Magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Burco, ahna magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee xudunta u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Somaliland, ayaa waxa ka dhacay
13kii bishan May 2013, dhacdo ugub ku ah hannaankii Maamul ee Somaliland, isla markaana sunnaha Dawladnimo laf jab ku ah, sidoo kalena tilmaan cad u ahayd sida uu usii lumayo maalinba maalinta ka dembeysa heykalkii iyo nidaamkii Maamul ee inoo dhisnaa. Arrintan waxa marada ka feyday dhacdadii ay Ciidammo ka tirsan RRU ku dileen hal Nin. mid kalena ku dhaawaceen, Ciidankaa oo illaa hadda la garan la’yahay cidda soo amartay, ka kadib markay daf soo yidhaahdeen goob aan balaayo ka taagnayn oo lagu xallinayey arrin ka dhex taagneyd iska-rogooyinka dooxa ciidda ka gura iyo Maayarka Burco, kuwaas oo isla markii ay isa soo taageena ku furay rasaas nool dadkii shacbiga ahaa, iyadoo aan illaa hadda la garanayn ciddii uga yeedhay xeradii ay degganaayeen, isla markaana siisay amarka ah inay shicibka ku furaan rasaasta.Waa dhacdo tuhunno badan oo hore shicibku u qabeen iftiimisay, kadib markay Maayarka Burco iyo Badhasaabka Gobolkuba fagaare ka caddeeyeen, in aanay war iyo wacaal midna ka ahayn cidda dalbatay Ciidanka iyo Cidda ku amartay inay toos u toogtaan dadka ra’yidka ah ee fara madhan, sidoo kalena ay sheegeen, in wax rabshad ah oo jirtay aanay jirin xilligii ay Booliska loo yaqaan RRU-du bilaabeen ridista rasaasta .
Haddaba wax isweydiin mudan mar haddii aanay Ciidankii RRU-da ahaa ee dadka rasaasta nool ku laayey bilaa sababta dalban oo amrin Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayarka Burco midkoodna, waayo cidda kale ee awood u leh ee bixin kartaa amarkaasi ? Su’aasha kale ee illaa hadda taagani waxa ay iyana tahay sababta ay Wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Ciidanka Boolisku uga hadli waayeen fadeexadda intaa leeg ee mar qudha dabada u rogi gaadhay nabadgalyadii iyo xasiloonidii Gobolkaasi ee ay u sheegi waayeen halka uu ka yimid amarkaa Ciidanku ama ay u teendheyn waayeen raxantii RRU-da ahayd hadday fulinta hawlgalkii Burco iyaga keli ku ahayd ?
Midda kale, sideebuu si kalsooni leh ugu shaqeyn karaa Maamulkii Gobolku mar hadday jiraan Ciidamo gaar ah oo ku sugan Gobolka oo aan iyaga ka amar qaadan, balse ka amar qaata awoodo kale oo ka sarreeya oo qarsoon oo ay suurtagal tahay, in mar allaale markii la doono la soo gelin karo magaalada, si ay uga fuliyaan dhacdo la mid ah tii Isniintii toddobaadkan laga fuliyey Burco ee uu ku dhintay halka qof, ku kalena ku dhaawacmay, isla markaana hantida badan lagu burburiyey gadoodkii ka dhashay dhacdadaasi . ? Waxa la tuhunsan yahay in dhacdadii Burco ay masuuliyiin sare damacsanaayeen inay ku xumeeyaan Maayarka, waxana tuhunkaasi sii xoogaystay markuu illaa hadda kalmad ka odhan waayey Wasiirka Daakhiligu meesha uu ka soo baxay amarkii dalbashada Ciidanka iyo amarka bilaabistii rasaasta nool ee Ciidanku ku rideen shacbi aan xataa wax rabshado ahi dhexdiisa ka jirin .
Geesta kale, waxa isla bishan jirtay isfaham la’aan ka dhalatay dhul ku yaal Burco oo dhex miranaysay Maayarka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo gaadhay illaa Madaxweyne ku-xigeenka oo markaa ahaa k/simaha Madaxweynaha, taasoo sidii lagu xusay Warbaahinta qaarkeed uu Seylici xallinteeda ku wareejiyey Madaxweyne Siilaanyo markuu kasoo laabtay safarkiisii dheeraa ee dibedda . Ta kale ee saddexaad ee sii xoojin karta tuhunkaasi ee xusidda mudani, waa iyadoo Maayarka Burco oo doonayey inuu arko Madaxweynaha loo fududeyn waayey sida ay tibaaxeen warar aanay Xukuumadda weli ka jawaabin, haseahaatee toddobaadkii la soo dhaafay lagu daabacay Wargeyska Waaheen .
Haddaba si kasta ha ahaatee, wax la aqbali karo miyey tahay in Xukuumadda hoggaanka dalka haysaa, ay illaa hadda caddeyn la’dahay ciddii u dalbatay Ciidanka RRU-da magaalada Burco oo aan wax balaayo ahi ka taagneyn, balse aan lahayn illaa hadda ciddii RRU-DA u adeegsatay fidno abuurka ee halka qof toogashada ku dilay, ka kalena ku dhaawacay, isla markaana faro ciddidood ay reer Burco kaga fakadeen in hubka laysku soo qaato, balse xagga Eebbe ay kaga samata-baxeen ? Tan oo kale maaha mid ay marnaba shacbigu ka filayeen Xukuumaddii ay soo doorteen oo halkii ay iyadu ka bakhtiin lahayd wixii balaayo wada ama ka qaban lahayd ay u muuqato, inay iyadii u baaqayso balaayo, sida haatanba aynu aragno ee ay ugu dembeysay dhacdadii Burco ee Isniintii toddobaadkan iyo tii Wargeyska Hubaal ee 24 Abriil.2013ka ee iyana aanay illaa hadda Xukuumaddu wax xil ah iska saarin inay soo qabato Ninkii hubeysnaa ee la socday kii la qabtay ee gacanta laga geliyey, kuwii la tuhunsanaa , si markaa loo helo ciddii soo maleegtay . kadibna sharciga loo horgeeyo . Waxa hore loo yidhi ;” Balaayo madax la qabto ayey leedahay ee malaha minjo la qabto .”
Sidaa awgeed, waxa Xukuumadda la gudboon inay wax ka qabato arrimaha fadeexadaha ee dul hoganaya ee fool xumada ku ah nidaamka maamul ee dawladnimo, haddiise ay dhacdadii Burcona la mid noqoto tii Hubaal oo illaa hadda wax laga qabtay oo la taaban karaa aanay jirin, sidoo kalena la caddeyn waayo ciddii bixisay amarrada dalbashada iyo ku bilaabista rasaasta nool shacbiga nabadda iskaga fadhiyey, markaa miyaanay arrintu ahayn sidii uu abwaan Marxuum Gaariye ka dhawaajiyey ee ahayd “ Nin dawee la leeyahay, dembi uu badh leeyahay, daaraanta millilka leh, isagay u darantoo inuu daaro ma oggola . “
Faallada Wargeyska Hubaal