farxada1Illaahay (SWT) waxa uu qur’aankiisa inoogu sheegay in farxadda rasmiga ah ee bani’aadamku helaa tahay abaalmarinta jannooyinkiisa, sida ku cad aayadaha 105 ilaa 108 ee suuradda Huud, waxaannu Illaahay

 

aayaadkaas ku caddeeyey in dadka murugo iyo hoog u sugnaaday yihiin kuwa camalkoodu u horseeday in lagu rido caddaab ay ku waari doonaan, halka dadka farxaddu u sugnaatay yihiin kuwa lagu abaalmariyo jannooyinka ee acmaasha suuban shaqaysta inta ifka la joogo, balse inta aan aakhiro iyo xisaabta Alle la isla gaadhin, waxa daruuri ah in qofku farxad iyo raaxo ku helo ifka ama nolosha adduunyo.
Haddaba, Khamiistii shalay oo taariikhdu ahayd 20 March 2014, waxa caalamka laga xusay maalinta farxadda adduunka, kadib markii kulan guud oo dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay yeesheen 28 June 2012 laga soo saaray qaraar sumadiisu tahay  A/RES/66/281, kaasoo lagu go’aamiyey in 20 March loo aqoonsado maalinta farxadda adduunka, sannad kastana xus loo sameeyo, iyadoo Qaramada Midoobay tilmaantay in farxaddu tahay hadaf aasaas u ah nolosha bani’aadamka, laguna gaadhi karo horumar joogto ah iyo faqiirnimada oo la cidhib-tiro.
Khubaro, aqoonyahanno iyo qaybo badan oo bulshada ah, ayaa wax ka qoray, daraasado iyo cilmi-baadhisna ka diyaariyey waxa farxaddu tahay iyo qaabka loo hantiyi karo farxad iyo deganaansho qofku dareemo, iyadoo la ogaaday in farxadu tahay nolosha oo aad markasta dhinaca wanaagsan ka eegto, kana hortagto waxyaabaha mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ku beera nafta.
Haddii ay aynu dhinaca diinta islaamka ka eegno waxyaabaha sababi kara in qofka bani’aadamka ahi helo farxad iyo raaxo joogto ah, waxaynu soo qaadanay 10 qoddob oo furre u ah farxadda, kuwaasoo laga soo dheegtay daraasado cilmi ah iyo shareecada islaamka, iyadoo 10-kaas qoddobna lagu baahiyey barta internet-ka ee muslimmatters.org, tixraaciisuna yahay   http://muslimmatters.org/2012/04/12/10-steps-for-happiness/.
1. Camal Illaahay farxad geliya: Ma jiro wax qofku ku heli karo farxad joogto ah oo aan ka ahayn inuu Ilaahay farxad geliyo, shaqaystana camal if iyo aakhiroba lagu helayo raali ahaanshaha Alle, waxaannu Ilaahay qur’aanka inoogu sheegay in farxadu ku jirto camalka suuban, sida ku cad aayaadka 71 ilaa 72 ee suuradda Al-tawbah oo Ilaahay ku caddeeyey in farxadda ugu weyni tahay farxad gelinta wanaagsan ee Ilaahay, arrintaasoo ah guusha ugu ballaadhan ee dadka.
2.  Noqo mid mahadnaqa:  inta ugu baddan ee aynu Ilaahay u mahadnaqno, waxaynu ku helaynaa raali ahaanshaha iyo abaalmarinta wanaagsan ee eebbe, taasoo lagu heli karo farxad dheeraad ah iyo deganaansho, iyadoo arrintaasna caddayn u yihiin aayadda 7 ee suurrada Ibraahim iyo aadyaadka 172 ee suuradda Al-baqra oo Ilaahay (SWT) ku sheegay inuu abaalmarin iyo naxariis siiyo adoomihiisa  badiya mahadnaqiisa.
3.   Nafta oo aad qanciso: Badi acmaasha iyo shaqooyinka naftaada ku beeri kara farxad iyo qalbiga oo aad ka qososho, shaqooyinkaas waxa ka mid ah cibaado joogto ah, masaakiinta oo la quudiyo, taageero loo fidiyo dadka quusta ah ee walaaca qaba, adigoo aan khaasirin waqtigaaga iyo maalkaagaba.
4.   Dadka nolol ahaan kaa sareeya ha isku dhererin: sare ha u eegin dadka kaa caansan, kuwa kaa lacag badan iyo kuwa saamaynta leh ee kaa sareeya, waxayna farxaddu ku jirtaa in aad hoos u eegto kuwa aad ka sarayso ee dhaqaale ahaan, magac ahaan iyo nolol ahaanba kaa hooseeya. Naftaadana ka dhawr xaasidnimo, wixii Ilaahay ku siiyeyna ku shugri naq.
5.   ku Xidhnaw Ilaahay, waxkastana xagiisa ka rajee: Naftaada oo aad ku xidho Ilaahay (SWT) iyo qadarka oo aad rumayso waxay kuu sahlaysaa in aad farxad hesho, naftaaduna deganaansho dareento, waana in aad arsaaqdaada, xaaladdaada nololeed iyo abaalmarintaba aad ka sugto Ilaahay, rumaysana inaad heli doonto wixii Alle kuu qadaray.
6.  U gargaar dadka iyo xidhiidhkoodana wanaaji:  Rasuulkeennii suubanaa (SCW), waxa uu innagula dardaarmay in aynu qoyska iyo qaraabada xidhiidhino, kana shaqaynyo wanaaga xidhiidhka bulshada dhexdeeda iyo u gargaarista dadka baahan. Arrintaasina waa wax yaabaha farxadda lagu helo.
7.   Nasasho fiican iyo habaynta noloshaada: Qofka oo hela waqti ku filan oo uu jidh ahaan iyo maskax ahaanba u nasto waxay sababtaa farxad wanaagsan, iyadoo Nebbi Muxamed (NNKH) uu doortay inuu si fudud oo aan culays lahayn u noolaado, isagoo waqtigiisa u qorsheeyey xilli uu Ilaahay u cibaadaysto, mar uu danaha guud ee muslimiinta ka shaqeeyo iyo waqti uu danihiisa khaaska ah qabsado.
8.   Dadka ku tiirsanaw: waxyaabaha farxadu ku jirto waxa ka mid ah adigoo dareema in aad la nooshahay, qaybna ka tahay bulsho ballaadhan oo waxyaabo badan iskaga kiin xidhan yihiin, adiga oo walaalkaa la jeclaanaya waxa aad naftaada la jeceshay.
9.   Xalaasha oo aad quudato:  Quudasha iyo isticmaalka xalaashu waa amar Ilaahay ku soo rogay addoomihiisa, waana qayb muhiim ah oo ka tirsan rumaynta islaamka. Bulshada xaalaasha quudata, xaaraantana iska dhawrta waxay ku noolaataa farxad ay nafsiyan dareemaan.
10. Jimicsiga: Culimada saynisku waxay sheegeen in jimicsigu qofka ku beero farxad, kana hor tago warwarka iyo walbahaarka, iyadoo rasuulkeennii suubanaa inoo sheegay in Ilaahay agtiisa laga jecel yahay muuminka qawiga ah ee xoogga weyn.
Qoddobadaasi waxay ka qaybqaataan in haddii qofka bani’aadamka ahi ku dhaqmo uu helayo, isla markaana dareemayo farxad iyo deganaansho joogto ah.
Dhinaca kale, sida daraasaadka islaamiga ah lagu soo bandhigay, saddex qaybood oo waaweyn ayey dadku ka helaan farxadda, waxaana la ogaaday in farxada qofku 50% ka timaad waxyaabo dabiici ah oo Ilaahay ku beeray, taasoo sabab ah in dabci ahaan dadku kala farxad badan yihiin, iyadoo 10% farxadda ka mid ahi ku xidhan tahay duruufaha iyo waayaha qofka ku xeeran iyo qaabka abuurtiisu tahay, tusaale ahaan, dhinaca jinsiga, isirka, degaanka, da’da, taariikhda qofka iyo heerka noloshiisa. Halka farxada qofku 40% ku xidhan tahay ficilada iyo xirfadiisa shaqo.
Khubarada wax ka qoray farxadda iyo qaabka lagu gaadhi karo, waxa ka mid ah qoraaga iyo suxufiga ruug cadaaga ah ee MM Kastam oo sannadkan 2014 soo saaray Buugga Furaha Farxadda oo ah mid cusub oo hadda uun suuqa soo galay, kaasoo ay  ku duuggan yihiin qormooyin kala duwan oo aad u xiiso iyo faa’iido badan, dhammaantoodna ka hadlaya farxadda iyo dariiqa loo maro nolol farxad iyo rayn-rayn ku dheehan tahay oo la xidhiidha dhismaha qoyska, kobcinta kartida qofka, kalsoonida nafta iyo sidoo kale qaabka ugu haboon ee qof ama qoys ku heli karo farxad iyo badhaadhe rayn-rayn ku ladhan tahay.
Waxaannu MM Kastam ku sheegay buuggiisa in farxadu tahay baaddida ugu badan ee insaanku ugu raadinta badan yahay, iyagoo meel kasta ka raadiya farxada xilli kasta, isla markaana qofkasta si gaar ah u raadiyo waxyaabo naftiisa farxad geliya, taasoo mararka qaar ka tuurta jar murrugo iyo wal-bahaar mooyee aan wax farxad ahi ku jirin, isagoo MM Kastam ku xusay Buugga Furaha Farxadda in ku xidhnaanta kitaabka Alle iyo sunnaha rasuulka (scw) laga helo farxad, lagulana dagaalamo muruga iyo wal-bahaarka.
Xuska maalinta Farxadda Adduunka oo ku beegnayd shalay, waxa goobaha arrintan lagu xusay la isku weydiiyey waxa farxadu tahay iyo qofkastaaba sida uu u arko waxa naftiisa farxad geliya, balse MM Kastam, ayaa Buugga Furaha Farxadda kaga hadlay arrintaas, gaar ahaan farxada iyo sida dadka kala duwan u arkaan, tusaale ahaan, qofka baahani waxa uu farxadda u arkaa xabad roodhi ah uu uu helo, ninka furinka iibiyaana waxa farxadu ugu jirtaa inuu helo dad badan oo baahan, dhakhtarku waxa uu farxadda u arkaa bukaanka oo bata, qofka busaaradaysan waxa uu farxadda u arkaa shaqo joogto ah, halka dadka shaqeeya ama shaqaalaha ahi farxad dareemaan marka fasaxoodu dheeraado. Ruuxa danyarta ahi waxa uu farxadda u arkaa maciishada ama raashinka oo qiimahoodu jabo, iyadoo ganacsaduhuna farxadda ka helo quutal-darruuriga oo qaaliyooba ama sicirka maciishada oo cirka u kaca. Madaxdu waxay farxad helaan marka deganaansho iyo xasilooni jirto, maxaabiistu waxay farxaan marka albaabka laga yara furo, halka askariga maxaabiista ilaaliya farxaddu ugu jirto albaabada jeelka oo la adkeeyo. Arrimahaasi waa caynba-caynka nolosha iyo sheekooyinka faa’iidada leh ee ku duuggan buugga MM Kastam.
Qormadan kooban oo aannu ugu tallogalnay in dadka lagu dareersiiyo waxyaabaha naftooda farxad geliya iyo sida diinteena islaamku inoogu sifaysay qoddobada nafta farxad gelin kara, waxa muhiim ah in qofkastaaba ku xidhnaado qadarka Ilaahay, si uu naftiisa uga dhawro murugo iyo werwer, iyadoo aad farxad joogto ah iyo deganaansho ka heli karto cibaaddada joogta ah, akhiriska kitaabka qur’aanka ah, axaadiista iyo culuumta islaamiga ah, sidoo kalena isku day in aad halaeesho Buugga Furaha Farxadda ee uu diyaariyey MM Kastam, kaasoo faa’iidooyin badan xambaarsan, isla markaana laga heli karo Xarunta Personal Computer Center oo dhinaca bari kaga soo jeeda Garoonka Kubbada Kolayga ee Tima-cadde ee magaalada Hargeysa, wixii faahfaahin ah kala xidhiidha 036-4466375 ama 063-4470818 iyo 518879.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *