Boqor Cisman Aw Maxamuud (Buurmadoow) oo ka mid ah Madaxdhaqameedka ugu caansan Soomaalida , ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan hawlo shidaal

 

la doonayo in lagaga soo saaro Somaliland oo muran   iyo khilaaf ka dhashay. Kadib markii dadka deegaanka la doonayo in laga bilaabo hawsha ku eedeeyeen xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay qandaraasyada u maamushay qaab eex iyo qaraaba kiil ah.

Boqor Cismaan Buurmadaw waxa uu  sheegay in uu aaminsan yahay in haddii shidaalka  la soo saaro uu dhaqaalaha kasoo baxaa  gacmo yar ku ururayo oo aanu qasnada dawlada gaadhayn, sidaa awgeed  wuxuu  ku baaqay in shacbiga iyo baarlamaankaba loo cadeeyo arrimaha shidaalka loona sinaado dheeftiisa iyo dhibkiisaba.

Buur-madaw waxa uu sidaa ku sheegay mar uu u warmaayay todobaadkan  laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da , wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi,    “Marka hore waxaanu u baahanahay intaan shidaalka la baaadh in deegaanka lagu sameeyo baadhitan oo la eegayo in aanu nabaad guur dhicin.

Waxaa loo baahan yahay in dawladu ay arrinta shidaalka la socod siiso hay’adda arrimahan daba galka ku samaysa ee qaramada midoobay, ta labaad waxaanu rabnaa in shacbiga Somaliland uu khayraadkaas wada yeesho inuu ardaa kaliyaata qaato ma rabno, waxaanan u baahanahay in ay shirkada shidaalku dhaqaalaha ay baxinayso ay soo bandhigto sida caalamiga ah, dawladuna ay baarlamaanka iyo shacabiga u soo bandhigto in dhaqaalahaasu uu ku dhaco qasnada dawlada waana in dadka deegaanku ay raali ka noqdaan oo lagu qanciyo.

Dawladana ka hor iman mayno ee waa inay samaysaa waxyaabaha ay shacabku xaqa u leeyahiin iyada oo aan baarlamaanka,shacabka iyo dadkii deegaanka  midna la qancin ayaa baadhitaaa layska bilaabay.”

Boqor Buur-madaw isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Waxaanu u aragnaa hantidan oo ah mid umaddu ay leedahay in ay dawladu si reer ahaan ah ay u maamushay oo qandaraasyadii la siiyay koox ka mid ah reerkiina deegaanku kama wada dhaxeeyo, waxaanan aaminsanahay in lacagta shidaalkaasu gacanta dawlada aanay ku dhacayn ee ay shaqsiyaad gacantooda ku dhacayso.Waxaanu deegaan ahaan ogal nahay in qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland oo dhan inay khayaraadkaas wax ka helaan haddii khasaare ka dhacayana laysla oggaado, laakiin waxaanu u aragnaa inay xukuumadu ardaa ku soo ururisay taasna waxaanu leenahay wax suurto gal ah maaha, hadii dawladu si qabyaaladaysan ay wax u baxisana waxay noqonaysaa dhulka waa la kala leeyahay iyo dooga soo baxay.” Ayuu yidhi Boqor Buurmadaw.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *