Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay ee Somalia oo xanbaarsan qorshayaal iyo istiraatiijiyad siyaadeed oo ku waajahan Siyaasada Somalia, waxa

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u magcaabay 29 April 2013, Sir Nicholas Kay oo ah Diblamaasi sare oo u dhashay Dalka Boqortooyada Britain, isla markaana khibrad iyo waayo aragnimo u leh Qaarada Afrika iyo meelo kale oo dunida ah oo uu kasoo shaqeeyay.

Sir. Kay, waxaa dhabarka loo saaray hawlo siyaasadeed oo baaxad leh iyo kuwo dhinaca gargaarka ah oo xafiiskiisa laysugu geeyay, waxaana Waajibaadka iyo xilka loo igmaday Xafiiska UNSOM, ee Somalia noqonayaa mid fulinaya qorshaha cusub ee Qaramada Midoobay ee ku waajahan Somalia, isagoo taageero siyaasadeed siinaya Dowladda Federaalka iyo Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (AMISOM).

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu warqad ku taariikhaysan 19-kii Abriil ee Golaha Amaanka (document S / 2013/239). oo dheeraad ah, waxa ay dib u soo celisay qodobada Qaraarkii 2093 (2013) oo la xidhiidha UNSOM, taas oo ah mabaadii’da isku dhafan ee Qaramada Midoobay, soo dhaweynta qaababka hoggaamineed ee la soo jeediyey iyo isuduwidda, isla markaana si cad u qeexaysa waajibaadka Xafiiska UNSOM.

Sidoo kale waxa waajibkiisu yahay Xafiiska cusub ee UNSOM, xidhiidhinta hawlaha nabadaynta, dib u dhiska Hay’addaha dawlada Federaalka, kuwa amniga dib u habayntooda, ku dhaqanka sharciga iyo dib u dejinta ciidamada kasoo goosta Al-shabaab.

Waxa kale oo waajibaadka xafiisaka UNSOM, ka mid ah sidii dib loogu dhisi lahaa, isla markaana loo horumarin lahaa nidaamka iyo hanaanka Federaalka si dhabbaha loogu xaadho in marka la gaadho sanadka 2016, Somalia loo qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Ujeedooyinka loo aasaasay iyo waajibaadkiisa shaqo waxa sidoo kale ka mid ah dhawrista iyo  ilaalinta arrimaha xuquuqda Aadamaha ee Somalia, taageero awood lagu siinayo Haweenka, Ilaalinta iyo daryeelka caruurta, ka hortaga xadgudubyada xuquuqda Aadamaha ee dhibaatooyinka Kufsiga iyo xoojinta Hay’addaha Cadaaladda ee dawlada Federaalka Somalia, waxaana waajib ah inuu warbixin u gudbiyo Golaha amaanka marka ay dhacaan xadgudubyo iyo gaboodfalo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha.

Hase yeeshee wuxuu Xafiiska UNSOM, kaalinta ugu weyn ka geysnayaa  diyaarinta kobcinta iyo inuu gacan ka geysto abuuridda iyo kicinta jawiga siyaasadeed oo istaraatiji ah, kaas oo lagu heli karo xasillooni iyo nabadayn waarta oo geyiga Somalia ka hirgasha, waxaana ku waajib ah inuu soo abaabulo qaybaha kale ee Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkaba.

Ahmiyada ugu weyn ee Xafiiska UNSOM, ayaa noqonaya taageerida ajendaha nabadda, amniga iyo dhismaha qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in Somalia hore u socoto, wuxuuna gudan doonaa rabitaanka Dowladda oo ah “Inuu noqdo Albaab keliya ee Qaramada Midoobay laga galo”, marka laga hadlayo maamulada Somalia,  taas oo AMISOM, si gaar ah ula kaashanay saaxiibada muhimka ah,  sida Midowga Afrika iyo Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo lagu hagi doono Siyaasada lixda qodob ee Qaramada Midoobay ee salka u ah ujeedooyinka qorshaha siyaasada ee ku waajahan Somalia, deeqaha gargaarka iyo isku dubaridka hawlo kale oo baaxadooda leh.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay  oo xafiiskan  yagleelay  3 Jun 2013, waxa lagu aasaasay qaraarka  tirsigiisu ahaa 2093 (2013),  wuuxuna  xafiiska UNSOM , xoojin doonaa iskaashiga iyo istaraatijiyada ka dhaxaysa Qaramada Midoobay iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). Iyadoo labada xafiisba kaalin firfircoon  ka cayaarayaan taageerada loo fidiyo nabadaynta Soomaaliya.

In kasta oo xilligan  xafiiska UNSOM,  yahay mid ku jihaysan hawlaha siyaasada, waxa suurta gal ah inuu ka qayb qaato hawlgalka nabad ilaalinta ee Somalia, iyadoo loo raacayo Qaraarada golaha amaanka.

Dawlada Faderaalka Somalia oo dhismeheeda iyo taabagelinteeda loo sameeyay xafiiska UNSOM, ayaa dalbatay in uu Xarumo ku yeesho Mogadishu, Hargeysa iyo Garoowe, waxaana wejiga labaad loo qorsheeyay in laga furo deegaamo kale sida Baydhabo, Beledweyn iyo meelo kale marka la qiimeeyo xaalada amanka ee deegaamadaa.

Xukuumadda Somaliland ayaa hore ganafka ugu dhifatay qorshe uu Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, isla markaana ah masuulka ugu sareeya UNSOM, ku doonayay in uu sanadkii hore 2013,  ka furo caasinada Somaliland ee Hargeysa, taas oo ku beegnayd booqashadiisii u horaysay ee uu ku yimaado Somaliland mudo yar ka dib markii xilkaa loo magcaabat, waxaana arrintaa ka dhadhay khilaaf siyaasadeed oo kala fogeeyay Xukuumadda Somaliland iyo Sir Nicholas Kay , balse xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa si lama filan ah u ogolaatay in caasimada Somaliland laga furo xafiiskaa. Kadib markii uu kulan saacado qaatay  ku dhexmaray  qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  oo ay weheliyaan xubnaha ugu tunka weyn xkuumadiisa  iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo madax ka ah.

Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu  si cad uma qeexin sababta ku ajburtay oggolaanshaha xafiiska UNISOM, kaas oo Qorshayaasha  Iyo Ujeedooyinka Uu  ka Fulinayo Somaliland yihiin kuwo  Khilaafsan Qadiyada Iyo Madaxbanaanida Somaliland, isla markaana shaki gelinaya mustaqbalka siyaasadeed ee qaranimada Somaliland.

Warbixin:  By. Carraale M. Jama Journalist and Human Rights Activist.
Araweelo News Network
Jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By Arraale M. Jama

Araweelo News Network is a Associated Online Agencies established and operated by Somali senior journalists Arraale M. Jama, Araweelo News Network is a one of the most popular Somali Media Online, created by the one of the senior Journalist and human rights activist Arraale Mohamoud Jama 2010. Araweelonews is an independent non-profit and is not affiliated with any political party or group. Its mission is to inform and to educate people of Somaliand and Somali community democracy, Human rights issue, Health $ Education and awareness. Editor-in-Chief, Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist. Contact E-mail; Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *