Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si kulul u weeraray dhaqdhaaqyo siyaasadeed oo xarakada diimeed ee Al-Islaax beryahan dambe ka wadeen Somaliland. Eng. Faysal Cali-waraabe oo hadal ka jeediyey xaflad xisbigiisu

hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey xalay murrashax uga qaybgeli doona tartanka doorashada golayaasha deegaanka  ee caasimadda Hargeysa, waxa uu si adag u naqdiyey masuuliyiin sheegtay inay yihiin hoggaanka urur-diimeedkaAl- Islaax oo dhowaan arrimo siyaasadeed kaga hadlay Somaliland, isagoo carrabka ku adkeeyey in aannu dalka ka sharciyeysnayn ururkaas iyo koox diimeed oo kale toona, isla markaana kooxdaAl- Islaax u sharraxan yihiin madaxtinimada waddanka Soomaaliya, waxaannu ka digay khataraha ku lammaan dhaqdhaqaaqyada kooxaha diimeed ee waqtigan Somaliland ka bilaabmay.
Eng. Faysal oo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi, “Maalin dhaweyd waxaan maqlayey qolo leh waxaannu nahay xarakada Al-Islaax ee Geeska Afrika. Horta Geeska Afrika kama jirtee waa Soomaaliya oo waa niman shantii Soomaaliya wada. Ta kale, xarkada Al-Islaax sidee bay Hargeysa uga hadli karaan? Qofka reer Xamarka ka ah waxa loo oggolaaday inuu dalkeenna bilaa fiise ku yimaado oo ay ka shaqaystaan.
XarakadaAl- Islaax waxay leedahay nin murrashax ah oo Xamar ka sharraxan, markaa  miyey Somaliland ka diiwaangashan tahay sidee bay uga hadli kartaa? Weliba qofkii u hadlayey af Carbeed buu ku hadlayey; innaga inalamuu hadlayn ee Carab ayuu la hadlayey. Macnaha hadalkoodu wuxuu ahaa murrashax Soomaaliya u sharraxan ayaannu leenahay oo halkanna [Somaliland] ayaa xukumi doonna.
Waxaan leeyahay dawladda Somaliland waa inay ilaaliso sharciga dalka, waayo qofka reer Xamarka ah,  waxa loo oggolaaday inuu dalkeenna bilaa fiise ku yimaado, ka shaqaysto oo uu dego, laakiin looma oggola inuu arrimo siyaasadeed halkan [Somaliland] kaga hadlo” ayuu yidhi Faysal.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay Afhayeenka u hadlay xarakadaa, isagoo yidhi, “ Waxaan caddaynayaa in ninkii u hadlayey ee Afyare la lahaa uu dembi ka galay Somaliland oo uu xarako aan sharci ahayn dalkeenna kaga hadlay; Soomaaliya ka sharciyeysnayn, Jabuuti ka sharciyeysnayn, Kenya ka sharciyeysnayn inay Hargeysa makarafoon ka qaadato oo shir-jaraa’id ku qabato waxaannu u aragnaa in qarannimadeennii meel lagaga dhacay, dawladda ayaana u xilsaaran arrintaas inay baadho.
Ma aha Somaliland meel iska bannaan oo qof kastaa intuu iska yimaad wuxuu doono kaga hadli karo, markay sidaa innagu sameeyaan waxay ina tusanayaan inaynu nahay gobol Soomaaliya ka tirsan oo qarannimadii Somaliland meel lagaga dhacay, sidoo kalena waxaannu u aragnaa in meel lagaga dhacay ammaankii Somaliland,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey inuu dib-u-eegis ku sameeyo dhismaha golaha xukuumaddiisa, baadhitaanno rasmi ahna ku sameeyo musuq-maasuq lagu sheegay inuu dawladdiisa aafeeyey.

“Waxaan kula talinayaa Madaxweyne Siilanyo inuu dib-u-eegis ku sameeyo xukuumaddiisa, waayo wuxuu shacabku ku sheekaynayaa inuu musuq baahay jiro, markaa waxaan kula talinayaa madaxweynaha inuu baadho musuqaa jira. Sidoo kale, xisbi ahaan waxaannu soo dhoweynaynaa go’aanka nabadeed ee uu ku baaqay hoggaamiyaha kooxda SSC Mr. Xagla-toosiye,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *