Abwaan Cali Xasan Adan (Cali Banfas)Hargeysa(Araweelo News Network)Alleh ha naxariistee Abwaan Cali Xasan Aadan(Cali Banfas) oo ka mid ahaa geeiyaashii halganka ee suugaanta  xiligii

 

sideetanaa

dkii ee uu socday dagaalkii xukunka lagaga tuuray taliskii Milateriga ahaa Maxamed Siyaad Barre, isla markaana ahaa aqoonyahan gabayadiisa ku difaaci jiray xuuquqda Aadamaha ayaa  ku geeriyooday 22/10/2013   Magaalada Hargeysa.

Marxuum Abwaan Cali Xasan Aadan(Cali Banfas) ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Xeedho ee Woqooyiga Haregysa.kadib markii uu mudooyinkii u danbeeyay u jiifay xanuun haleelay.
Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha magalaada Hargeysa, Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Golayaasha qaranka iyo  gaolaha deegaanka Hargeysa ayaa ka qaybagalay aaska Marxuumka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa  ka tacsiyeeyay Bah-Weynta Suugaanta ee ku hadasha Afka Somaliga meel walba oo ay joogaan geerida Abwaan  Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo waxa  uu tacsi taasi la mid ah u diraya Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Abwaanku.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu dhanbaalkiisa ku sheegay in  marxuum Cali Banfas ahaa Abwaan qaran oo ka baxay bulshada ku hadasha Afka soomaaliga, isla markaana uu ahaa Halgamaa magac iyo taariikh ku dhex lahaa bulshada Somaliland isagoo door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, ILLAAHAY-na waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bah-Weynta Suugaanta, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Allah ha u naxariistee Abwaan Cali Banfas, waxa uu ahaa Macalin Abwaan suugaanyahan gabyaa, Macalin aqoonyahan ah, isla markaana suuganta iyo gabayga ku difaaci jiray xuquuqda Aadamaha oo kaalin weyn kasoo qaatay halgankii lagula jiray taliskii Milateriga ahaa ee lagu xoreeyay Somaliland, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, wuxuuna ku mutaystay xadhig gabayada iyo suugaanta uu ku guubaabin jiray bulshada si ay uga hortagaan xukunkii macangaga ahaa ee Taliskii Maxamed Siyaad Bare, isagoo aan la gaban jirin dagaalkiisa dhinaca suugaanta ee uu ku difaaci jiray xuquuqda Aadmaha, isla markaana markii wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii u dhaq-dhaqaaqi jiray arimaha xuquuqal iinsaanka mudadii Somaliland ay lasoo noqotay Madax-banaannideeda.

Tafaftiraha shebekaddaha Arraweelooyinka Carraale Maxamuud Jaamac iyo dhamaan  Bahda Shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews.com, waxay Tacsi taa lamid ah u dirayaan  Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Bahweynta Suugaanta Soomaalida, iyagoo ka tacsiyaynaya geerida Marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) , waxayna Ilaahay uga baryayaan Marxuumka inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, qaraabadii, Ehelkii, Bulshada Somaliland iyo bahda suugaantana samir iyo Iimaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *