Xiligii furashada ururada siyaasada waxaa is diiwaangeliyey 15 urur oo cusub, halka ay hore usii jireen saddex xisbi oo mudo u taagnaa xisbiyo qaran , kuwaas oo uu ka mid yahay xisbiga talada haya ee kulmiye.gudiga diiwaangelinta ayaa wareegii kowaad lix ka mida ku reebtay dhamaystir

iyo buuxin la’aan shuruudaha xeerka diiwaangelinta ururada siyaasada,wareegii labaad oo ah dhamaystirka musharaxiinta ayaa waxaa isna ku hadhay hal urur oo ahaa NASIYE.

Xisbiga UDUB oo isagu ah xisbigii mudada ugu dheer soo hayey talada dalka ayaa u naafoobay burburkii dhexdiisa ka dilaacay horaantii  2012, isla markana meesha uga baxay si buuxda, sidaa darteed ayaa waxaa ilaa hada taagan goroonka 7 urur kuwaas oo marka ay kusoo tartamaan doorashada sadexda ugu codbataa u gudbayaan xisbiyo qaran.

Halkan waxaa ka cad in labo meelood meel ahaani ay kasoo hadhay ururadii isu diiwaangeliyey  siyaasada, mudo ayey taagnayd cabasho ay qabaan ururadii ay gudiga diiwangelintu ku reebeen wareegii kowaad, sidoo kale waxaa iyana ilaa hada cabasho taagan qaba qayb ka mid Xisbigii bur-burku saameeyay ee udub. qaybka mida oo ku dhawaaqay musharax madaxweyne “Cali Maxamed Warancade”.

Ururada soo hadhay ayaa waxaa socda xawli kala horeeya oo ay maalinba maalinta ka dambeysa tirada taageerayaasha kusii xoojinayaan,waxaa xiligan ay hor istaageen wakhtiigi  gudiga doorashooyinka u cayimeen Ololaha kama dambeynta oo socon doona ilaa sadex maalmood ka hor maalinta cod-bixinta ee ku aadan 28.11.2012.

Hadaba, bal aan dib ugu laabano saadaasha aragtida bulshada oo siyaabo kala duwan u adeegsanaya, isla markaana ay ugu muuqato guusha la xidhiidha codka iyo ururada laga filan karo inay u gudbaan xisbiyo qaran. inta aynaan  u dhaadhicin arrinka rajada guusha iyo ururada saadaashu farta ku fiiqayso, aan wax yar ka xusno aragtida kale ee dhinac taal ee bulshadu dareenka taban ka qabto iyo ururada ay la xidhiidho,Ururka UCID,sida laga dareemi karo magaca cusub ee ah New Ucid,waxaa cad in ay jirto Aafo xili soo waajahday oo laxaadkii soo jireenka ahaa ee xisbiga qaybo u kala goysay, isla markaana qayb ka mida ay gadaal bax samaysay lana baxday magaca New Ucid, kaas oo soo shaac baxay kadib midowgii labada qaybood ee hadhaagii Ucid iyo kooxda musharaha Jamal Cali Xusen,iskaashigaa ayaa waxaa uu horseed u noqday in markeliya magaca cusub ee New Ucid taageeradiisu gudo iyo debed ay kor u kacdo, isla markana u muuqdo urur guusha looga baqikaro ,sidaa  darteed ayaa waxaa aragtida bulshadu si weyn dareen baqdin leh ka qabtaa inay si lama filaana u iman karto aafayn labaad oo ku waajahan hanashada guusha.

Aragtida bulshada ee Ururka waddani ka aaminsantahay oo ah in xukuumaddu gacan siiso, xataa haday tahay falsafad siyaasiya ayaa noqon karta mid si weyn u wiiqi karta taageerada dhinaca shacbiga oo ah cidda codka loo daba fadhiyo.Ururka waddani oo si mugle uga dhex muuqda ururada loolanka siyaasada ku hirdamaya ayaa bulshadu si laxaadle uga mashquulsantahay faalada raadka ay ku yeelan doonto siyaasada  iyo inay tahay mid si cad u tamarinaysa oo ah in ururka waddani lagu xidhiidhinayo awooda dawliga.

Ururka kulmiye oo ah isagu xisbigii dhalay xukuumadda hada jirta ayaa aragtida bulshadu ka aaminsan tahay ay xusayso inuu kaalinta kowaad kaga jiro ururada dhitinaya,  isla markaana aad uga hooseeya awooda shacbiga,iyadoo xilligan ay adagtahay hawlgal kasbashada taageerada sida dib logu soo celiyo xilligan.isla markaana xukuumaddii ka dhalatay laga dareemayo cago jiid aan ka fogayn qorshe iyo ku talogal ah doorkan inuu ka soo muuqdo kaalinta saddexaad xisbiga kulmiye.

Ururada kale oo marka tirada hada laga duulayo ah afar,Umudda,Xaqsoor,Rays iyo Dalsan inkasta oo ay dadaal fiican ku jiraan,hadana argtida bulshada ee wakhtiga xaadirka ayaanay ka muuqan kuwo ay safka hore u qorshaysay.iyadoo aan laga tegi karin qaybta ALLE,sidoo kale ay siyaasadu tahay mid aan laga qaadan karin kalsooni ma dhaafan ah.

Waxaa aan la dhaafi karin aragtida siyaasiga ah oo iyadu si ka fog u dheehaneysa dariiq ka duwan kan bulshada, oo ku fiiqan wada-hadaladii u furmay somaliland iyo dawladii KMG ahayd ee somaliya oo albaabadu u furan yihiin,iyo isbedela somaliya gashay oo bulshada caalamku aad uga eegayso ururinta dalweynihii Somalia.gaar ahaan waddamadii gacan ku haynta talada wada-hadalada labada dhinac.aragtidan siyaasada oo aad uga dayrinaysa talaabada ay qaaday xukumada talada haysa ayaa ku soo ururaysa inay tahay dhabihii somaliland u mari lahayd federaalka.isla markana bulshadu si weyn ugu abuurtay werwer horle. aragtidan ayaa iyadu qorshaha arrimaha doorashada ku macneynaysa kala jibinta quluubta bulshada,  isla markaana meeshaba ka saaraysa in doorashu u dhacdo si ku talogal dhaba,oo sidii somaliland looga bartay ku saleysan.

Si kastaba ha ahaate,markaan soo ururino aragtida saadaasha bulshada ee gun dhiga u ah guusha kama dambeysta iyo ururada usoo baxaya safka hore ee awooda xisbi qaran,kuwaso ay u kala hormarineyso aragtida rajada bulshadu.

1.New Ucid

2.Waddani

3.Kulmiye

Qalinkii Maxamed Xuseen Ciise “Qamari”

Phone 002522 4447184

Email –dharaar200@hotmail.com

Berbera -Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *