HarMuj Xamsa Abu Ciisageysa(Araweelo News Network) Xoghayaha fulinta Gobolka Maroodijeex Muj. Xamse Ciise Cabdi ayaa ka hadlay Dabaal-degii xuska 18 May ee shalay sida weyn loogu soo baxay, wuxuuna

 

ku bogaadiyey guud ahaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaana shacbi-weynaha Gobolka Maroodi-jeex sidii qiimaha iyo maamuska lahayd ee ay ugu dabaal-dageen Xuska sanad-guurada 22aad ee kasoo wareegtey markii Somaliland xornimadeeda dib ula soo noqotey 18 May, 1991.

Muj Xamsa abu ciisa Al-sarqaawi
Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex  Muj. Xamse waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu kaga hadlayo munaasibadaa,  kaas oo uu ku xusay kaalintii Gobolku ku lahaa abaabulka xuska  munaasibada maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May.
Muj. Xamse wuxuu qoraalkiisa ku bilaabay sidan:-  “Waxaan ku bogaadinayaa shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan sidii muwaadininimada iyo waddaniyada lahayd ee ay ugu dabaal-dageen xuska maalinta qaranimada Somaliland 18 May oo ahayd 22-guuradii ka soo wareegtey markii ay Somaliland xorriyada dib ula soo noqotey., si gaar ah waxa aan hambalyo ugu dirayaa: Cuqaasha Gobolka Maroodijeex, oo kaalin mugleh kaa qaatay, dabaal degga xuskan, Ururada Bulshada rayidka ah Saxaafadda Madaxa bannaan iyo ta dawladda, Ganacsatada iyo guud ahaan ciidamada oo si firfircoon oo oo xilkasnimo leh u sugay amaanka.

Shacabka reer Somaliland guddo iyo dibadba waxay sanadkan u xuseen 18 may sidii hore si ka duwan oo cod dheer ayey bulshada caalamka wada-gaadhsiiyeen, iyaga oo mideysan, isla markaana ku dabaal-dagaya astaanka qaranka Somaliland oo ah calanka Somaliland ee sadexda midab leh oo ay dadka qaar dhamaantiiba ku la-bisteen, halka qaarka ay jeeniqaar u xidheen, baabuurtii oo lagu buufiyey calankii Somaliland, Koofiyado calankii Somaliland ah, dhamaan dadka shucuurtooda waxaad ka dheehanaysay farxad iyo niyadsami,iyaga oo midba midka kale ku salaamayey ‘Ciid Muraabig” “Macal-ciideyn”, waxa kale oo garab socotey heesaha waddaniga ah ee ay dadku dhageysanayeen oo dhamaan mobile-da lagu sitey. Xuskan sanadkan looma kala hadhin xukuumad, shicib yar iyo weyn, ciroole iyo caruur-ba , waxaan ILAAHAY uga baryayaa qaranka Somaliland inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo Ictiraaf iyo horumar lagu badhaadho.

Haddii aanu nahay xukuumadda Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxay muujisay kalsoonidii shacabka iyo weliba hankii iyo himiladii ay shacabku u igmadeen xukuumada,taas ay maanta qaadayna midhihiisa waad aragtaan, waa in xukuumada taageerada sahacabku sidan oo kale muujiyaan, taasina keenaysa horumarka iyo hiigsiga aynu hiigsanayno. 22-sanadood ee ay Somaliland jirteyna maanta ayuunbey halkii la doonayey gaadhay, inta inoo hadhsana waxaynu kaga gudbi karnaa isku-duubni, iskaashi iyo wada-shaqeyn xukuumada la isla garab-taago oo inoo horseedi doonta dhabaha” ayuu yidhi  Xoghayaha  Fulinta ee Gobolka Maroodi-jeex Muj. Xamsa Ciise Cabdi.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *