Hargeysa (ANN) Weftigii ka socday dawladda waddanka Jabuuti ee shalay galab dalka u yimi inay ka qayb galaan  munaasibadda xilwareejinta Madaxtooyadda Somaliland ayaa saaka  kulamo la yeeshay madaxweynaha xilka loo dhaarinayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha xilka wareejinaya Daahir Riyaale Kaahin,  Shir gudoonada Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) Somalilland iyo Komishanka doorashooyinka qaranka.Weftigan oo ka kooban 16 xubnood, isla markaana uu hogaa minayo wasiirka warfaafinta,

 

 dhaqanka iyo isgaadhsiinta dawladda Jabuuti Cali Cabdi Faarax, Xubnona ay ka yihiin guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Jabuuti, wasiirka iskaashiga caalamiga ah iyo saraakiil kale oo ka mid ah madaxda dalkaa, ayaa ugu horeyn gurigiisa booqasho sharaf ugu tegey madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. hogaamiyaha weftiga Djibouti  Cali Cabdi Faarax madaxweyne Siilaanyo uga xog-warramay ujeeddada socdaalkooda oo uu sheegay inay la xidhiidho xafladda xil wareejinta  ee maalinta Berri ah xilka loogu dhaarin doono.
Wasiirku waxa uu shacabka Somaliland ku amaanay guusha ay ka soo hooyeen doorashadii xorta iyo xalaasha ahayd ee Somaliland ka dhacday, isaga oo sheegay in ay dawlad ahaan si weyn ugu farxeen.
“waqtigii iigu danbaysay Hargeysa waxay ahayd 1988, waana laygu xidhay, berigaa waxa halkan joogtay qolo Faqash la yidhaahdo oo dadka xadhig iyo dhibaato ku hayay oo ilaa dumarka xidhayay, gaadiidkana la wareegayay, idinkuna (Axmed Siilaanyo) halgan ayaad ku jirtay, maantana halgankaa midhihiisii ayaa guaranaysaan,” ayuu yidhi Cali Cabdi Faarax. Waxaana uu Madaxweynaha cusub u gudbiyay martiqaad rasmi ah oo ay dawladda Jabuuti u fidisay madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Dhinaca kale, madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  ayaa Weftiga uga mahadnaqay imaatinkooda Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba wadan oo walaaltinimada ka sokow waxyaabo badan wadaaaga, xukuumadiisuna ay sii xoojinayso xidhiidhka labada dal ka dhexeeya. Waxaanu madaxweyne Silaanyo weftiga ka aqbalay casuumadda ka timi madaxweynaha Jabuuti.
Sidoo kale, Weftiga dawladda Jabuuti waxa ay booqdeen madaxweynaha xilka ka degaya Daahir Riyaale Kaahin, halkaas oo hogaamiyaha weftigu madaxweyne Riyaale ku amaanay doorka uu ka qaatay qabsoomida doorashada iyo sidii uu u aqbalay natiijaddii codbixinta, waxaana labada dhinac hadalo garnaqsi iyo hoga tus ah iska weydaarsadeen halkaa.
Sidoo kale wefdiga dawlada Djibouti waxay booqasho ku tageen xarunta Baarlamaanka Somaliland oo ay kulan kula yeesheen shir gudoonka labada aqal ee guurtida iyo wakiilada, iyagoo dhinaca kalena xarunta komishanka  doorashooyinka qaranka ku tegey booqasho, iyadoo uu xubnaha komishanka ku amaanay wasiirka hogaaminaya wefdiga Djibouti hawsha doorashada ee ay qabteen oo uu ku tilmaamay mid aad u qiima badan oo guulo la taaban karo iyo sumcad weyn usoo hoysay Somaliland. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *