Hargeysa(ANN)Agaasimaha Guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka badaha, ahna ku-simaha Wasiirka Cabdiraxmaan Cawil Xasan, ayaa daboolka ka qaaday miisaaniyad-sanadeedka 2011 oo  wasaaradda kalluumaysigu soo saartay oo

 

dhan $339,440 oo dollarka Maraykanka ah.

Agaasimaha Guud oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa sheegay in wasaaradda Kalluumaysiga oo xukuumadihii kala danbeeyay aan wax dakhli ahi ka soo xeroon ay sanadkan dhammaaday ee 2011 soo saareen dakhli ku dhaw nus milyan dollar oo ay ka qaadeen maraakiibta shisheeye ee ka kalluumaysta xeebaha Somaliland, kalluumaysatada wadaniga ah iyo cashuurta liisamadda kalluumaysiga, “Waxa jirta in ay Wasaaraddani ka shaqayso dhinacyada adeega iyo wax soo saarkaba. Haddii aynu wax soo saarka gaar u qaadano, waxa la taaban karaa in ay Wasaaraddu soo saartay sanadkan dhamaaday dakhli dhan $339,440 oo  Dollarka Maraykanka oo u dhiganta S.L. 2,036,641,831 shillings. Iyada oo ay Wasaaraddu iska xilsaartay in ay kor u qaado dakhliga. Taas oo aanay hore u jirin in sanadihii hore aanay dakhli Wasaaradda Kalluumaysiga uu ka soo gallo Dakhliga Guud ee Dawladda dhexe.”ayuu yidhi Agaasime Cabdiraxmaan.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Kalluumaysigu waxa  oo ka hadlay waxqabadka u suurtagalay mudada sanadka 2010-2011 waxa uu sheegay inay laba laash oo kuwa dheereeya ah oo loogutallo galay ka hortaga kalluumaysatada sharci darada ah iyo dhismaha Xarunta Wasaaradda oo ay ku baxayso lacag dhan 240,000 oo dollar, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxa ay Wasaaraddu dhisid iyo dib u habayn ku samaysay qayb ka mid ah Xarunta Ex Nec fish Berbera oo ay ka dhistay dhisme weyn oo ay ugu tallo gashay in  lagu qabto tababar iskaashatooyinka kalluumaystada ee Gobolka Saaxil. Iyo deyrka weyn ee u dhaxeeya Neck fish iyo badda si loo sugo amniga badda. Waxa kale oo noo suurtagalay in aanu sanadkan  ka hirgelinay miisaaniyadii sanadkan 2011 in aanu dhisme cusub u samayno Xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga oo hadda qandaraaskii la bixiyey bisha 1aad ee sanadkan cusubna la bilaabayo. Iyada oo dhaqaalaha ku baxayna cid kale naga caawin ee ay tahay dakhligii Dawladda dhexe. Lacagtaas oo dhan $ 240,000.

Waxa iyana jirta in aanu iibinay 2 Laash oo nooca dheereeya ( 40HP 2stock long shelf) ah oo aanu ugu tallo galnay in  ilaalo joogto ah loogu sameeyo baddeena. Si looga yareeyo xatooyada kalluunka. Waxa tababaro iyo qalab kalluumaysi la siiyey kalluumaysato dhan 150 qof, kuwaas oo kala jooga baraha kalluumaysiga ee gobolada Saaxil, Selel.”ayuu yidhi.

Agaasimuhu waxa uu tilmaamay inay maamul-daadejin Wasaaradda Kalluumaysigu ku sammaysay dhinaca maamulka iyo  gobollada kala duwan ee dalka oo ay ku suganyihiin, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa,” Waxa ay Wasaaraddu xaqiijisay in ay maamulka wada gaadhsiiso  goobaha kalluumaysiga ee saddexda gobol ee xeeblayda ah, oo ah 14 goobood iyo 3da xarun goboleed oo ay meel walba joogaan maamule ama Isuduwe, iyada oo aanu ku samaynay isku bedel si aanu u dar dar gelino hawlaha iyo tayada shaqaalaha ee jooga Gobollada.”

Agaasmisaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badduhu waxa uu sheegay inay kulammo la yeesheen wufuud kala duwan oo ka socota dalalka Khaliija iyo China, kuwaasoo danaynaya maalgashi ay ku sammeeyaan Xarrumaha Kalluumaysiga.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *