Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha Aqalka Gollaha Guurtida  Somaliland ayaa bilaabay dood ay ku naaqishayaan siyaasada gudaha ee xukuumadda Somaliland  iyo sidii Haweenka iyo Beelaha laga tirada badan yahay doorashooyinka soo socda loogu xidhi lahaa kuraas kooto ah oo aanay cidi kula tartamin.

Guddoomiyaha Gollahaa Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa  gudoominayay  fadhiga gollaha ee maanta, kaas oo ay mudanayaasha ka qayb galay doodaa   aragtidooda ka dhiibteen, iyagoo soo jeedimo iyo  talooyin biya dhacoodu aanu kala fogayn oo isku mid ahaa ka soo jeediyay madasha, marka laga reebo dhawr muddane oo ku dooday in aanay jirin sabab kooto loogu xidho beelaha laga tirada baddan yahay, balse loo baahan yahay inay muwaadiniinta kale ula sinnaadaan tartanka doorashada ee ka mid noqoshada gollaha guurtida iyo gollayaasha kaleba.

Mudane Axmed Ismaaciil Cabdi, Yuusuf Cabdilaahi Cawaale iyo Axmed Nuur Aw Cali, oo ka mid ahaa Mudaneyaashaa dooda ka qaybgalay  ayaa  sheegay inay soo dhawaynayaan in Haweenka loo cayimo kuraas gaar ah oo aanay cidi kula tartamin, laakiin waxay  xuseen  in beelaha laga tirada badan yahay hore kuraas looga siiyay Gollaha Guurtida oo beeluhu soo xulaan xubnaha aqalkaasi. Xiligana ay ku jiraan mudaneyaal ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay iyo kuwa la haybsooco.

Mudaneyaashaasi waxa kale oo ay sheegeen inaanay jirin sabab kuraas gaar ah loogu xidho beelaha laga tirada badan yahay oo ay muwaadiniinta kale ula sinaadaan tartanka ka mid noqoshada golayaasha Baarlamaanka.

Dooddaa  ayaa golluhu u balamay inuu sii ambo qaado maalinta beri ah. Iyadoo ay mudanayaasha qaarkood dooddooda  ku xuseen in la adkeeyo nabadgelyada dalka,  isla markaana kor loo qaado wada shaqeynta Ciidamadda ammaanka iyo dadweynaha Somaliland, iyadoo mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen inay in la taageero siyaasadda arrimaha debedda Somlailand ee xiligan, halka ay dalbadeen inay  gollaha hor yimaadaan Wasiirka Arrimaha iyo Jananka Ciidanka Bilaysku si wax looga weydiiyo arrimaha amaanka dalka.
Dhinaca kalena waxay Xukuumadda ku bogaadiyeen heshiisyaddii lagu soo afjaray mushkiladihii collaadeed ee deegamaadda kalshaale iyo Ceel Berdaale.

Araweelonews Mobile Somaliland Office
info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *