xambaartay. Waxa ay muujisay hoggaan-jileeciisa, karti-darradiisa, kan-jileeciisa, indho la’aanta damaciisa, diktaatooriyaddiisa, qabyaalad-xumadiisa iyo kursi-jacaylkiisa.

Sidaas oo ay tahay, ayuu haddana Guddoomiye Cirro ku joogi waayey oo waxa uu hadda bilaabay inuu abaabulo mooryaan noocyo badan oo ay ka mid tahay tan qalinka, oo ka been-abuurta geeddi-socdka taariikhda, ummaddana naxli iyio kala-fogaansho ka dhex abuurta. Iyada oo aan maalin buuxdaa ka soo wareegin, ayaa uu bilaabay inuu wax-ma-garatada ku xodxoto guulo uu ku riyoodey oo meel ay u soo mareen aanay jirin, iyada oo, dhanka kale, raggii ay is hayeen aanay meel keli ah kaga hadal waxa dhacay iyo aragtidooda – iyaga xaq dhawraya Guurtida iyo bulshaweynta daacadda ah ee reer Somaliland.

Hal bog oo ka mid ah website’yada xagal-daaca ee aan ka fiirsan waxa ay ummadda soo dhex dhigayaan ee u gudbinayaan, oo ay badiba ku adeegtaan dad magaca Somaliland ku shaqaysta hase yeeshee aan ahayn, una dhowayn, ayaa waxa subaxa saaka ah hal saf oo aad isugu dhodhow ku wada jira maqaal-ku-sheegyada kala ah:

1.      “Saleebaan gaal oo soo farogeliyey muranka baarlamanka Somaliland”

2.      “Guurtidu xaq bay kukuntay madaxtooyadiina gabal baas baa u dumey”

3.      Qarannimadii Xirsi dhulka ku dhufan gaadhey ayuu Xaaji Cabdi Waraabe dhexda ka qabtay”

4.      “Hanbalyo..hanbalyo Cabdiraxmaan Cirro”

5.      “Heshiiskani waa guul u soo hoyatey Cirro iyo Waddani”

6.      Diblomaasiyadda Guddoomiye Cirro oo guulaysatey”

7.      “Go’aan geesinimada lahaa ee Cirro, Somalilander dhab ah”

Ma la odhan karaa Guddoomiye Cirro waa qof caadi ah?

Dhinaca kale, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxa isagana ka soo hadhay “Wax baan dilayaa!”. Hadda waa guddoomiye xisbi qaran! Inta jeer ee uu warbaahinta la iska arko ama la iska maqlo hadallo xanaf, qabyaalad, anshax darro iyo hanjabaad ah u mariyey rag la mid ah, ummadda waa u diiwaan gashan tahay.

Jamaal Cali Xuseen, isaga markii laga waayey aqoontii uu sheeganayey, oo uu noqday nin heesaha looga soo sameeyo Malaysiya laxanka ku saara mafrashyada, waxa awooddiissii ku soo ururtay inuu dhallinyaradu website’yada soo geliso ka daba akhriyo. Xikmad kale oo looga fadhiyaana ma jirto.

Waxa habboon in taariikhdiisa oo sax ah dib loo raaco si loo ogaado boogaha ka muuqdaa halka ay ka soo raaceen.

Waxa intaa dheer in madaxda xisbiyada Waddani iyo UCID ay si aan gabbasho lahayn xilligan ula soo baxeen mabada’ooda Somaliland-diidka ah, sida Guddoomiye-ku-xigeenka SADDEXAAD ee xisbigaas ee Cali Guray. Waxa ninkaa odayga ahi Telefishan meel walba laga daawanayo kaga dhaqwaaqay in Somaliland xasuuqday qaybo ka mid ah dadkeeda.

Weedhaha Cali Guray waxa ay kellifeen in jaaliyadaha Harti ee Yurub ay hadda wadaan kiis maxakamadaha looga furay Cali Guray si uu ugu caddeeyo sida xasuuqa uu sheegay u dhacay, halka uu ka dhacay, cidda uu ku dhacay, magacayadooda, iwm. Waa ‘sheegaa ma dhaafto’.

Ninka Guddoomiyaha u ah WADDANI gobolka Sanaag, isaguna waxa uu waxba kama-jiraan ka soo qaaday xuduudaha Somaliland, waxana uu si badheedh ah u taageeray dagaal-oogaha Puntland ee Cabdi Weli, Gaas-la-wareeg.

Labadaa ninba siyaasadaha xisbiyadooda ay ka turjumayeen illayn iskama dohan hadalladan e. Haddii kale meel xisbiyadoodu iskaga fogeynayaan iyaga iyo kale ee badan ee meel-ka-dhaca ku ah Somaliland, ayaa la arki lahaa.

Waxa kale oo caan noqotay xilliyada in  xisbiyada mucaaradka ahi noqdeen “hasha ciinka cuntee cabaadda”, oo aanay aflagaadooyinka isdaba jioogga ah ee ay qaranka u geystaan, ugu adkaysan Karin hal jawaan oo boqol ay leeyihiin maalin laga bixiyey. Iyaba waa cibaarada adduun taynu aragnaaye! Baraq nugulaa! Adkaysi yaraa! Xikmad daranaa!

Isku soo wada duub oo kalsooni darro aan la qarin karin (inferiority complex) ayaa ka muuqda xisbiyada mucaaradka ah, waxana ay haatan u muuqdaan kuwo u adeegaya cadawoga Somaliland gudo iyo dibedba, laguna aamini karin talo ummaddan shariifka ahi leedahay.

Abdikareem M Abdirahman

Hargeisa,

Jamhuuriyadda Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *