heshiiska madx1Hargeysa(Arraweelo News Network) Xukuumadda Somaliland ayaa mashaariic ku kacaya malaayiin dollar ah loogu tala galay dhinaca Horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo addeegayada

 

Bulshada la gashay dalalka Britain iyo Denmark.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa heshiiskaa maanta kula saxeexday xafiiskiisa wufuud ka socday dalalkaBritain Iyo Dermark, iyadoo ay  heshiiska goob joog ka ahaayeen markii la kala saxeexanayay safiirrada labada ee Britain iyo Denmark u jooga Nairobi.

Heshiiskaa  oo qayb ka ah mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland ee (Somaliland Development Fund), kaas oo ay iska kaashanayaan labada dal ee Britain iyo Denmark.
Markii qalinka lagu duugay heshiishkaa,waxa Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo  ku weheliyay oo goob joog ka ahaa Wasiiradda Madaxtooyadda, Arrimaha debedda, Maaliyadda iyo Qorshaynta.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha debedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis markii qalinka lagu duugay heshiishkaa ka hadlay ayaa sharaxaad kooban ka bixiya heshiishka, isagoo yidhi,  “Halkan waxa lagu kala saxeexday heshiis ka dhexeeya Somaliland iyo dalalka Ingiriiska iyo Denmark, hawshana waxa maamulaya Hay’addaha  DFID iyo DANIDA, waxaad arkaysaan in adduunku inagu aaminayo inaynu lacaga maamuli kareyno.” ayuu yidhi Biixi Yoonis.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay xadiga lacagta lagu deeq iyo qaabka loo maamulayo, isagoo yidhi,  “Sanduuqan oo la yidhaahdo sanduuqa horumarinta Somaliland, waxa iska kaashaday labada dalka ee Ingiriiska iyo Denmark, sanduuqu wuxuu ku bilowday $ 52 Malyuun oo dolar, Ingiriisku shan Milyan oo kale ayuu ku soo daray, waddamada kale ee aynu saaxiibka nahay waxaanu rejaynaynaa inay ku soo biiraan haddii Alle yidhaahdo, sanduuqan waxa wada maamulaya guddi wada jir ah oo deeq-bixiyaasha ah, laakiin kan innaga ayaa go’aaminayna.” Ayuu yidhi.

Dr. Sacad waxa uu sheegay in ay jirto Gudi horumarinta qaranka ah oo ay Somaliland leedahay, kuwaas oo uu sheegay inay mamulayaan mashaariicdaa, isagoo arrintaa ka hadlayan waxa uu yidhi, “Waxa go’aaminaya waxyaabaha inoo mudan guddida horumarinta qaranka, sanduuqan waxa sanad walba laga maalgalinayaa waxyaabaha aanu u aragnay inay inoo mudan yihiin sida Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Deegaanka iyo jidadka, waana halbowlayaasha, mashruucuna waa mashruuc Afar sanadoood ah,”ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.

Haseyeeshee Wasiiradda Xukuumadda Somaliland ee ka hadlay heshiiskaa  si cad uma qeexin nooca ay yihiin mashaariicda lagu fulinayo lacagtaa iyo goobaha laga fulinayo, iyadoo wakiiladda ka socday dalalka Somaliland ku caawiyay lacagta mashaariicda horumarumarinta eek a hadlay halkaa si cad u sheegeen in la doonayo in mashaariicda xadigaa lee gee ay dhaqaalahaa ku bixinayaan noqdaan kuwo ka muuqda bulshada iyo dhaqaalaha dalka, isla markana laga dareemo meelaha laga fulinayo iyo in loo baahanyahay xisaab celin cad oo aan mad-madaw ku jirin.

Dhinaca kale xoggo la xidhiidha mashaariicda loogu talo galay in wax lagaga qabto  horumarinta dhaqaalaha Somaliland ayaa sheegaya in aanay jirin ilaa hada qorshe iyo istiraatiijiyad cad oo mashaariicdaa loo ay u qorsheeyeen wasiiradda Wasaaraddaha ay khuseeyan, sida Beeraha, Xoolaha, Biyaha , Kaluumaysiga iyo Deegaanka, iyadoo hore loogu qoondeeyay in sanadkii lacag gaadhaysa 13Mly  oo sanduuqa horumarinta ah la siiyo Somaliland, taas oo soconay mudo Afar sanadood ah, isla markaana lixda wasaarood ee ay khuseeyaan mashaariicdu mid walba loo qoondeeyay in mashruuc khuseeya oo ku kacahay 2Mly  ay u gudbiyaan gudida Hay’addaha DFID iyo DANIDA, kuwaas oo dusha kala soconya mashaariicdaa,
Hase yeeshee sida ay sheegayaan xoggaha shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews helayaan waxa muuqata in aan ilaa hada la ogayn meesha laga fulanyo mashaariicdaa iyo qaabka loo shaxeeyay, taas oo muujin karta inuu jiro mad-madaw iyo ceeryaamo durba haysa dhaqaalaha xadigaa leh ee loo qorsheeyay horumarinta Somaliland, waxaana jira su’aalo ka taagan qaabka wasiiradda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u maamulayaan mashaariicdaa ooh ore loo soo marin jiray World banka, balse dalalka bixinaya mashaariicdaa ee Britain iyo Denmark saluug ka muujiyeen qabka World Bank u maamulay mashaariic malaayiin dolar ah ooh ore loogu soo mariyay Somaliland wixii ka horeeyay sanadkan.

Xoggaha la xidhidha mashaaricda dhinaca Horumarinta iyo dhaqaalaha xadigaaa leh ee la doonayo in ay wax ka bedelaan dhinaca horumarka Somalialand ayaa ka walaacsan in Wasaaraddaha ay khuseeyaan mashaariicdaasi siyaabo khaldan u maamulaan dhaqaalaha la doonayo in wax lagaga qabto adeegyadaa, iyadoo aan la ogayn deegaamada laga fulinayo mashaariicdaa ay wasaaradduhu qaorteen oo aan marka horeba cidna wwar qabin xiligga la shaaciyay  iyo kuwa ay yihiin Hay’addaha , ama shirkaddaha fulinayaa, taas oo ay ahayd in mar hore si cad loo shaaciyo.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqata in qaabka loo maamulo mashaariicdaa malaayinka dolar ah iyo sida loo fuliyaa ay saamayn  ku yeelanayaan taageerada beesha caalamka ee Somaliland iyo aaminaada xukuumadda ee dalalka maamula sanduuqa horumarinta Somaliland ee Britain Iyo Denmark.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *