carwada gebagabadii1Hargeysa(Araweelo News Network) Munaasibad balaadhan oo ay ka qaybgaleen Wasiirka Wasarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Biixi Yoonis,

 

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland, Maxamed Shukri,  Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Xoor Xoor, Masuuliyiin ka socota xukuumadda, ganacsato iyo martisharaf kale ayaa galabta lagu soo geba gebeeyay carwadii 6aad ee lagu qabto Somaliland.
carwada gebagabadii1carawada oo lasoo gebagebeyay2
Munaasibada lagu soo gebagebeeyay carwada oo mudo todobaad ah ka socotay Huteelka Guuleed ee Magaalada hargeysa, waxa hadalo kooban ka jeediyay munaasibadii xidhitaanka Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Maareeyaha Dekeda Berbera Eng.Cali Xoor Xoor, Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe,Guddomiyaha rugta ganacsiga Maxamed Shukri, iyo Maamulaha Hotelka Cali Cumar Xasan Guuleed.

Cali Cumar oo ugu horayn hadal kooban ka jeediyay munaasibadaa ayaa u mahad celiyey dhammaan shirkadihii gacsi ee ka soo qaybgalay carwadaasi, isaga oo xusay in hotelku adeegyo kala duwan u fidiyey bulshadii ka adeeganaysay carwada, waxa kale oo u mahad celiyey rugta ganacsiga somaliland ee hawshaasi baaxad leh isku soo dubo riday iyo wasiirka ganacsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis oo hadal kooban ka jeediyay xafladaa  ayaa ka sheekeyey faa’iidada ay bulsahda u leedaahay carwooyinka la qabtaa waxaanu tilmaamay in uu aad ugu farax marka uu arkay carwo noocan oo kale oo dalka Somaliland lagu qabtay, isaga oo sheegay in dhammaan adeegyadii ay ku soo bandhigeen carwadaa.

Wuxuu sheegay in ganacsatada kala duwan ay ahayd wax lagu farxo oo bulshadana, wax badan ka taraysa horumarkeeda,  isla markaana loo baahan yahay in laga wada qayb qaato carwooyinka noocan oo kale, isagoo sheegay in ay ka wasaarad ahaan kaalin firfircoon ka gali doonaan, dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga dalka, aadna ay uga wada shaqayn doonaan wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga iyo wasaaradiisa arrimaha debedu.

Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdullaahi Cumar oo sidoo kale hadal ka jeediyay xidhitaanka Carwadaa ayaa sheegay in wasaarad ahaan  ay u fureen xafiis u gaar ah maalgashiga oo cidkasta oo maalgashi wadanka u wadaa ay iska diwaan geliso,
Maareeyaha Dekeda Berbera Eng.cali xoor xoor oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in carwadani ay muujinayso sida ay Somaliland nabada buuxda uga jirto isaga oo xusay in carwo tan oo kale la mid ah ay dekeda berbera ay ka qaybg gashay dalka itoobiya magaalad Addis Ababa isaga oo tilmaamay in ay ku guuleeysteen kaalinta labad, waxa kale oo uu ka warbiyey adeegyada kala duwan ee ay bixiso dekeda berbera.

Sidoo kale Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri ayaa ka sheekeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay carwadu muddadii Todobaadka ahayd ee ay socotay, wuxuuna u mahad celiyay ganacsatada kusoo bandhigay ganacsigooda.

Guddomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng. Faysal cali waraabe oo isagu ku hadlay afka xisbiyada mucaaridka ayaa sheegay in wakhtigii hore xadaarada dhinaca ganacsiga lagu majeeran jiray dadka u dhashay Somaliland basle imika ay ka wareegtay isaga oo xusay in dadka u dhashay somaliya ay inagala wareegeen, waxaanu ganacsatada somaliland ugu baaqay in ay wax isku darsaadaan si ay waxoodu wax u noqdo oo ay horumar u gaadhaan.

Gebagebadii waxa shahaadooyin lagu mamaamusayo doorka ay qaateen Carwadaa la gudoonsiiyay Shirkaddaha Dahabshiil. Somcable, Telesom iyo kuwo kale iyo Dekedda Berbera, iyadoo dhinaca warbaahintana Telefishanka qaranka la siiyay abaal marin doorlka uu ka qaatay hawsha Carwadaa.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *